Qaybtii 1-aad
Soomaalida oo dad xoolo-dhaqato ah ayaa dagaalada iyo gacan ka hadalku wuxuu ahaa mid saameeya noloshooda. Sababtuna waxay aheyd kheyraadka dabiiciga ah oo ku yaraa. Isha qura ee dhaqaale waxay aheyd biyaha. Colaadda inteeda badanna biyaha ayaa sabab u ahaa. Dagaaladaas badan oo xoolo-dhaqatada dhex mari jirey ayaa waxay sababeen in ey abuurmaan xeerar iyo sharciyo lagu xakameynayo gacan ka hadalka. Matalan waxaa jirey, si kasta oo ey beeluhu isku laayaan, dad aanan la dhugan oo ey reebbaneyd in wax la yeeleeyo. Dadkaasi waa kuwa la yiraahdo Biri ma-geydo, kuwaas oo xilli colaadeed iyo xilli nabadeedba laga ilaalin jirey in wax dhibaato ah la gaarsiiyo. Arrintaasi maaheyn mid dadka oo qura ku eg ee waa mid ey dhirta iyo xooluhuba la wadaagaan. Geedka la harsado iyo kan miraha laga gurto waxaa laga ilaalin jirey in la gooyo ama la gubo. Ratiga lagu guuro, neefka irmaan ama neefka rimman waxaa laga ilaalin jirey in la gowroco.
Nin gabayaa ah oo ka mid ahaa maqaawiirtii silsiladdii guba, oo magiciisa la oran jirey Maxammad Fiin, wuxuu yiri ereyo aad qaali u ah, wax badanna ka tilmaamaya dhaqanka la cirib tirey oo ey xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed lahaayeen. Fiin waxuu yiri :
Guhaad laguma falo ruux hadday gogoshu kuu taale
Gaadiid ku qaadiyo haddaad gelin lixaad weydo
Gur-gur lama shilaysto iyo hashii geela ka irmaane
Guntana lagama jaro geed hadduu kuu gabbaad yahaye.
Reer guuraagii soomaaliyeed waxay ahaayeen dad garanayey, dagaalku heer kasta oo uu gaaro, in ey nabadi ka dambayneyso oo aanan leys hureynin. Taasina waa sababta keentey sharciga ilaalada Biri ma-geydada. Maahmaah soomaaliyeed baa jirta oo arrintaas tilmaameysa :
Gobi geed ma goyso, haddey goysona gunta kama jarto.
Maxamad Cabdulle Xasan ayaa isna beyt gabey ah ku tilmaamey arrintaas oo yiri :
Maandhow asxaan lagama tago eed haddaad faliye.
Waxaa jira ereyo kala duwan oo la macno ah ereyga Biri ma-geydo, kuwaas oo laga isticmaalo gobollada soomaaliyeed, waxaa kamid ah : (Xushmadley, Xumo ka reebban, lama taabtaan iyo lama dilaan).
Dadka Biri ma-geydada ah waxay ahaayeen isimada, wadaaddada iyo odeyaasha dada weyn. Raggaasi waa halkii ey talada wanaagsan iyo nabaddu ey ka soo fuleysey, waa kuwii ka ergayn lahaa godobta reerka u taal ama la taal. Waa arrin la garan karo haddii la laayo booska bulshada ka bannaanaaneysa. Waxaa kale oo Biri ma-geydada kamid ah dumarka iyo caruurta, iyaguna waa ishii taranka, waa kuwii soo buuxinayey meeshii ey banneeyeen dhallinyarada dagaalka ku dhinta. Waxaa iyaguna tabar darro looga tegi jirey bukaanka, ninka aanan dagaalka ku jirin iyo maxbuuska. Ninkii wax-yeelo u geysta dadka noocaas ah, reerka uu ka dhashey dhexdiisa ayaa lagu liidi jirey oo ceeb mahadho ah ayaa raaci jirtey. Xilliga xaaladdaas oo kale lagu jiro, soomaalidu waxay isugu maahmaahi jireen :
War hooy, waa la doogiye, yaan la dacaroobin.
Falalka ka baxsan xeerka dagaalka, soomaalidu waxay aaminsanaayeen in ey cuqubo iyo caro Eebe ka imaneyso, cawaaqib xumadeeduna ey ciddii falka dhigta ku habsaneyso. Nin la yiraahdo Cabdi Gaheyr ayaa wuxuu tiriyey tix uu ku leeyahay :
Caaqillo halkii lagu galey caw ku hurudaaye
Caruurtey ka leysaa ninkii caano baas dhamae.
Marka la duulaan tegayo, isimka iyo abaanduuluhuba beesha waxay ciidamada kula dardaarmi jireen in la ilaaliyo dadka Biri ma-geydada ah. Nin la yiraahdo Dallaayad ayaa isna arrintan ka gabyey oo yiri :
Cirkanoo gobshoobiyo dhulkoo goosi laga waayey
Godintiyo hangoollada markii guuyo lagu doojo
Dhirtaba geed malka ah baa jiriyo lama guhaadshaane
Gardarriyo ninkaan lagu ogeyn gacan fudeyd toonna
Ee gana tukubihiisa waa lagu gargaaraaye
Gudo baas mid laga keeney oo garac ah mooyaane
Ma gilgilo duqeytida ninkii Aw ka soo goaye .
Waa xikmad aad qaali u ah oo gabayaagu ku tilmaamayo in ey maangaabnimo tahay gaadiidka iyo irmaanka, gelin aad baahatay darti, inaad birta kula cararto. In ey caqli xumo tahay meeshii tiirka xooggan kuu ahayd inaad xididada u siibto. Deris, xidid iyo xikto aanad sina uga maarmin gabood falkoodu in uu yahay caaqibo xumo kuudambaysa.
Dhaqanka reer miyigu wuxuu ahaa mid ku qotoma soo-jireen daacad loo yahay ee aan marna lagu sidkin dan shaqsiyeed. Bulshada reer miyigu waxay ahayd mid ka hufan dabamaryada iyo dhagarta reer magaal-ismoodku ku magacaabosiyaaasad. " Wiil soori qaadday mid ay seefi qaadday baa karoon" , waa maahmaah tilmaamaysa sida dhaqanka somaaliyeed ugu fara-adkaa haybadda"Qofnimo" iyo sida looga yaq-yaqsan jirey qofka dadnimadiisa ku jaangooya nolol maalmeedka iyo hadba meeshii uu dheef ka helayo. Sabatu waxaa weeye, ninka reer miyiga ahi wuxuu ahaa xoolo-dhaqato, baahidiisuna waxay ahayd mid aan sina loogu xirikarin qof ama koox, waayo noloshiisu waa mid ku xiran roob Rabbi cirka ka keeno iyo baad ey xooluhu u daaqaan, sidaas awgeed wuxuu ahaa mid mar walba qaneeca buuxda ka qaba wax weydiin aadane.
Horumarka aadanuhu kama maarmi karaayo fara ku haynta wixii la soo gudbey ee taariikh ah iyo qaab nololeedka ku saleysan dhaqanka wanaagsan oo ey bulshadu ka dhaxashey facihii ka horeeyey. Tan hore ee taariikhda ah waxba lagama beddeli karo waxayse wax tar weyn u leedahay inaan qaladaad dhacay dib lugaha loola gelin. Dhaqankuse waa mid u jooga is beddel dhanka wanaagsan. Waxaa mudan in laga digtoonaado is beddelka dhaqanku inaanu noqon dabar goyn dhaqan wanaagsan, balse waa in laga hufo oo keliya wixiiqaldan.
Xushmadda dhaqameed oo ey Biri ma-geydada ku lahaayeen beelaha reer guuraaga ah wuxuu kamid ahaa dhaqanka asaliga ah oo ku xusan xeerarka reer miyiga Soomaaliyeed. Dhacdooyinkii bahalnimada ahaa iyo falalkii foosha xumaa ee loo geystey dabaqadihii Biri ma-geydada soomaaliyeed, xilligii uu dagaalka sokeeye bilow ahaa, waa arrin muujineysa dhaqanka cusub oo reer beledka iyo kuwii aqoonta sheeganayey ey ku soo saaidiyeen dhaqankii hufnaa oo ey reer guuraagu lahaayeen.
Xeerka Biri ma-geydada, xushmadda ey ku lahaayeen dadka maganta ah ayaa waxay tahay mataal nool ee inoo bidhaamineysa dhaqanka wanaagsan oo ey lahaayeen reer guuraaga. Nin la yiraahdo Cabdullaahi Hinnig oo arrintaas tilmaamaya ayaa yiri :
In kasta oo walaalkaa la miro waad mag-dhabataaye
Manno kaleba waa loo samraa wey ku soo mariye
Ninkii magan-ta kaa diley sidii mowdka kuu yimiye
Haddii seedigood oo mucsira maalki laga qaadey
Maryo dhiig leh iyo bow ekaa magac ey reebaane
Sababo kala duwan ayey soomaalida isugu magan noqon jireen, markaas oo uu qofku ku noolaan jirey degaan looga badan yahay reerka uu ka dhashey. Sababahaas waxaa ugu weynaa in uu ninku reer uu la xididey la dego iyo in uu reer abtigiis la dego. Ninkaas ku nool degaanka reer tolkiis looga badan yahay, Soomaalidu waxay siin jireen xushmad siyaado ah si aanan loo dareensiin in uu dad shisheeye ah la nool yahay. Xushmadda qaraabonimo ka sokow soomaalida waxay si wanaagsan u garanayeen in haddii uu reer ku badan yahay meel degaan ah, in uu jiro degaan kale oo reerkaas looga badan yahay. Sidaas bey u xushmeyn jireen xeerka maganta. Ninkaasi keliga ah wuxuu magan u ahaan jirey dhamaan beesha uu la degey, gaar ahaan sida ey qaraabonimada ugu kala sokeeyaan. Waxyeellada la gaarsiiyo ninka maganta ah (naftiisa, hantidiisa iyo sharaftiisa), waxay ceeb mug ah iyo mahadho ku reebtaa reerka uu maganta u yahay. Waxaa kale oo dhici jirey in iyada oo dagaal lagu jiro, nin colkiisii la jebiyey amaba maxbuus ahaan loo qabsadey uu magan galo qolo saddexaad oo ka baxsan qoladii uu dagaalku ka dhexeeyey amaba shakhsi kamid ah beesha ey dagaalamayeen. Waxaa iyana maganta kamid ah nin marti ah oo gogol reereed fadhiya. Qofka maganta ah haddii waxyeelo loo geysto, waxay ahaan jirtey xad-gudub loo geystey kii maganta loo ahaa iyo guud ahaan beesha uu ka dhashey. Taariikhda soomaalida waxaa ku sugan oo la wariyaa labo beelood oo deris aheyd in uu ka dhex aloosmey dagaal muddo socdey, rag badanna ey isaga laayeen. Labadaas beelood oo kamid ahaa soomaalida xoolo-dhaqatada ah ee degaankoodu yahay agagaarka magaalada Dirir-dhabe, waxaa colaaddooda sababey sac dibi dhaley oo ninkii saca lahaa uu damcey in uu ka sidko. Markaasaa dibigii yaraa wuxuu galey aqal nin aroos ah leeyahay. Ninkii dibiga u dhashey oo mindi wata ayaa aqalkii arooska soo galey. Ninkii arooska ahaa ayaa weydiiyey sababta uu ninku mindida u wato. Wuxuu u sheegey in uu doonayo in uu gowraco dibiga. Ninkii arooska ahaa ayaa ka diidey oo ugu jawaabey inaanan dibi u magan ah mindi la saareyn. Labadii nin halkii bey isku maan-dhaafeen oo isdileen. Dabadeed midkood ayaa goobtii ku dhintey. Sidaas baa labadii beelood isugu baabeeen. Soomaalida waxaa u dhaqan ahaa in waxyeelada maganta, ey ka xigi jireen dagaal iyo dhiig daata, waayo wax-yeelada maganta waxay kala kharaareyd in qofka naftiisa wax loo geysto. Waana halkaas meesha ey ku beegan tahay ereyada abwaanka uu ku lahaa :
Ninkii magan-ta kaa diley sidii mowdka kuu yimiye.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!