Sannadihii u dhexeeyey 1920-kii ilaa iyo 1950-kii, ma ahayn dhaqaale ahaan wax fiicanin Wiilka dhalliynarada ah oo Maraykanka ama Japanese-ka ah uu Iskuul waqti isaga lumiyo. Dadka badankoodu waxay u shaqayn jireen warshadaha macdanta ama kuwa baabuurta, waxayna ka samayn jireen nolol-maalmeed fiican.
Laakiin wixii ka dambeeyey sannadihii 60-aadkii, Shahaadada Iskuulku School Certificate waxay baddashay kaarkii la oran jiray Union Card oo ay xoogsatadii warshadaha maraynkanka ka shaqayn jiray ay isticmaali jireen sannadihii 50-aadkii. Aqoontuna waxay noqotay furaha horumarka. Iskoolku waxa uu ahaa meesha kaliya ee dadku aqoonta u soo raadsado. Waddamada maanta adduunka ugu dhaqaalaha badanna waa kuwii maalgalinta ugu badan kusameeyey inay dadkooda waxbaraan.
Tusaale ahaan, sannadihii 60aadkii, Waddanka Maraykanka, xataa iyadoo lagu jiro dagaalkii Vietnam, dowladdu waxay kharash ka badan kan difaaca (defence) ku bixisay waxbarashada (education). Natiijadiina waxay noqotay in dhaqaalaha maraykanku uu gaaray heerkii ugu sarreeyey.
Waqtigan xaadirka ah, in Iskuul la galo maahan sida kaliyaama ugu fiican ee
qofku waxkubaran karo ama aqoon ku kasban karo. Technologiyada casriga ah,
Sida madbacadaha iyo compurradu waxay sahleen in Maktabadaha, Goobaha shaqada, Internet-ka, iyo xitaa xabsiyada ay noqdaan goobo aad ugu fiican waxbarashada aadna uga riqiisisan Iskuullada. Maaddaama ayaan dadkoo dhan isku si wax u baran karin, dad badan oo markoodii hore Iskuullada ku guuldarraystay waxaa u suura-galay inay helaan hab kale oo ay wax ku baran karaan.
Xaqiiqadu waxay tahay aqoontu waxay kordhisaa wax soosaarka. Dalka Jabbaan, oo in ka yar 10% ay beeraley yihiin waxay soo saaraan cunto aad uga badan tii ay soo saari jireen beeralaydii qarnigii 19-aad, markaasoo waliba dadka Jabbaanka intooda badan80%ay beeraley ahaayeen.
Iyadoo aan gumaystayaashii meelo badan oo adduunka ka mid ahoo ay Soomaliyana ku jirtoka talin jiray ayan ka tagin manhaj waxbarasho oo horumar lagu gaari karo, ayaa waxaa dowladihii kala duwanaa ee Soomaaliya soo maray la soo gudboonaaday marxalad adag oo ku saabsan sidii dadka wax loo bari lahaa. Suaalaha ay ka mid yihiin: ma macallimiin baa la raadiyaa, mise arday waxbarashadooda dhammaysta oo markaas dadka waxbara? Waxay noqotay ukunta iyo digaagga keebaa horreeyey oo kale.
Dhowr qof oo dowladdu u soo diri jirtay Qurbaha si ay wax u soo bartaan oo hadhow looga faaiidaysto, waxaa dhici jirtayintooda badaninaysan sooba noqon ama xitaa hadday soo noqdaan waxay la soo noqon jireen dhaqan iyo luuqad shisheeye oo kaliya. Inta yar oo wax soo baratana waxaa kala duwanaan jiray manhajka ay iyagu wax ku soo barteen iyo kan lagu khasbay inay wax ku baraan ardaydooda.
Siday doontaba ha noqotee, marna dhowr qof oo qurbaha wax ku soo baratay ma dabooli karin baahida waddanku u qabay Macallimiin waaya-aragnimo fiican leh. Soomaaliyasannadihii 80aadkiibaahida macallinka loo qabay waxay la mid ahayd sidii beeraleydii Maraykanka sannadihii 1750kii. Oo labaatameeyo qof oo beeraley ah ay soo saari jirtay cunto ku filan hal qoys oo magaalo deggan.
Maanta oo in kabadan hal malyan oo Soomaali ahoona u badan carruur iyo dhallinyaroay ku nool yihiin qurbaha, gaar ahaan Yurub iyo Woqooyiga America, waxaa wax aad loogu farxo ah in shanta ama tobanka sano oo socda, baahidii loo qabay dad Soomaaliyeed oo aqoon leh laga bixi doono. Laakiin suaasha kaliya waxay tahay goormaa dadkaani ku noqonayaan waddankii oo dadkii iyo dalkii wax u qabanayaan?. Ma waxay sugayaan inta waddankii hagaagayo mise iyagaa laga rabaa inay inta noqdaan wax baddalaan? Sideebayse aqoontooda ugaga faaiidayn karaan dalkii iyo dadkii iyagoo xitaa aan wali ku noqon waddankii maaddaama aan nabadgalyadu sugnayn oo aan qofna lagula talin karin inuu dib u noqdo waqtiga hadda la joogo.
Waxaa lagama maarmaan ah in la helo qaab lagu ururiyo dadka Soomaaliyeed ee qurbaha jooga intooda wax baratay, si ay u noqdaan Jaaliyad isku duuban oo waxa kaliya oo ay ku midoobeen ayan ahayn Qabiil ee ay tahay Aqoon. Waxaa tusaale fiican ah, meelo badanna ka jira ururro (associations) ay samaysteen arday Soomaali ah oo inta badan isku Iskuull ah, ama Iskuullo kala duwan dhigta laakin isku magaalo ah. Nasiib xumada ururradaan ku dhaca waxaa ka mid ah maaddaama aan ujeeddo dheer laga lahaynin dadka hormuudka u ah ay isaga tagaan markay waxbarashooda dhammaystaan Hadhowna la waayo wax meesha ka sii wada.
Si ay ururradaas ardaydu (students Associations)u noqdaan kuwo wax tar wayn yeesha oo Soomaalidana u horseeda horumar waa inay yeeshaan ujeeddooyin ka fog in ay u shaqeeyaan inta ardaygu uu iskuulka dhigto oo kaliya iyo waliba in ay ku egyihiin magaalada uu Iskuulku ku yaallo oo kaliya. waxaa muhiim ah in ardayda Soomaaliyeed oo dhan ay helaan urur wayn oo ay kulligood xubno ka yihiin isuguna gudbiyaan aqoontooda, isku dhaafsadaan figradohooda iskuna bartaan si ay mustaqbalka u noqdaan kuwo wada shaqayni ka dhexayn karto.
Maaddaama uusan qofka aqoonyahanka ahwaliba kan takhasuska u leh hal shaqo oo kaliya Specialist kaligiisa waxba qabsan karin, wuxuu u baahan yahay dad badan oo iyaguna aqoon leh inuu xubin ka yahay. Tusaale ahaan Market Researcher waxa kaliya oo uu u tababaran yahay waa inuu soo helo xog Data, si xogtaas loogu beddelo warbixin (Information) waxaa loo baahan yahay Marketing People si loo iib-geeyo alaabtana waxaa loo baahan yahay shaqaale wax soo saara production people iyo kuwo xirxira (packaging people) iyo kuwo u safriya meelo kala duwan distribution people
Taas micneheedu waxaa weeye qofka aqoonyahank ah oo waliba specialist ah, wuxuu aad uga duwan yahay qofkii beeraleyda ah ama xoolo-dhaqatada ah oo kaligiis wax qabsan kara ama xaaskiisa iyo carruurtiisu ay yihiin hayad iskeed u taagan (Organization).
Micnaha Organization-kuna wuu isbaddalaa hadba marka dabeecadda aadanuhu isbaddasho. Markii ugu horraysay erayga Organization waxaa isticmaalay qoraa Jarmal ah, wuxuuna ku fasiray hal qof oo iskiis u shaqaysta. Maanta waxaa hal organization kawada tirsan dad kala jooga adduunka dacalladiisa oo dhan oo howsha qofba uu intii kaga aaddanayd qabanayo. Waana habka laga doonayo in Soomaalidugaar ahaan intooda aqoonta leh ay u wada shaqaystaan.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!