Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Janaayo 2002

Published on: 2001-12-31 19:36:44

Kooxda kubbadda cagta ee Somali Tigers waxaa la aasaasay dhammaadkii sannadkii 1996dii. Aasaaskeedana waxaa ka dambeeyay xafiiska isu-tagga jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Minnesota loona yaqaano (Confederation Of Somali Community In Minnesota) oo ku yaal magaalada Minneapolis, gaar ahaan xarunta weyn ee Brian Coyle Community Center.

Kooxda Somali Tigers oo iyadu markeedii ugu horreysay aasaaskeeda lagu billaabay dhallinyaro ka koobnayd 16 ciyaartyooy oo da`doodu ka yarayd 17 jir, waxaa gacanta ku hayay laylintooda tababare Mohamud M. Abdul iyo labo kaaliyayaal (Assistant coaches) oo kala ahaa Mursal Hassan iyo saciid. Kooxdu waxay gaareen guulo la taaban karo iyaga oo hormuud u noqday dhaqdhaqaaqyadii isboortiga ee ka socday gobolkan Minnesota gaar ahaanna kubbaddacagta.

Kooxda Somali Tigers waxay soo mareen marxalado kala duwan, waxaana isaga dambeeyay Tababarayaal badan iyo Ciyaartooy cusub iyadoo kuwii hore markay tagaan ay kooxda ku soo biirayeen kuwo cusub, waxaana wax lagu faani karo ah in ciyaartooydii yar-yaraa ee barnaamijkan lagu bilaabay ay badankoodu haatan u ciyaaraan dugsiyada sare oo ay dhigtaan iyo Jaamacadaha.

Sawirkani waa kooxdii ugu horreysay ee lagu aasaasay Somali Tigers

Kooxda Somali Tigers waxaa markii dambe gacanta ku dhigay laylintooda labo tababare oo caan ku ahaa kubbadda cagta Soomaaliyeed heerka 1aad (Seria A ) iyo heer qaran oo kala ahaa Abdirizak Said (Marshaale) iyo Cabdiraxmaan Cawaale guuled (Aamaan). muddadii ay gacanta ku hayeenna waxey kooxdu ku tallaabsatay guulo aan la soo koobi karin.

Tartamadii ciyaareed ay kooxdu ka qayb-gashay oo aad u faro badnaa ayaa kuwii ugu muhiimsanaa waxaa ka mid ahaa:-

  1. MN Youth soccer Association(MYSA)summer Soccer league 2000:
    Tartankaasi Horyaalka ah oo kooxdu ay ka qayb-gashay waxey ciyaareen wareeggii hore 8 (sideed)kulan, iyaga oo badiyay lix (6) ka mid ah , halna (1) barbar dhac ,midna (1) laga badiyay. Wareeggii labaad oo ay kooxdu u soo baxday waxey ciyaareen labo ciyaarood oo ay ku guulaysteen. Wareeggii 3aad oo ahaa (Semi final) ayey kooxda Somali Tigers muujisay ciyaar aad loo jeclaystay oo gabagabadii ku dhammaatay 1 iyo 1 (Barbar-dhac)
    Nasiib-darro waqtigii dheeriga ahaa oo lagu daray ayaana kooxda looga badiyay.
    Isku soo wada duub Horyaalkaasi kooxda Somali Tigers waxey galeen Kaalinta 3aad.
  2. Schwans USA Cup 2000:
    Tartankan isaga ah oo ah kan ugu weyn dunida oo loo qabto dhallinyarada dadoodu ka yar tahay 18 sano, ayey kooxda Somali Tigers ka qayb-galeen, tartankaasi oo lagu qabtay magaalada Blaine, Gobolka Minnesota, waxaa ka soo qayb galay in ka badan 18,000( Sideed iyo toban Kun) oo ciyaartooy, 1,200 (Kun iyo labo boqol) oo kooxood oo ka kala yimid 25 (labaatan iyo shan) waddan oo dunida ah. Kooxdu waxey ciyaartay 5 ciyaarood, 3 way badisay, midna barbardhac, halna waa laga adkaday. Wareeggii 2aad oo ahaa Semifinal ayaa looga adkaaday waqtigii dheeraadka ahaa 1 : 0 . Hase ahaatee waxaa xusid mudan in kooxda Somali Tigers la guddoonsiiyay koob loogu magac daray koobkii Ciyaar wanaagga.

Kooxdan ayaa lagu qiimeeyay inay ka mid tahay afarta kooxood ee ugu fiican ee ciyaara kubbadda cagta Gobolkan Minnesota iyada oo ay jiraan ugu yaraan 136 kooxood oo ka dhisan Gobolkan , waxaana qaab ciyaareedkooda wanaagsan ee kooxda wax ka qoray jaraaidka ugu weyn ee gobolkan ka soo baxa (Star Tribune).

Isku soo wada duub Guud ahaanba kooxdu guulihii ay gaareen iyo kulamadii ay ciyaareen oo isugu jiray Kuwo saaxiibtinimo , kuwo tijaabo iyo ciyaaro Rasmi ah intaba ayaa waxey kala ahaayeensidan:

Guul Guul darro Barbardhac
22 5 3

Ugu dambayntii mar aan la kulmay maamulaha kooxda Cabdicasiis Biixi , waxaa uu ii sheegay in kooxdu ay ka tageen tababarayaashii khibradda u lahaa kubbadda cagta, hase yeeshee ay higsanayso sannadkan inay ku guulaystaan horyaalka socda, iyada oo ay kooxda laylintooda si ku meel gaar ah gacanta ugu hayaan cabdicasiis iyo Cabdi -rauf.

Back to Category