Teer iyo markaan caqliyasatay ilaa iyo hadda waxaan markasta is weydiiyaa waa kuma somaliga la wada eedeeyo? Ma wax baa naga khaldan? Hadday wax ina ka khaldan yihiin ma sixi karnaa oo hal hayska u ah qof kasta oo soomali ah oo arka wax bulshada dhex deeda ku xun. Waa kee eedeeysane kan eedeeynaya maxuu yahay?
Run ahaantii dhacdooyinkaa aan la kulmay ma ahan kuwo la soo koobi karo waa dhacdooyin qof Somali ahi uu eedaynayo Somali kale.tusaale ahaan; galab ay tahay soon 5:30 ayaan waxaan is iri ajar doono oo ku tuko masaajidka intaad ku tukan lahay gurigaaga.markii salaada la tukaday baa qof walba ujeestay meeshuu ka bixi lahaa anigu waxaan Abaaray irridda koonfureed oo aan ku ogaa kabahaygii waxa aan ku soo beeg may saf dheer oo dad badani is ku gar binayaan isagoo qof waliba ku dadaalayo inuu isagu hor baxo.meesha kabaha lagu xa fido hoosteeda, waxaa ku dhegen Ogaysiis dadka looga codsanayo inayan kabaha ku istaagin. Dadkii baxayay qaar ka mid ah ayaa ku istaagay meeshii calaaamadda lahayd balse waxaan u arkayay wax si qalad ah u dhacay oo aan qof lagu eedayn karin qofkii sameeyay maahee,nin ka mid ah dadkii baxayay baa arkay qaladka dhacay oo yiri meeshan yaan lagu istaagin baa ku qoran. isala markiiba 50 jir garmadoobe ah baa soo booday oo ku dhawaaqay(magacii dulnmane soomali)oo yiri soomalidaan wax ma maqlaan markaasuu inta ugama harine waxuu yiri waligood ba meel kasta oo ay joogaan dhaqan xumay la joogaan, arintaa aad bay iiga careeysiisay inigoo isu haysta inaan somaliga aniga kaliya ka joogo markaas baan iri meel baad kaga dhacaday magaca somali dhaqan xumana lugu ma yaqaan qaar ka mid ah dadkii ayaa si naxariisi ku jirto ii soo fiirshay iyagoo u riyaaqaya jawaabtaydii ayay hadalo goos-gos ah soo tuurtuureen kadib ninkii jareexeeyay magaca somaali baa inta soo booday yiri waryaad ka xigtaa magacan soomaali?
Waa wax yaab leh oo soomalidaa wax ay tiraahdaan (isuqabe aan loo qabin isla qaayo weeynaa) oo waxaan moodayay inaan ka xigo magaca uu ceebeeyay. waxaan dhacdadii labaad kala kulmay maqaayad ay soomalidu ka qaxweeyaan iyo waxaan tagay barta lacag hayuhu dalabka ka bixiyo waxaan soo qaataya shaah anigoo abaaray darka sonkorta iyo caanaha looga darsado dad door ah baa iga hormaray iydoo isheydu qabatay soomaali iyo dadkalaba waxaan soo gaaray kaalin kii waxaa garbahayagu sinmeen nin dhalin yaro ah si fiicana u la bisan isla markaas aan is iri reer magaal nimadiisu way qoto dheertahay miska, waxaa ku daad sanaa wax yar oo sonkor ah iyo xoogaa caano ah wixii meesha ku daad sanaa baan damcay inaan iska nadiifiyo markuu arkay inaan warqad qaatay oo aan tirtirayo buu yiri maxaad ka nadiifinaysaa meel soomaali joogta nadiif noqon meeysee,anigoo ka xumaday laakiin aan u muujin baan iri war maxaad somali u eedeeynaysaa cid walbaa daadin karta waxa uu igu jawaabay meel walba waxaad gurigiina ku soo gubteen baad la joogtaan. arintaa iyada ahi waxay igalisay amankaag iyo yaab waxaan is iri dadkani miyaysan aheeyn soomaali.
Xaaladdaas qalafsan ee qofkasta oo wax garanayaa dhibka ku ah ama uu ka dan qanaayo aay waxaa caadeeystay dad aan ku tilmaami karo caqligaab ama aqoon yare,dadkaa iyaga ah waxay ilabax nimo moodeen iska fogeeynta dhaqanka iyo magaca soomaali soo dhaweeynta dhaqan iyo magac aysan la heeyn ku faanit iyo ilbaxnimo qof isaga la mid ihi sameeystay, aan ku fakarin inuu la tartamo laakiin door biday in laga fiican yahay oo is dhiibay.
Markasta oo aan maqolo somaali waxa ka sheegaya magaca soomaali waxaan soo xusuustaa heestii ahayt san ku neefle ma ogali inuu iga sareen karo oo soomaali baan ahay waxaa badashay this is amerika
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!