Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Janaayo 2002

Published on: 2002-01-01 12:35:07

Ummad kasta oo dunida guudkeeda ku nool waxay leedahay xiddigo caan ku ah Isboortiga noocyadiisa kala duwan kuwaasi oo gaaray heer qaran iyo heer caalami intaba, Xubinteena joogtada ah ee ku saabsan Xiddigaha waxaan ku soo qaadan doonaa taariikhaha Xiddigihii soo maray ummadda Soomaaliyeed kuwaasi oo goobo badan ku difaacay calanka iyo ciidda, sidoo kalena waxaan soo qaadan doonaa taariikhaha dhallinyarada soo koraysa oo iyagu mustaqbalka wanaagsan ku leh ciyaaraha.

Xubinteena maanta waxaan ku soo qaadan doonaa waraysi aan la yeeshay xiddig ka mid ahaa xiddigihii soomaaliyeed ee Kubbadda koleyga waa Isaaq Nuur Jilley, Isaaq Dheere oo loogu naanayso (GOR-GOR).

Isaaq wuxuu ku dhashay gobolka Baay, Magaalada Baydhabo 21kii Oktoobar 1966dii, waxaana uu ka mid ahaa ciyaaryahanadii heerka 1aad ee naadiga Muqdisho iyo xulka qaranka. Isaaq wuxuu ahaa ciyaaryahankii ugu horreeyay ee tababar la qaata xulka qaranka isaga oo aan safan tartamada heerka 1aad ( seria A) iyo heer gobol intaba, dhererkiisu wuxuu ahaa 6.7 wuxuuna ka ciyaari jiray dhexda (center), waxaana uu ka mid ahaa ciyaaryahannadii faro ku tiriska ahaa ee ugu wanaagsanaa ee ka ciyaara jiray dhexda shantii sannadood ee ugu dambaysay intaysan dagaalada sokeeye Somaliya ka qarxin .Isaaq waa nin bashaash ah aadna u dabeecad wanaagsan waxaana haatan uu ku nool yahay dalka Maraykanka gaar ahaan Washington - magaalada Seattle. waraysigaasi oo aad u dheeraa Isaaq wuxuu kaga hadlayay taariikh nololeedkiisii isboorti, sidan ayuuna u dhacay.

Shiikha: Goorma ayaad bilowday Ciyaaraha?yaase kugu dhiirigaliyay?
Gorgor: waxaan bilaabay ciyaaraha 1984 tii , waxaana igu dhiirigaliyay oo aan halkan uga mahadcelinayaa Abuukar shino iyo Maxamed sheekh oo gacan aad u weyn i siiyay.

Shiikha: Heer Noocee ah ayaad ku billowday Ciyaaraha?
Gorgor: Waxaan ku bilaabay kubbadda koleyga oo ahayd heer xaafadeed , aniga oo markii ugu horraysay u saftay xaafaddii loo yiqiinay Isha.

Shiikha: Ma ka qayb gashay tartamadii ciyaaraha gobollada ?
Gorgor: Haa waan ka qayb-galay,1984kii ayaan u saftay gobolka Baay , isreebreebkii oo lagu qabtay kismaayo waxaan ku soo baxnay kaalinta 2aad,markii aan u soo gudubnay Xamar waxaan ku harnay semi finalkii oo ay na reebeen kooxdii Banaadir.

Shiikha: Ma jiraan ciyaaro kale oo degmooyinka ama gobolada oo aad safatay?wax guul ahse ma gaartay kooxdaadii?
Gorgor: 1985 tii ayaan ka qayb galay tartankii degmooyinka Gobolka Banaadir oo aan u saftay degmada Shingaani , waxaana ku guulaysanay kaalinta 2aad, iyadoo 1aad ay gashay degmada Xamar- jajab. Isla sannadkaasi ayaan u saftay gobolka Banaadir waxaana ku guulaysanay kaalinta 1aad ee gobollada.

Shiikha: Wax ma iiga sheegi kartaa waxyaabihii kuugu waaweynaa ee xusuusta gaarka ah kuugu reebay intii aad ku dhex jirtay ciyaaraha?
Gorgor: Isaga oo aad u dholocaddeynaya ayuu yiri labo arrimoodba maskaxdayda kama go`i karaan:

  1. Marka hore anigoo caato ah oo dherer badan ayaa Abuukar shiino oo ka mid ahaa ciyaaryahannada naadiga Muqdisho ee heerka 1aad iyo xubin xulka qaranka iga keenay Baydhabo, kana codsaday naadiga Muqdisho in la ii qoro mustaqbal ahaan hase yeeshee uu naadigu diiday isaga oo waliba naadiga uu yiri "Ninkan yuusan nagu kala jabin ee Abuukar gobolkiisa ku celi, mana laha muuqaal ciyaartooy lamana qabsan karo kooxaha adag ee halkan isku hirdinaya" nasiib wanaag arrintaasi Abuukar waa diiday wuxuuna ballan qaaday in isagu qof ahaan uu bixinayo cuntadayda iyo gunnadayda, wuxuuna naadiga ka codasaday inuu jiifka oo kaliya ka caawiyo, Arrintaasna maamulka naadiga waa aqbalay. Muddo dabadeedna waxey noqotay in ninkii kala jabayay uu noqday tiir dhexaadkii kooxda, la\'aantiisana ayba iska yarayd guusha kooxda laga filayay.
  2. Waxaan iyadana illobi karin 1987dii ciyaartii kooxdeena qaranka ay kaga guulaysteen kooxda Masar taasoo aan ku waayey labo Ilig aniga oo weerarayay goolka kooxda Masar shucuurta igu jirtay awgeed, mana xusuusan goor ay iga dhaceen, waxaase la is weydiiyay labadayda ilig markay ciyaartii dhammaatay oo damaashaadka lagu jiray.

Shiikha: Kooxdee kuugu horreysay oo aad u ciyaartay heerka 1aad ?
Gorgor: Waxaa iigu horreysay naadiga Muqdisho oo aan ku biiray 1985tii.

Shiikha: Muddadii aad u safnayd kooxda Muqdisho wax guulo ah ma gaarteen?
Gorgor: guulo badan ayaan gaarnay oo ay ka mid ahaayeen 2 mar oo aan ku guulaysanay koobkii jeneraal daa`uud, 2 jeer oo aan ku guulaysanay horyaalkii dalka iyo hal mar oo aan ku guulaysanay munaasabaddii koobka ramadaanka.

Shiikha: Goorma ayaad ku biirtay Xulka qaranka Soomaaliyeed ee kubbadda koleyga? wax ciyaaro caalami ahse ma ka qayb-gashay?
Gorgor: xulka qaranka waxaan ku biiray 1985tiii, ciyaarihii caalamiga ahaa aan u saftay waxaa ka mid ahaa: Ciyaarihii All African games oo ka dhacay Kenya, Ciyaarihii Is reeb-reebka Zone 5aad ee afrika oo lagu qabtay Ethiopia iyo Ciyaaarihii saaxiibtinimada iyo nabadda waddamada carbeed oo lagu qabtay Kuwait.

Shiikha: Kooxihii aad la ciyaartay wax ma ka xusi kartaa?
Gorgor: waxaa ka mid ahaa: Kenya, Tanzaniya, Masar, Ivory-Coast, Zimbabwe, Nayjeeriya, Ethiopia, Baxrayn, Siiriya, Indoniisiya, Iyo Kuwait.

Shiikha: Maxaa ka mid ahaa Guuldarooyinkii kuugu xumaa intaad ku dhex jirtay ciyaarha heerka 1aad iyo xulka qarankaba ?
Gorgor: Waxaa iigu xumayd ciyaar ku tirsanayd horyaalka kubbadda koleyga ee Somaliya oo kooxda Madbacadda ay nooga adkaatay 79-78 iyo ciyaar ku tirsanayd horyaalada Afrika oo ay naga adkatay kooxda kenya oo iyagu ahaa kooxihii ugu itaalka darnaa ee tartanka ka qayb-galay, iyada oo saxaafaddu iyo dadka ka hadlaa isboortiga ay saadaalinayeen in kooxdeena ay kaalimaha hore tartanka ka galayaan.

Shiikha: Ciyaaryahannadee ayaad u jeclayd inay buuxiyaan garbahaaga markaad u ciyaaraysay kooxdaada iyo xulka qarankaba?
Gorgor: Waxaan aad u jeclaa inay garbahayga buuxiyaan markaan u ciyaarayay kooxda Muqdisho ciyaaryahannadii kala ahaa:-Abuukar shiino, Cabdi-jabaar, xasan Abati, C/llahi xaaji, iyo Dhamme. Qarankana waxaan aad u jeclaa:-Madoobe, Shiikha, Baarajab, Abuukar Shiino, Dhamme Iyo Cabdulqaadir Madaxey.

Shiikha: Ma jiraan guulo gaar ahaaneed oo aad ka gaartay ciyaaraha?
Gorgor: labo sano oo isku xigta ayaan ku guulaystay tartanka la galinta (dunking) iyo iyadoo la ii aqoonsaday ciyaartooygii ugu wanaagsanaa ee ka ciyaara dhexda (Post).

Shiikha: Ugu dambayntii maxaad talo ahaan ugu soo jeedin lahayd ciyaaryahannada Soomaaliyeed ee soo kacaysa ee ku nool dalka gudahiisa & dibaddiisaba oo doonaya inay horumar ka gaaraan ciyaarta kubbadda Koleyga?
Gorgor: Ugu horreyntii aad baan ugu faraxsanahay dhaqdhaqaaqyada isboorti ee K/koleyga ee ka jira dalka Soomaliya gudahiisa waana u hambalyaynayaa dadka gacanta ku haya sida ay heeganka ugu yihiin sare u qaadida isboortiga soomaaliyeed.Tan kale dhallinyarada dibadda joogta gaar ahaan Maraykanka waxaan oran lahaa waxaad joogtaan dhul aad looga tix-galiyo kubbadda koleyga, waxaadna haysataan fursad aanan horey annagu u haysan , kuwa haatan dalka gudahiisa joogana aysan haysan waana fursad aad ku gaari kartaan heerka ugu sarreeya ( NBA) ee kafaa\'idaysta. Waxaa iyaduna muhiim ah in ciyaartooy kastaaba uusan illoobin macnaha weyn ee isboortiga uu xambaarsan yahay waana in ciyaartooy kastaa uu niyadda galiyaa inuu noqon karo ninka ugu wanaagsan dunida hadduu dadaalo isaga oo aan ka tagin waxbarashadiisii gaarka u ahayd. Ugu dambayntiina waa in aad ogaataan in aad tihiin jiilka cusub oo ay Soomaaliya dhinac kasta ugu xisaabtamayso. Waxaan kaloo halkan mahad uga soo jeedinayaa dadka isku howlay inay wax ka qoraan ama ururiyaan ciyaartooydii Soomaaliya ka ciyaari jirtay waxaana u arkaa inay dhiiri-galin u noqonayso ciyaartooyda mustaqbalka.

Back to Category