Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Janaayo 2002

Published on: 2001-12-30 20:17:16

Horudhac

  •  Sheeko run ah oo ku dhacday wiil iyo gabar Soomaliyeed.
  • Maxaad samayn lahayd haddii gabadhii aad jeclayd waaridkeed u sheegaan in hadday ku guursato la dayrinayo.
  • Maxaad samayn lahayd adiga oo Keenya qaxooti ku ah, dhaqaale laaan ku hayso, isla markaasna gabadhaad jeclayd iyada oo tixgalinaysa dhibaatada reerkeeda haysata ay la qumanaato inay guursato nin ka yimid Australia?
  • Maxaad samayn lahayd adiga oo gabar wadaad ah, hadday kugu adkaato la noolaanshaha nin aadan jeclayn isla markaasna ninkii aad jeclayd uu yeesho balwad (Khamro, Jaad iyo Sigaar)?
  • Sidee u raadin lahayd gabadhii aad jeclayd? Waxaad ku nooshahay America, waxaa warkeeda kuugu danbeysay 10 sano ka hor iyada oo ku nool Australia, waxaa intaas dheer in iyaduna ku raadinayso, waxay ku ogayd adiga oo laguu yaqaan Jaamac, hadase bulshada kula nool waxay kuu taqaan Faysal.
  • Markaad is heshaan maxaad samayn lahaydeen?
  • Maxaad samayn lahayd hadaad ogaatid in saaxiibtaa la qabo ayna leedahay gabar yar, walina ay ku jeceshahay? Adiguna aad wali jeceshahay.
  • Ayaan iyo Faysal ma ahan magacyadii runta ahaa.

Sidee ayay sheekada Ayaan iyo Fasysal ku bilabaatay? Maxayse ku danbaysay?

Qaybtii Kowaad

Ku: Faysal Cabdi
Seattle, USA
April 15, 2001 
Iga guddoon salaan aad u qiimo badan, kadib, iga raalli ahow, waxaaan garan waayay eray aan ku bilaabo warqadayda. Waa jiraan erayo aad u fara badan oo nafataydu jeceshahay Inay kuugu yeerto sida gacaliye, macaane iyo kuwa kale oo badan. Marka kowaad aad ayaad ugu mahadsan tahay inaad I soo raadisay, markaad I soo wacday oo aan codkaaga maqlay waxay ii ahayd waqtigii noloshayda iigu farxadda badnaa. Marka labaad ka raalli ahow inaan kula hadli waayay markaad I soo wacday, waxaa iigu wacnaa waa aniga oo inta farxaddii iga badatay ay isu badashay naxdin, hadalkii ayaa iga soo bixi waayay, waxaan kala garan waayay inaan riyoonayo iyo in kale. 

Markaad nabadeey I tiri telefonkii isma saarin, waqti badan ayaan dhagta ku hayay, mar danbe ayaan is waydiiyay armuu mar kale ku soo wacaa?, markaas ayaan gartay inuu telefonku biisi kaa sheegayo haddaad I soo wacdid. Waxaan is waydiiyay sababta aan telefon kaaga qoran waayay, hadaladaadii ayaan isku dayay inaan soo xusuusto, eray kasta oo aan is iraahdo armuu sidaas ku yiri waa ka shakiyaa inaad sidaas I tiri iyo in kale. Waxaa I horyaal cinwaankii aad ii qortay, ma hubo inuu sax yahay waayo gacanta ayaa I gariiraysay markaan qorayay. Waxaa mar kasta igu so noq-noqda adiga oo leh telefanka haddaadan ku hadli karin waraaq ii soo qor. 

In kasta oo aanan garan sababta aad u tiri ku soo qor Faysal Cabdi. Arrimaha ay maskaxdaydu doonayso inay kula qaybsato haddii la qoro buugaag ayay noqon lahaayeen. Arrimo badan ayaan jeclaan lahaa inaan kaala sheekaysto, waxaan aad u jeclaan lahaa inaan kaala sheekaysto jacaylkeena bilowgiisii, marxaladihii uu soo maray iyo waqtigii fiicnaa oo aan isla qaadanay. Sidoo kale qaybtii murugada lahayd inaan kaala sheekaysto, waayo waxaan aaminsanahay haddaad igala shekaysan lahayd inaan nafis dareemi lahaa. Sidoo kale intaan kala maqnayn marxaladihii aan soo maray, sida aan kuugu fakari jiray, nolosha cusub oo aan galay sida ay iigu dhadhami wayday, hadda sida ay noloshaydu tahay, waxa aan jeclaan lahaa inaan mustaqbalka sameeyo iyo arimo kale oo fara badan. Waxaa intaas dheer inaan aad u jeclaan lahaa inaan ogaado sida aad tahay, xaaladdaada guud iyo waliba inaan ogaado marxaladihii aad soo martay. Ka raalli ahow inaanan cinwaankayga ku soo siin, aniga ayaa Insha Allaahu ku soo siin doona. Maadaama aanan hubin inaan cinwaankaaga sax u qoray iyo in kale intaas ayaan hadalkayga ku soo gabagabaynayaa.
Inataas iyo nabad gelyo
Ayaan Axmed
Melbourne, Australia

Ayaan oo wali fadhida miiskii ay waraaqda ku qortay ayaa waxaa albaabka ka soo sharqamiyay -Shiikh Cali- Ayaan ninkeeda- Ayaan isla markii ay sharaqanta albaabka maqashay, waxay u dhaqaaqday dhinaca jikada, iyada oo alaab dhaqid isku mashquulinaysa. Shiikh Cali markuu soo galay ayuu sidii caadada u ahaydba wuxuu kor u yiri Asalaamu Calaykum Waraxamatulaahi Wabarakaatuhu, wax jawaab ah ma uusan maqal, horay ayuu u sii gudbay. Waqti yar ka dib ayuu soo fariistay qolka fadhiga, cabbaar markuu fadhiyay ayuu waayay wax sharqan ah, wuxuu bilaabay inuu Ayaan guriga ka fiir-fiirsho, jikada kuma jirto, musqushu waa balaqan tahay nalkeeduna waa densan yahay, wuxuu jaleecay saacadda- 9:30 fiidnimo- suuro gal ma ahan inay baxday, soo kuuma sheegteen hadday baxayso ayuu ku fakaray, isaga oo wal-wal ku yara bilowday ayuu xusuustay inuusan ka fiirin qolka Xafsa- gabadhooda 6 jirka ah- albaabkii qolka ayuu furay, waa mugdi, isla markiiba nalkii ayuu shidayhiday, waxaa ishiisu ku dhacday Xafsa oo hurudda iyo hooyadeed oo ku jiifta sariir tiil qolka gabadha. Ayaan waxay u sii jeedday dhinaca darbiga. nabadi ma jirtaa ayuu yiri Shiikh Cali, aamus yar kadib iyadoo codka Ayaan la dareemi karo in wax ka khaldan yihiin ayay tiri haah. 

Shiikh Cali wuxuu Ayaan waydiiyay ma waadan soo seexanayn? Ayaan waxay ugu jawaabtay halkaan ayaan seexanayaa aamus yar kadib ayay sii raacisay Xafsa ayaa qandhaysan. Shiikh Cali Xafsa ayuu madaxa gacanta ka saaray, wuxuu niyadda iska yiri baroortu orgiga ka weyn. Albaabka ayuu u sii riixay isaga oo nalka sii daminaya, iskuna qancinaya malaha waa habaynadeedii. Ayaan aad ayay u naxday markii ay qacda albaabka maqashay, waxay la noqotay inuu si xoog ah albaabka u xiray, isla markiiba neef ayaa ka soo baxday. Waxay soo xusuusatay inay waraaqdii galisay barkinta hoosteeda, waa ay taabatay iyada oo hubsanaysa inay waraaqdii nabad qabto. Ayaan isla hadal ayaa ku bilowday, ma ahan markii ugu horaysay oo wax kastaa u dha-dhami waayaan.Suaalo fara badan ayaa maskaxdeeda ku soo noq-noqnayay. Waxay is waydiisay cidda masuulka ka ah dhibaatadaan ay ku jirto, ma dhaqankaa sabab u ah? ma waalidkaa? Ma diintaa sabab u ah? Armaan anigu sabab u ahay? ayay is waydiisay. Markii ay suaal ku soo dhacdaba waxaa u soo baxa inay jirto suaal kale oo ka horaysa middaan, tan hore haddii jawaab loo helo laga yaabee inaan suaashaan meesha sooba gasheen, waxay is tustay in laga yaabo inay dhibaataduba ka bilaabatay bur-bur Soomaaliya, isla markiiba waxay xusuusatay mowqifkii waalidkeed ka istaageen markay u sheegtay inay damacsan tahay inay Faysal guursato. Waxaa aad ula khaldanaaday dhaqanka markii guur meesha soo galo lays waydiiyo qabiilka qofka kale, isla markiiba waxay dareentay dad iyaga oo isku diin iyo luqad ah isla markaasna muuqaalka isaga mid ka ah, hadana is laynaya sidee ayaa looga sugi karaa dhaqan fiican? ayay is waydiisay. Ugu danbayntii waxay isku qancisay haddaan wadankii bur-buri lahayn tan waalidka xal ayaa loo heli lahaa, haddase dadkii is jeclaa ayaa aduunka dacalladiisa ku kala nool. 

Suaalo badan oo Faysal ku saabsan ayaa ku soo dhacay, waxay is waydiisay ma laga yaabaa inuu wali ku jecel yahay?, ma dhici kartaa inuu kuu xanaaqsan yahay? abooyow ma guursaday?. Waxay is waydiisay waa maxay danbiga uu galay Shiikh Cali oo ay hadda uga soo guurtay sariirtii ay la wadaagi jirtay, waxaa u soo baxay inuu qayb weyn ku leeyahay dhibaatada ay ku sugan tahay. Habeynkii oo dhan waxay ku jirtay isla hadal, wal-wal iyo walaac, markii dhinac xanuunaba dhinaca kale ayay u jiifsataa. Hurdadii ayaa ka imaan weyday, marar badan ilmo ayaa ka timid. Shiikh Cali isagu dhibaatada iyo fakarka Ayaan hurdada ka qaaday Ilaahay dhinac ayuu ka marshay. Markuu albaabka u sii riixay, waqti yar kadib intuu casheeyay ayuu qolka jiifka u sii gudbay. Waqti badan huradadu kama soo raagin. Arrimo dhawr ah ayaa ku soo dhacay. Wuxuu is waydiiyay soo dhibaato ma ahan qof kula nool oo aan isla markaasna kula noolayn? wuxuu is waydiiyay ma laga yaabaa haddaad mid labaad guursatid inay soo roonaato? Waa suuro gal, waxaa kale oo dhici karta inay uga sii darto ayuu is yiri. Waqti yar kadibna waa uu gamay. 

Ayaan waxay maqashay Shiikh Cali oo sharqamaya, waxay garatay in waagii baryay Shiikhuna uu doonayo inuu salaadda subax jamaacada la tukado. Markay hubsatay inuu albaabka hore ka sii baxay ayay qolka ka soo baxday, Waraaqdii ay Faysal u qortay ayay dhawr jeer akhriday. Salaaddii subax ayay tukatay intay salaadda ku jirtay aad ayay u fakaraysay. Waxay bilowday inay Xafsa quraac siiso iyada oo u diyaarinaysa iskuulka. Waa ay hubtay inaan Shiikh Cali soo noqonayn waayo wuxuu caado ka dhigtay markuu salaadda subax tukado inuu horay u sii aado shaqadiisa-Darawal Taxi . 

Markay Xafsa ku hubsatay baskii iskuulka ayay guriga gadaal ugu soo noqotay, guri hagaajis ayay gashay. Waraaqdii ayay Boostada geysay. Intii ayan dirin waxay ku fakartay inay cinwaankeeda boqshadda korka uga qorto iyo in kale. Waxay is waydiisay in hadday cinwaankeeda ku qorto isla markaasna cinwaanka Faysal khaldan yahay, markay waraaqdu soo noqoto inay suurto gal tahay in Shiikh Cali soo saaro warqadda.! Ha ku qorin ayay is tiri iyadoo aan ilowsanayn in haddii ayan ku qorin cinwaankeeda kan Faysal-na khaldan yahay inayan ogaan Karin in Faysal waraaqdii helay iyo in kale. Waxay goaansatay inayan ku qorin. Iyada oo bisinka u qabanaysa ayay waraaqdii dirtay.

Back to Category