Abwaan Jaamac Kediye Cilmi iyo gabaygii Wacdi
Moderator: Moderators
Abwaan Jaamac Kediye Cilmi iyo gabaygii Wacdi
And now for something spiritual, a break from the mundane fadhi ku dirir we all get carried away with, with such little rewards.
This poem from Abwaan Jaamac Kediye Cilmi is one of the most listened to poems among the Somali people. It's appeal lies in its universality, and mirrors the greatest themes of Sufi poetry, the fleeting mortality of the human, the inevitability of death, and the desire to shelter one's soul in the presence of the Almighty, in the final hour of reckoning. It's a great spiritual poem with lessons that a thousand dry khutbas will never impart.
● Allaa weyn Rabbi baa waaxidaad wada taqaaniine
● Isagaa waduud ah aan tashiga la la wadaagayne
● Isagaa wuxuu doonaya ba cidi la waastayne
● Wax ba kama qarsoonoo qalbigu wahan hadduu yeesho
● Wixii wali ba waa u waadaxiyo waasac maalin ahe
● Alwakiilu magaciisu waa warithaan dhimane.
● Ogaada oo Wat-tiin iyo Sul-sulilat weedha hadalkiisa.
● Wal-casriyo wal-layl iyo Ancaam ama Was-saafaat ba
● Wash’shamsi iyo Duxaa iyo Kuwwirat Waylu iyo Xaaqa
● Inta wowga laga qaaday iyo wadartu waa dhaare
● Wallihii Ilaahiyo runtii baan waatan lee nahaye
● Wacdigii iyo tafsiirkaa sidii waabarka u qorane.
● Naf wali ba wakhti bay lee dihiyo war iyo taariikhe
● Waayaha adduunku na qalbiga waa walhinayaaye
● Wadne la ma huraan buu noqdiyo waxaan ku seegayne
● Warankii Israa’iil intaanu waajibkii gudanin
● Ama uu waddada soo hayaan wiishku nagu yeedhin
● Waysada ha dayni na tan waa layska wadayaaye.
● Walad gabana waayeel cimriya waalid lagu faano
● Madaxweyne iyo heer wasiir ama wakiil dawlo
● Wadaad shiikha wayd caato badan wabar ka xoogaystey
● Wali iyo rasuul iyo haddaan waxar la reebaynin
● Allaa waaxid mooyiyee haddii aan cidi ba waaraynin
● Ku welwela wardiga aakhriraa layska wacayaaye.
● Inay dunidu wiig iyo bilyo tahay waxaan dhaamin
● Taariikhdu na witiiti iska tahay walacsi kuu dhaafta
● Aynnu nahay wadaal iyo qariib weerar dabajoogo
● Malag aan wax kale qabaninoo waaga tirinaaya
● Waardiyaha ilaashada nafta na waaran baa u go’ane
● Waddaa ina sugaysiyo jidkii uu waalidkeen maraye!
● Haddaad se xoolo waafiya dhaqdiyo aqallo waaweyn ba
● Ama aad warshado lee dihiyo waadiyiyo beero
● Ama wiilal badan lee dahayoo wax isku moodayso
● Ama reer waliid sheegatiyo wadar xigaalkaaya
● Wax ba aadan ka sidan maalkiyoo waayey noloshaadii
● Oo maro ku waydaaran baa lagu walaandaynee
● Wartii iyo xabaashaadii baa weec laguu dhigiye!
● Walaal iyo adeer iyo hadduu wehel ku sii raacay
● Warasadaad jeclayd dhoobaday kugu wafiifaane
● Wadiiqadii lagaa keenay bay dib uga weecdaane
● Adigoo welwelayaad indhaha walac ka siisaaye
● Wadnahaa cabsiyi kaa gashaa aad wajacantaaye
● Warran bay ku odhan malagyadii labada waaxoode!
● Weji cadho leh bay kula iman weedh adaan celine
● Wax haddaadan sii dhiganinuu madhan yahay weelkaagu
● Wanaagga iyo tawbada haddaad waayirada goyso
● Waraaqda iyo looxaagii baad wari ka qaadaaye!
● Walaahowga beentiyo dambiga lagu wareegaayo
● Wasladahan la kala boobayiyo waqaska xaaraanta
● Wanjalaadda lagu faanayo ee waraca lays mooday
● Qofkii aan ka waantoobin oo walafka sii raacay
● Wajiguu Ilaah u la tagaa buu wari ka qaadaaye!
● Waaxyihii Jasiiriyo sidii weriyihii Soona
● Ama niman wareegoo arliga camal ka wiideeya
● Ama qolo wadaadiyo Tabliiq aan wacdiga joojin
● Anna waanadiyo gabayadaan idiin waraabshaaye
● Haddii se aan wax lagu qaadaninoo layska waydaarto
● Wabi ooman la ma buuxiyiyo bohoshii waaheene
● Qof kastoo wanaaggii na rabay waa wahsanayaaye
● Dadka se waaxidkiyo wadarta badan labada kii waalan
● Is weyddiiya waayadan shakkigu way iska weyn yahaye
● Waajibka na ilaashada cadaab wiirsi laa jiraye!
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 295 Views
-
Last post by theyuusuf143
-
- 4 Replies
- 734 Views
-
Last post by samadoon-waaxid
-
- 4 Replies
- 1344 Views
-
Last post by KyrieJama
-
- 2 Replies
- 941 Views
-
Last post by Unclebin-
-
- 2 Replies
- 357 Views
-
Last post by Gubbet
-
- 0 Replies
- 444 Views
-
Last post by Executive
-
- 140 Replies
- 12491 Views
-
Last post by Faisah
-
- 7 Replies
- 776 Views
-
Last post by hanqadh
-
- 1 Replies
- 620 Views
-
Last post by TheblueNwhite
