Iyadoo maalintii afraad uu galay dagaalka u dhexeeya ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah iyo kuwa Itoobiya ayaa haddana wararka aan ka heleyno Baydhabo waxay sheegayan in khilaaf baÂ’an u dhexeeyo Dowladda Federaalka iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Gobalka Baay.
Khilafkaan ayaa waxa uu yimid markii Saraakiisha Itoobiya ay waayeen ciidamo Dowladda ah oo ka barbar dagaalama ciidamada Itoobiya, taas oo ay si weyn uga caroodeen Ciidamada Itobiya, waayna sheegeen qaarkood in lagu soo siray Soomaaliya.
Khilaafkaan waxa uu keenay in kulan deg deg ah ay isugu yimaadeen Madaxweyne C/llaahi Yuuusuf, RaÂ’isul Wasaare Geeddi iyo xubnaha kale ee Dowladda, waxayna shalay ka arinsanayeen waxa laga yeelayo dagaalkaan oo keenay in gebi ahaanba ay goÂ’doonto Magaalada Baydhabo, isla markaana ay ku soo bataan ciidamada Itoobiya, oo haatan laga cabsi qaba inay ka bataan dadka kale ee Soomaalida ah ee ku sugan Baydhabo.
They pull out of Baydhabo & the stooges are focked!

