An exchange with the propagandist Saleemaan xaashi the author of "Barnaamijka taariikhda daraawiishta "
Moderator: Moderators
An exchange with the propagandist Saleemaan xaashi the author of "Barnaamijka taariikhda daraawiishta "
salaamu calaykum,
waxan jeclaa inaan ku waydiiyo suaalo ku saabsan taariikhdan aad tebisid ee silsilada ah ee Daraawiish. Suaashu kuwaad waxa weeye, taariikhdan aad sheegtid ma tii Aw Jaamac Cumar Ciise ee buugii 1974 uun baa iyo Axmed Faarax Idaajaa? mise waa wax adigu si gaar ah u soo ururisay. Sababtaan suaalahan ku weydiinayaa waxa weeye , Buuga Aw Jaamac Cumar Ciise u qoray 1974 hadaad taariikhdan Daraawiisheed ka soo xafiday waxan ku sheegi lahaa inaanay waxba ka jirin taariikhdaas beelaysan ee si dadban reerkiinu iskugu amaano.
Markaas waxan kugula talin lahaa hadii jiilkiinii hore aw Jaamac iyo Afweyne beentu u qoray wada waashay adigu jiilkii danbaad tahay taariikhahan cuqdadaysan ee jilibkaaga Dhulbahnate siinaysid taariikhdii Daraawiish ka joog, wuxu Aw Jaamac Cumar Ciise qoray ma ahayn taariikh Darawiish ee waxay ahayd xoogaa yar u ka soo xigsaday Douglas Jardin iyo 13 nin oo jilibkiisa ah u waraystay oo hebel baa yidhi iyo wax noocaas ah, buuga Aw Jaamac Cumar Ciise waxan cadayn karaa 100kiiba , 80% inu been yahay, 20% hadhayna u yahay xoogaagii u ka soo xigsaday Gaalada ( Talyaaniga iyo Ingiriiska) kuwaas ayaaba run sheegaya.
=====================================================================================================================
His reply.
Suleiman Hashi
2015-09-24
ASCW, Cid mubarak, waad ku mahadsna tahay emailkaaga iyo su aalaha aad i soo weydeysay, hadaan ka jawaabo Su aalahaaga, ah halkee ka keentay Taariikhda iyo inay soo dheegtay Buuga Sh Jaamac Cumar Ciise, taariikhda Daraawiishta Aw Jaamac keligiis waxba kama qorin 83 buug baa inta aan ogahay laga qoray, oo isugu jira Soomaali, Carab, Turkey, Ingiriis, Talyaani, Faransiis iyo Boortaqiis.
Waxana taariikhda aan ka aruurshey Buugtaas iyo ilow kale oo muhiim ah, dabcan Aw Jaamac dhanka Soomaalida buugiisa ayaa ugu caansan, lamana qorin sidaad sheegtay 1974 ee waxa la qoray 1955, asagoo carabi ah, balse adiga Siyaad Barre 1974 oo markii afkan aynu ku wada hadlayno la qoray baa laga yabaa inay kula weyn tahay, xiligaasna Siyaad Barre ma joogin , talona ma hayn Aw Jaamac wax qoraayey.
Taasi waa jawaabtii, waxanse kuugu daraya xoogaa nasteexo ah, runtii waa nasiib darro inaad dhahdo nin Soomaaliyeed oo culumo ah been ayuu sheegay, gaaladii dalkeena gumaysanaysana run beey sheegeen, hadana aad dhahdo Taariikhdii daraawiishtaan qorayaa, Gaalka Douglas hadaan tusaale kugu soo qaato, wuxuu ka mid ahaa madaxdii Gumaystuhu dalkeena inay diintooda ku faafiyaan, inagana ina rartaan u so direy.
Halkaas waxa iiga cad inaad gaalada iyo Gumaystahaba ka neceb tahay Qabiil, Soomaaliyeed oo waladaa ah, oo kula dhashay, ku dhalay aad wada dhalateen isku diir iyo diin tihiin, waxan kugu nasteexeyn lahaa intaad wakhti gelin lahayd maxaa Dhulbahante daraawiish loogu sheegay, wakhti geli wax ka khayr badan, adigana kaaga sharaf iyo taariikh roon Soomaalina uga faa'ido tooboon.
Xataa hadii aad aragtay ama aad tawday dad taariikhda lahaa oo laga boobay, heer kulkaagu inuu ku geyinsiiyo gaaladii baa run ka sheegtay halgankii Daraawiisheed waa Bar kuma taal walaal, Taariikhda anigu aan akhriyo anaa isku dubaridey sideey ahaydna waan u soo qoraa, xataa hadaladii cayda ahaa ee Ingiriisku Dhulbahante ku yidhi waan sheegaa, waxan kaloo sheegaa madaxdii Isaaq, Majeerteen, hawiye, Xasan Kalweyn, Sheekhaal iyo Madhibaan ee Daraawiishta ahaa iyo doorkoodii.
Taarikhduna sideedaba dhadhan ma yeelato hadaan laga run sheegin, inaadse ka soo qaadato Daraawiish Dhulbahante u caangashay, taas walal mahaa wax cudur daar kuu noqonaaya, akhri Buuga Taa'ir mina Soomaali ee Abdelmasquur uu qoray, eeg ninkasi sida uu Soomaali wax iga qoray.
Markale waa kuu mahadcelinayaa Daraawiish dhimashadeedii ugu badnaa wuxuu ahaa dagaalkii Jidbaale, eeg ragga ku dhintay dhamaan magacyadooda ee ku qoran buuga Sir Georfey Ancher, ma anagaa sodaanta keenay. Akhri dagaalkii Ruuga , Berbera iyo gubideedii, Akhri dagaalkii Fardhidin ama dhagayso dhamaan waxaad helaysaa jawaabaha ad raadinayso, lana kaasho buugta gaalada aad aaminsan tahay.
Salaam iyo mahad
Salmaan Hashi.
========================================================================================================================
My replay
215-10-06
Markii ugu horaysaba waan iska gartay markaan dhagaystay waxyaabahad iska soo malmaluuqday inaad tahay mid soo xafiday uun khuraafaadkii Aw Jamac iyo Idaajaa. Waxa idin hoday waa beentaas, beentiina markiiba waadigaa ka booday ee sal gariiray ee isku maqiiqay isaaq , snm iyo Somaliland.
Wiilyow wareersani Gaaladu been waxay ka sheegtaa markay umadaa kale u waramayaan se markay dawladooda u waramayaan Gaaladu been uma sheegi karaan dawladooda oo taasi waa xadhig iyo khiyaamo qaran. Midhka taariikhda dhabta ah ee Halkee Daraawiishi lagu abuuray iyo side loo abuuray iyo yaa maamuli jiray cadaynaysa , waa qoraalada sirta ah ee archives ka dawlada Ingiriiska iyo Talyaaniga taal . Waxad tahay nin aan xog culus hayn, xataa kan aad ku daba tukatid ee Aw jaamac gabagiisiba wuxu tix raacyo ka dhigtay laba buug iyo wax ka yar 10 waraaqood oo si edab dara ah oo ogaan ah Idaajaa ugu tarjumay, isagoo bog-dooxaya Af Ingiriisga oo meel aan qabiil lagu sheegin ku sheegaya , meelo kale na ogaan u qaloocinaya tarjumada. hadaba diid ama yeel , qodobka kuwaad ee ah taariikhda ina Cabdulle Xasan ee Berbera eed ku soo tabisay qabytii 2aad ee programkaaga eed ka soo xigatay buuga aw Jaamac waa been cad.
Maxamed Cabdulle Xasan cashuurna kama diidin Berbera , qalaalse na kama abuurin , aqoona umay lahayn ba maamulka Ingiriis, xataa magaciisa may aqoon. waxa uGu horaysay maqal ka Ina Cabdulle Xasan maamulka Ingiriiska Bishii Feburary 1899 , sidu qoraalkiisa xog-waranka ah uGu gudbiyay dawlada Ingiriiska Hayes Salder oo markaas ahaa Qunsuliga-Guueed ee Muxamiyada Somaliland. ( eeg lifaaqa) .
Markaas ma waxad naga dhaadhicinaysaan kooxdiidan Afduubka ku haysa taariikhda Daraawiishta in Hayes Sadler war bixin been ah u gudbinayo dawlada Ingiriiska oo u qarinayo Taariikhda Wadaadkan ??? taasi wax macquul ah maaha , waxa se macquul ah in Aw Jaamac iyo iyo kooxda yar u yidhi waan waraystay inay ka been sheegayaan wakhtigu Ina Cabdulle Xasan joogay Berbera iyo taariikhdu Berbera ku lahaa. Wax Mucaaridnimo ah ina Cabdulle Xasan kalama hor iman Ingiriiska ilaa Bishii faburary 1899 , markaas u joogay Qoob Fardood, oo waa kaas Hayes Sadler ba qoraalkiisa ku cadaynaya in geeliisii iyo xoolihiisii Ingiriisku u dhiciyeen uguna mahad naqay isago. Aw Gaas baa jaajuusay, iyo Berbera ayuu halgan ka bilaabay iyo sheeko xareereedkaasi waa xaaraan maqdac ah.
qodobkii kowaad inu Aw Jaamac iyo kooxdiisu taas ka been sheegeen waa taas, hadaba ii wad marooro dilaacii Isaaq baa na haystada ahaa. waa hadii laguu joojiyaba.
==========================================================================================================================
His reply.
Date: Tue, 6 Oct 2015 16:17:24 -0400
Subject: Re: Qoraalkan baa saxan.
From: xaashi2008@gmail.com
To: gusuf78@hotmail.com
Ninyahoow horta markii hore waxaan kula hadlay sidii nin waxkasi oo wax fahmi, balse waxaad uun noqotay halkii carabtii tidhi'' Jaahilku weynaynta iyo Xushmada waa ku bararaa'', Wakhti uma hayo inaan kula raadiyo taariikh aad u sameysid reerkiina tuurta ku qaadi jirey Gaalada, dhulkaad sheegayso soow mahaa 300 ee km ee naagta gaalada ah wiilashu isku kala badalayeen, sawirkan ayaa adiga horta jawaab kugu filan.
Hadaad doonaysid in reerkiina/Isaaq yeesho Taariikh fursad fiican baa hada Soomaaliya ka banaan, xamashida Hargaysa haysata iyo Amxaatada looga dabaaldegayo ka xoree, markaas ayeynu ka sheekeyn doonaa taariikhdiina cusub ee 2015ka, Schoolaadkiina waxa lagu dhigaa taariikhdii ururkii dabadhilifka Amxaarada ahaa ee SNM, hada ogoow Majeerteen waa ka xishoodeen inay SSDF ay ayagu qoraan iska daaye soo qaadaan Abdullaahai Yusuf oo xabadii ugu horaysay ku ridey Xukunkii Militarygana waaba ka shalaayi jirey.
Adiguna waxaad mujaahid u taqanaa nimankii ayagoo is dhiibi lahaa ilaahay Ogaadeen iyo USC u soo direy ee Xamar afgambiyey, dalkeeniina maanta ka dhigay waraabe dareereen. Ninyahoow Wakhti uma hayo aan kugu bixiyo, Li'Anu waxaan kaa faa'idayo oo aan ahayn caadifad, qabiil, nacayb, cudur, Masayr iyo Xaqiraad ma jirto, hadaad doonaysid inaad Dhulbahante taariikh kula tartanto, Al Maydaanu Waasaca '' Hatii Burhanak ya Shiikhii''', hadii kale aniga i have lot of things do..
Al Cumuum Wakhti kuuma hayo bro, Al Cilmi Shei'een.
Salaams Email danbe ha ii soo dirin brother.

- Khalid Ali
- SomaliNet Super

- Posts: 32790
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
Re: An exchange with the propagandist Saleemaan xaashi the author of "Barnaamijka taariikhda daraawiishta "
waba mid xanuunssnaya lol his last response about the zeylac incident most of them believe it was in berbera they believe it holy even our little udun marki archiveski.la tusay 5 months topics waxba kuma qorin
Re: An exchange with the propagandist Saleemaan xaashi the author of "Barnaamijka taariikhda daraawiishta "
dee wuu ku karbaashay willkuye maxaad udaba socotaa. Taariikhda Daraawiishtu wax la khaldi karo ma aha, sababtoo ah qarnigii 9aad mayna ahaynee waa eegga! dadkii joogay iyagoo mudakara ayaaba nool. Bal aad Taariikhda uruurisidee sxb, dee Afsoomaal classic ah na qor. Ha qorin kii aad ku hadlaysay, marka aad dadka sidaasoo kale ah wax la wadaagayso.
Re: An exchange with the propagandist Saleemaan xaashi the author of "Barnaamijka taariikhda daraawiishta "
Markiiba xaar buu saydhiyey oo cuqdaddi lagu abuuray ayaa ka siibatay. We have to put terror in their heart from fugitive war criminal Tuke to this emotional propagandist baby pig.Khalid Ali wrote:waba mid xanuunssnaya lol his last response about the zeylac incident most of them believe it was in berbera they believe it holy even our little udun marki archiveski.la tusay 5 months topics waxba kuma qorin
Re: An exchange with the propagandist Saleemaan xaashi the author of "Barnaamijka taariikhda daraawiishta "
Horta waagi hore reerkiina wareeray waxan moodi dad la qalday oo xooga aqoon laan iyo cilmi laani hayso oo haddi runta lagu hafiyo sida umadaa kale baraarugi doona.balwarama wrote:dee wuu ku karbaashay willkuye maxaad udaba socotaa. Taariikhda Daraawiishtu wax la khaldi karo ma aha, sababtoo ah qarnigii 9aad mayna ahaynee waa eegga! dadkii joogay iyagoo mudakara ayaaba nool. Bal aad Taariikhda uruurisidee sxb, dee Afsoomaal classic ah na qor. Ha qorin kii aad ku hadlaysay, marka aad dadka sidaasoo kale ah wax la wadaagayso.
Hada waxa umada soomaali u cadaatay in beentuba ay diin idin tahay ood u dhisateen sanamyo aad ku caabudaan.
Bal wiilkan beenta loo sheegay ee saleemaan xaashi fariintiisa eega wuxu yidhi " hadaad rabtid taariikh daraawiish oo burhaan leh, al miidaanu waasic" ka dibna siddi gabadh shukaansi ka duday ayuu yidhi fariin dambe hay soo dirin.
Looooooool
Re: An exchange with the propagandist Saleemaan xaashi the author of "Barnaamijka taariikhda daraawiishta "
waryaa hooy wiilyahow, wixiina malmaluuqda,sooyaal ku heshiin maynee oo naga hadh! LOL........
- MujahidAishah
- Posts: 16994
- Joined: Thu Dec 16, 2010 5:32 pm
- Location: Garisadi Guryosamo Goljano ku nool
Re: An exchange with the propagandist Saleemaan xaashi the author of "Barnaamijka taariikhda daraawiishta "
Awoowo said asc waan naaxa I was like Allahu Akbar 
then I saw it was a c&p your playing with my emotions warya il iyo inkar kama baqaysiid

then I saw it was a c&p your playing with my emotions warya il iyo inkar kama baqaysiid

Re: An exchange with the propagandist Saleemaan xaashi the author of "Barnaamijka taariikhda daraawiishta "
Yaaba is gaadhayba maanta waxan ka dalbaday the British national archives wax alaale iyo wixii daraawiish ah waraysiyadoodi, iyo waraysiyaddi nimankii soo arkay oo laga qaaday xoogta laga bilaabo 1901 ilaa 1904, waa 540 page, it cost me less then 100€.
Idinku waxad sheegaysan 4 aan la aqoon oo aw jaamac geed hoostii ku waraystay shalay.
Idinku waxad sheegaysan 4 aan la aqoon oo aw jaamac geed hoostii ku waraystay shalay.
Re: An exchange with the propagandist Saleemaan xaashi the author of "Barnaamijka taariikhda daraawiishta "
loool, bal la kaalay waanu kula akhrisan. Wixii naga anfacana waanu ka qaadan,wixii kalena waanu iskadiidi!
- MujahidAishah
- Posts: 16994
- Joined: Thu Dec 16, 2010 5:32 pm
- Location: Garisadi Guryosamo Goljano ku nool
Re: An exchange with the propagandist Saleemaan xaashi the author of "Barnaamijka taariikhda daraawiishta "
I read the whole post waar wuxu af xuma nacala you didn't even insult him nacas ka .. even tho I got bored and skimmed thru bits
From what I understood he got angry from the Douglas as a source that has more validity than the idajaa iyo aw jamac and issaq had a role in the darawish..
Ps xashi nice name awoowo
Pps I'm being serious dap a sister
From what I understood he got angry from the Douglas as a source that has more validity than the idajaa iyo aw jamac and issaq had a role in the darawish..
Ps xashi nice name awoowo
Pps I'm being serious dap a sister
Re: An exchange with the propagandist Saleemaan xaashi the author of "Barnaamijka taariikhda daraawiishta "
U malayn maayo in ay idin anfacayso sababtoo ah wax kaste oo qortay aw jaamac waa ku lid waana taariikh aan laga been sheegi karin, tusaale dagaalkii Daraatoole oo kale waxa laga waraysanayaa nin Abraahiin ah, magaciisa la sheegayaa ka dib jilibkiisa ka dib wuxu daraawiish ka ahaa iyo sidu uga soo cararay iyo war bixintiisii.balwarama wrote:loool, bal la kaalay waanu kula akhrisan. Wixii naga anfacana waanu ka qaadan,wixii kalena waanu iskadiidi!
Bal taas yaa beenayn kara ma qolyahan taariikhda daraawiish ka dhigtay ismaaciil mire iyo 4 ayaga ah.
Re: An exchange with the propagandist Saleemaan xaashi the author of "Barnaamijka taariikhda daraawiishta "
Ayeeyo told you aint that bright, ninka Xaashi sita ee isaaqa caayaya dee aniga maaha.MujahidAishah wrote:I read the whole post waar wuxu af xuma nacala you didn't even insult him nacas ka .. even tho I got bored and skimmed thru bits
From what I understood he got angry from the Douglas as a source that has more validity than the idajaa iyo aw jamac and issaq had a role in the darawish..
Ps xashi nice name awoowo
Pps I'm being serious dap a sister
Re: An exchange with the propagandist Saleemaan xaashi the author of "Barnaamijka taariikhda daraawiishta "
aan aragnee inoosoo qaad, dabadeedna kolkaa ayaanu go'aan kagaadhi! Deal?
- MujahidAishah
- Posts: 16994
- Joined: Thu Dec 16, 2010 5:32 pm
- Location: Garisadi Guryosamo Goljano ku nool
Re: An exchange with the propagandist Saleemaan xaashi the author of "Barnaamijka taariikhda daraawiishta "
No no awoowo i got a bit confusedX.Playa wrote:Ayeeyo told you aint that bright, ninka Xaashi sita ee isaaqa caayaya dee aniga maaha.MujahidAishah wrote:I read the whole post waar wuxu af xuma nacala you didn't even insult him nacas ka .. even tho I got bored and skimmed thru bits
From what I understood he got angry from the Douglas as a source that has more validity than the idajaa iyo aw jamac and issaq had a role in the darawish..
Ps xashi nice name awoowo
Pps I'm being serious dap a sister
Ilen your GUSuf this niiga is off his head

walle khasis baa tahay magaca baad naga xumaysay

Re: An exchange with the propagandist Saleemaan xaashi the author of "Barnaamijka taariikhda daraawiishta "
Taas in ta yar een ka hayo wuxu ka waramay inu Wadaadku dagaalka ka maqnaa oo mar dambe yimi, in wadaadka iyo suldaan Nuur dagaalkaas isku seegeen oo la wada hadal iyo inu Xaaji Suudi oo lagu sheegay in lagu dilay Digweyn ay been tahay uu noolyey.
Intaas oo qodob oo kaliya ayaaba ceebaynaysa aw jaamac oo haba yaraatee soo hadal qaadayn nimankaas aan beeshiisa ahayn oo ciyaal waagaas 1902 ahaa 18 jir sida Cusmaan Booss ku badalaya nimanka isaaq.
Hadaba ma waxa macquul ah in ninkaas ogaadeen been sheegay oo isaaq u xagliyey, mise aw jaamac baa ciyaalka reerkiisa meel kaste ku buuxiyey.?

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 5 Replies
- 943 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 4 Replies
- 691 Views
-
Last post by HappyRasta
-
- 21 Replies
- 2442 Views
-
Last post by ChiefAaqil
-
- 1 Replies
- 733 Views
-
Last post by Enemy_Of_Mad_Mullah
-
- 56 Replies
- 2319 Views
-
Last post by Sadaam_Mariixmaan
-
- 3 Replies
- 521 Views
-
Last post by kambuli
-
- 114 Replies
- 20248 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 1 Replies
- 364 Views
-
Last post by paidmonk
-
- 1 Replies
- 2179 Views
-
Last post by siciid harti
-
- 7 Replies
- 592 Views
-
Last post by FBISOMALIA