Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Janaayo 2002

Published on: 2001-12-30 19:17:55

Allaah ayaa mahad oo dhan iska leh Nabigana (scw) naxaris iyo nabadgalyo korkiisa allah ha yeelo (scw). 
Mar kasta oo laga hadlo mawduuca ka hadlaka fagaaraha, waxaa la is waydiiyaa suaalo ay ka mid yihiin: Waa maxay codarnimadu? Shareecada Islaamku maxay ka qataa fagaare ka hadalka? Codkarnimadu ma u dhalashaa? Ma jiraan siyaabo kale oo dhagaystayaasha loo qancin karo.

Cilmibaaristani waxay si fiican u sahamineysaa oo daawayneysaa suaalahan kor ku qoran iyo kuwo kale oo la mid ah.

Waxaan wada ogsoonnahay inuu aadanuhu yahay noolaha Allaah u doortey in uu dhulka korkiisa maamulo oo camiro dhamaan deegaanadeeda kala duwan oo ku lahaado awood iyo fulin uu dheer yahay makhluuqaadka kale oo kula nool arlada. Hadaba si uu howshaas qiimaha weyn leh u guto xigmadda Allaah waxay u doortey in uu noqdo nooc hadla, is dhegaysta isla markaasna is fahma, taasi waxay ku tusaysaa in haddaan la wada hadlin aan cidina is afgarateen, haddaan afgarad jirinna ma suurowdeen wax shaqa ah oo ka wada dhaxayn kareysa Adamaha. Sidaad Darteed ayuu aadanuhu dhexdiisa u qiimeeyaa qofka hadli kara ama codkarka ah. Waana sababta uu Allaah xilkii uga qaadey qofka dhagoolaha ah oo aan hadli karin. 

Maanta caalamka waxaa jira dadyow ku caan baxay ka hadalka dadka hortiisa oo la kala wariyo ereyadooda ama ha noqdaan kuwo laga yaqaan bulshadooda ama ha noqdaan kuwo gaarey heer caalamka oo dhan laga yaqaan. Waxaa hadaba isweydiin mudan majirtaa baahi uu qofku u qabi karo kartida fagaare kahadalka? Jawaabtuna waxa weeye -waa sida ay aniga iila muuqatee- aad aya u badan tahay baahida qofku u qabo kartida fagaare ka hadalka, Waxaa jira baahiyo aad u badan tusaale ahaan dadka muslimiinta ah waxaa waajib ka saaran yahay sidau umadaha kale u gaarsiin lahayeen Diinta islaamka, arrintan oo u baahan fagaare ka hadal, waxaa suurowda in xilkani mararka qaarkood si gaar ah adiga kuu fuulo, waxaa suurowda in lagu gardarreysto oo taasi kugu kalifto inaad afkaaga isku difaacdo sida ka hadalka maxkamadaha hortooda waana fagaare, waxaa dhici karta in aad adigu gaar ahaantaa hayso warar ama macluumaad ay bulshadu u baahan tahay inaad ugu gudbiso fagaareyaasha hortooda sida masaajidada, hoolasha, tv-yada iyo meelaha la mid ka ah waana fagaare, waxaa dhici karta in lagaaga yeero kulamada madaarista diinta, iskuulada caruurtu kuu dhigato iyo kulamada shaqaalaha, islamarkaana lagaaga baahdo inaad fagaarahaas ka hadasho. Sababahaan iyo kuwo kale oo badan waxay ku tusayaan inay jirto baahida weyn ee aad u qabi kartid inaad fagaare ka hadshid. 

Maxay Tahay Codkarnimadu?

Codkarnimada xaqiiqadeeda waxaa lagu tilmaamey awood ama qudro ruuxa codkarka ah ku abuuran oo u suurto galineysa in uu dadka waxa saxda ah u tusiyo iney sax yihiin ama waxa qaldan iney toosan yihiin, Tusaale ahaan sixirku waa shayga oo laguugu muujiyo xaqiiqadiisii si aan ahayn oo saxdii lagaa leexiyo ama wax aan jirin oo laguugu muujiyo wax jira sidaa darteed ayuu nabigu (scw) yiri codkarnimada sixirbaa kamida (1) xadiisku wuxuu tilmaamayaa nooca xun oo ah in waxa qaldan sax laguugu muujiyo laakiin nooca hore oo ah in waxa saxda ah dadka loogu muujiyo codkarnimadaada taas waa tan nabiga (scw) loo xilsaarey inuu dadka xaqa ugu caddeeyo.

Hadaba awoodan ma waxaan ku tilmaami karnaa geesinimada qofku u leeyahay hor istaaga dadka mise ereyada uu isticmaalayo balaaqo dheeridooda mise shayga uu ka hadlayo iyo ahmiyadiisa?. Tan hore geesinimada hor istaagga dadka waxaa cad in dad badan oo dadka hor istaagi karaa aysan waxba ka dhaadhicin karin ama aan la fahminba. Tan labaad ereyada qofku isticmaalayo iyana waxaa cad in dad badan oo isku aaddin kara hadalkooda ama wax yaqaan aysan karti u lahayn soo joogsiga dadwaynaha hortooda, sidoo kale waxaa dhacda in la arko nin gabyaa ah oo hadana hadalka caadiga ah aan isku toosin karin.Tan saddexaad ahmiyadda shayga laga hadlayo, waxaa sidoo kale cad qofkii ka hadla wax aan faaiido ku jirin oo aan loo baahnayn dadwaynuhu uma aqoonsana codkarnimo iyo wax xikmada midna. Marka hadaan ogaannay inaan saddexdaan arrimood midkoodna gaarkii u noqon karin xigmad ama codkarnimo waxaa inoo caddaanaysa in codkarnimadu ka kooban tahay saddexdan arrimood oo wada jira.

Shareecada Islaamku maxay ka qabtaa fagaare ka hadalka? 

Ugu horeynta niyadda gasho codkarnimadu laf ahaanteeda waxay ku jirtaa sifaadka wan-wanaagsan oo la amaanay, waxaana ognahay in waxa fiican Allaah uu bixiyo, shaygii wanaagsanaa oo Allaah ka soo fulayna nalagama xaaraantinimayn. Hadaba mar walba xukunka shareecadu wuxuu ku dhismayaa codkarnimadii fiicnayd waxa loo isticmaalayo, sida wax wanaagsan, wax xun iyo wax dhib iyo dheef midna ku jirin.Haddii waxa qofku u isticmaalayo codkarnimadiisa ay noqdaan wax fiican sida inuu xaqa ku caddeeyo, inuu bulshada maslaxaddeeda guud ka hadlo, in uu dulmiga iyo xaqdarada kaga hortago, xukunkii wuxuu noqonayaa iney tahay shay bannaan ama khayr badan, waxaa dhici karta iney waajib noqoto iyada oo la fiirinayo marba baahida jirta inta ay leegtahay. Markaan waajib leeyahay waxaan ka wadaa qofkii marka hore lahaa awoodda codkarnimada, qofaan marka hore awood u lahayn waajib ku ma fuulo. Sidaa darteed nabigu (scw) wuxuu yiri Allah wuxuu I siiyey hadalka ereyada culus ee lagu furfurto, iyo ereyada hadal badan kulmiya iyagoo fara ku tirs ah (cadad yar), iyo ereyada qaaliga ah oo hadalka lagu gunaanado (khatimo) (2) taasina waa codkarnimo, Wuxuu kale oo yiri xaqa ku dhawaaq xataa haduu qaraadh yahay(3) wuxuu kale oo yiri ku dhawaaq xaqa, qofka xaqa ka aamusani (isagoo garanaya) waa shaydaan aamusane(3). Nusuustan iyo kuwa kale oo la midka ahi waxay caddaynayaan xukunka in codkarnimada lagu isticmaalo waxa fiican.

Haddii qofku u isticmaalo codkarnimadiisa wax xun oo aan wanaagsanayn waxaa iska caddaaneysaa in wax xun aan diintu ogolayn Allaahna raalli ka ahayn sidaa darteed shaki kuma jiro iney xaaraan noqoneyso. Hadiise qofku codkarnimadiisa ku isticmaalo waxaan khayr iyo shar midna ku jirin sida inuu meelaha kaga sheekeeyo xukunkeedu wuxuu noqonayaa shay karaahiyo ah oo marna aan loo baahnayn sababtoo ah waa nicmo aan laga faaiideysan, diintuna waxay amreysaa in qofka wax garadka ahi codkarnimadiisa uga faa,iideysto ku caddaynta khayrka,.

Ma jirtaa si lagu kasban karo codkarnimada?

Ugu horreynta waxaan u baahanahay inaan ogaano maxay tahay danta Laga yeelan karo fagaare joogsiga?. Hadaba waxaa durbaba muuqanaysa saddex baahiyood oo waaweyn: 1) In dadwaynaha loo gudbiyo farriimaha la doonayo markaas in loo gudbiyo. 2) In dadwaynaha aqbal iyo taageero looga helo ujeedada farriintu tilmaameyso. 3) In dadka farriinta loogu gudbiyo hab ama qaab ay jeclaysanayaan oo caqliyaddooda waafaqsan. Hadaba mar haddii danta hadalba laga leeyahayi ay tahay macnihiisa oo la fahmo waxaa muuqanaysa in arrimahan saddexda ahi ay u hirgali karaan qof aan isagu codkarnimo abuuris ah lahayn. Dadwaynaha dhagaystayaashu waxay isugu jiraan saddex qaybood: 1) Qaar qaymeeya kaliya qofka hadlaya iyo muuqaalkiisa magaciisa iyo waxa la mid ka ah. 2) Qaar qaymeeya kaliya ereyada uu adeegsanayo oo luuqadda dhadhansada oo hadii ay deeqi waayaan hadalku uu san ka dhaacayn ama aan fahmayn. 3) Dad u fiirsada xigmadda fariintu xambaarsan tahay oo xataa haddii qofku caddayn waayo iyagu maskaxdooda ka dhamays tirta.

Qaybtan ugu dambeysa marwalba inta badan ujeedada way helaan, labada qaybood oo horase waxaa fiican dhagaystayaashu iney ka waantoobaan oo naftooda kala diriraan. Qofka fagaaraha ka hadlaya, waxaa laga rabaa inuu arrimahaan oo dhan aad u qiimeeyo. Hadaba siddii uu saddexdaan fikradood taxadar ka muujiyo, waxaad mooddaa inuu qofku codkarnimada u dhaladka ah uu ka maarmayo. Waxaa haddaba muhiim ah inaan ogaano sidee u muujinaynaa taxadarkan? Ugu horraynta niyadda gasho inaadan wax aan Allaah raalli ka ahayn aadan cidna ku raali galin, iska ilaali isla-waynida istusnimada iyo cudurrada noocaas ah. 

Saddexda figradood oo dhagaystayaasha, tan ugu horeysa si aad uga taxadarto dadka marna ha hor iman adiga oo daallan, fakarsan, hurdaysan, labis xun, shanlaysneyn, dhaqamadaas oo dhan iska ilaali. Figradda labaad dhageystayaasha qaba si aad uga taxadarto iska ilaali hadalkaaga sidaad u bilaabanayso ama u dhamaystireyso sidoo kale erey qalafsan ama xun, kaftan badan, qosol badan, iyo erey walba oo dadku si sirgaxan u qaadan karaan iska ilaali sidoo kale jajabinta luuqadda. Figrada saddexaad dhagaystayaasha qaba si aad uga taxadarto iska ilaali ka hadalka wax aadan aqoon u lahayn, ama aadan soo diyaarsan halkii daqiiqo oo aad dad hor istaageyso waxay kaaga baahan tahay ugu yaraan sodon daqiiqo oo la soo diyaariyo. Aqoon yahanadu waxay yiraahdaan qofkii waxa uu yaqaan markuu jeedinayo aan soo diyaarin dadka ayuu khayaanay isku day hadalkaagu inuu koobnaado, qodobaysnaado, cilmiyeysnaado, isku day inaad is weydiiso kana jawaabto wixii suaalo ah oo dhagaystayaashu isweydiin karaan. Arrimahaan markuu qofku dhaqan galiyo waxaa muuqata inuu samayn karo codkarnimo.
Khataraha ku iman kara qofka.

Ugu dambeyntii waxaa kugu iman kara khataro badan oo sababi kara fashilaad ku timaada gudbin taada. Si aad uga badbaaddo u fiirso hadalkaan: In aadan aqoon u lahayn dhaqanka dadka aad la hadlayso waxay keeni kartaa in hadalkaaga si aadan ula jeedin loo fahmo. In aadan miisaamin munaasabadda aad ka hadlayso waxa ay tahay waxay keeni kartaa ismaan-dhaaf adiga iyo dadwaynaha idin dhex yimaada.
Inaad aad ugu fakarto walaaca ama cabsida aad dareemeyso- waxaa jira cabsi qof waliba dareemo markuu dadka hor istaagayo- marka adigu xoogga saar macluumaadka aad wadato, cabsidu waxay keeni kartaa fashal iyo illow badan. Sidoo kale waa laga qumman yahay inaad hadalka boobto. Inaad weerarto caadifadda dadka, sababahaan oo dhan waxay keeni karaan fashil. 

Wax yaalaha kale oo cilmibaaristaan laga faaiidaysan karo waxaa ka mid ah: Inaan qof aan Shareecada aan aqoon u lahayn uu san ka hadli karin xataa haduu yahay qof aad cod kar u ah. 

Dhamaan nusuusta ceebeyneysa codkarnimada sida xaddiiska nabigu (scw) leeyahay codkarnimada sixir ayaa ka mid ah(1) iyo xaddiiska kale oo uu leeyahay afxirnaantu iimaanka ayay ka mid tahay(4) in dhamaan loola jeedo qofka waxa xun uga faaiideysta oo u isticmaala codkarnimadii wax aan fiicnayn. Ugu danbayntii ma wanaagsana inuu qofku iska doon-doono cod karnimada. 

Waxaa soo saarayy Maalik, Axmed, bukhaari, Abu daauud, iyo Tirmidi waxaa wariyay ibnu cumar. Fiiri al-mishkaat bogga : 4783
(1) Waxaa soo saaray Ibnu abii shaybah, Abuu yaclaa, Dabaraani, waxaa wariyay abii muusaa. Fiiri silsiladda saxiixada, Albaani, bogga: 1483
(2) Waxaa soo saaray Axmed iyo Tirmidi, kitaabul al-manaaqib
(3) Qayb ka mid ah xaddiis uu nabigu (scw) yiri xishoodka iyo afxirnaantu waa laba laamood oo iimaanka ka mid ah xishood darada iyo codkarnimaduna waa laba laamood oo nifaaqa ka mid ah. Xadiiska waxaa soo saarey Axmed, Tirmidi, Al-xaakim waxa wariyay Abii Umaama. Fiirri Al-mishkaad bogga : 4796 sidoo kale saxiixul jaamici saqiir bogga :3201.


Back to Category