
Cabdullahi waxa uu ka mid yahay ciyaaryahanno gaaraya ilaa 180 (boqol iyo Sideetan) ciyaartooy oo ay gacanta ku hayso Somali Community of Minnesota, ciyaartooydaasi oo iyagu tababar joogto ah ku qaata garoonka kubbadda koleyga YWCA, waxaana tababaridda ciyaaryahannadaasi gacanta ku haya tababarayaal ay ka mid yihiin: Shiikha, Axmed daahir, Saciid Qorsheel , Cabduqaadir Madaxey iyo Burhan.
Xaqiiqdii dad badan oo daawada tababarka dhallinyaradaasi iyo macallimiintiisa ayaa isaga mara kacay in Cabdullahi uu mustaqbal wanaagsan ku leeyahay kubbadda koleyga haddii uu halkaasi ka sii wado dadaalkiisa.
Cabdullahi oo aan la kulmay kana waraystay mustaqbalka heerka uu doonayo inuu ka gaaro kubbadda koleyga wuxuu ii sheegay inuu jecel yahay marka hore inuu horumar fiican ka gaaro waxbarashadiisa, tan kalena ay tahay rajadiisa inuu heerka ugu sarreeya ka gaaro ciyaaraha oo ah heerka N.B.A.