Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Janaayo 2002

Published on: 2001-12-31 19:53:32

Ugu horreyntii Allah baa mahad leh oo noo suuro galiyay inuu soo baxo magazine/kan ku qoran intiisa badan afka soomaaliga oo aan filayo in bulshaweynta soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay aad uga faa`idaysan doonaan una jeclaysan doonaan.

Sida dad badani ay aaminsan yihiin Isboortigu waxaa uu ka mid yahay waxyaabaha ugu horreeya ee bani`aadamku uu ka helo caafimaad taam ah. Waxaa isboortigu uu mug weyn ku leeyahay nolosha qofka iyo xarakaadkiisa, iyadoo qofku uu ka helo caqli fiyow iyo jir fiyow labadaba. Marka dhanka kale laga eegona Isboortigu waxa uu dhallinyarada kala diriraa anshax xumada, waxaana uu ka fogeeyaa waxyaabaha xun xun oo dhan oo ay ka mid yihiin daraagiska iyo cabidda khamriga.Wuxuu kaloo isboortigu isu keenaa dhallinyarada oo uu ka dhex abuuraa is barasho, isdhex gal iyo is jacayl, waxaana mararka qaarkood uu isboortigu kaalin ka ciyaaraa isu soo dhawaanshaha laba dal siyaasad ahaan.Qofka ciyaaryahanka ahna wuxuu ka kasbadaa mujtamaca dhexdiisa magac weyn iyo dhaqaale intaba.

Haddaba iyada oo aanan xaqiiqdii halkan lagu soo koobi karin faaiidooyinka uu isboortigu leeyahay ayaan qormooyinkayga ku saabsan isboortiga waxaan intooda badan uga hadli doonaa dhaqdhaqaaqyada isboortiga ee ka jira dalka SOOMAALIYA gudahiisa iyo nashaadaadka isboorti ee dhallinyarada soomaaliyeed ay ka wadaan meelo faro badan oo dunida ka mid ah sida: USA, CANADA, EUROPE iyo AFRICA.waxaan iyaduna ka hadli doonaa Ciyaaraha dunida ka dhaca qaarkood. Ugu dambayntiina waxaa soo qaadan doonaa qayb joogto ah oo aan uga hadli doono taariikh nololeedkoodii isboorti ee maamul, tababarayaal iyo xiddigihii soomaaliyeed ee kubbadda Cagta, Kubbadda Koleyga, Ciyaaraha fudud, kubbadda miiska I.W.M.

Sidoo kalena waxaa qormooyinkayga ka mid noqon doona qayb aan ku dhiirigalinayo xiddigaha cusub ee haatan soo baxaya oo iyagu mustaqbal wanaagsan ku leh noocyada ciyaareed ee kala duwan.

Fadlan wixii Talo iyo Tusaale ah oo aad hayso iigu soo hagaaji shiikha@somalinet.com

Back to Category