Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Janaayo 2002

Published on: 2001-12-30 20:08:36

Culuumta taariikhda qeybteeda aanan laga heynin wax qoraallo ah ama sheekooyin la raad raaco, waxaa lagu magcaabaa taariikhda horteed (pre-history). In badan ayaa lagu howlanaa in wax laga ogaado sida ay noloshu aheyd taariikhda horteed. Waxaase jirta in natiijooyinka arrinkan laga gaarey ay yihiin kuwo kooban. Natiijooyinkaasi waxay u badan yihiin aragtiyaal ay ula muuqatey culimada arrinkan ku howlan, kuwaas mar-walba aragtiyadooda ku saleynaya haraaga qalabka la adeegsan jirey oo dhulka laga helo iyo sheekooyin ama qoraallo laga dhaxlay dadkii innaga horreeyey oo lays waafajiyo. Culimada ku howlan baarista taariikhda horteed waxaa weeye kuwa dhulka ka baara waxyaabihii ka haray dadkii hore (archaeologists).

30-kii sano ee u dambeeyey aqoonyahannadaasi waxay si guud dunida oo idil iyo si gaar ah qaaradda Afrika baaritaankooda la kaashanayeen aragtiyaal iyo asluub cusub (new methods) oo ay ka dhaxleen khibrado ururay ee la xiriira howlahooda. Taasi waxay dhalisey isbeddel iyo kacdoon xoog leh oo ku yimaada qaabkii loo raadin jirey waxyaabihii taariikhda ka horeeyey. Kacdoonkaasi wuxuu ka yimid horumarka laga gaarey maaddada la yiraahdo Radiometric Techniques sida C-14 iyo Potassium-Argon. Horumarka laga gaarey qalabka la adeegsado (technical-instruments) ayaa waxaa ka dhashey in la cabbiro cimriga ay ku baabaaan isotps-yada qulqula ee radiation-ka leh, kaddib markii laeys bar-bar dhigo iyaga iyo qeybta sugan ee isotps-yada (consunant parts). Markaas baa maaddooyinkaas aannu soo xusnay waxay kaalmeynayaan in la xaddido waxyaabaha qadiimka ah ee dhulka laga helayo, tariikhda ay jireen iyo cimrigooda. Horumar labaad oo la gaarey ayaa isna wuxuu yahay inaan lagu ekaan waxan la heley nooca ay yihiin, qaabka dhameystiran oo ay lahaayeen, isbedelka ku dhacay muddadii ay soo jireen, iyo waxa ay inoo caddeyn karaan. Balse in wax laga ogaado dhaqamadii ey dadkii hore lahaayeen, qalabkii ay adeegsan jireen iyo qaabkii ey u noolaayeen markii laga eego xag dhaqaale, mid siyaasadeed, mid ciidan iyo mid degaan. 

Waxaa kale oo ay culimadaasi isku taxallujiyeen in ay wax ka ogaadaan xiriiradii dhex mari jirey bulshooyinkii hore ee dhaqammada kala duwan lahaa. Baaritaanka arrimahaas la tilmaamey ayaa wuxuu khasbayaa in qaaradda Afrika ey leedahay keyd xoog taariikheed leh oo u baahan baaritaan. Arrintaasna jaamacado badan oo Afrikaan ah baa isu taagey in ey qeyb lixaad leh ka qaataan. Soomaaliya oo sida la ogsoonyahay ka qaddey waxyaabo badan oo uu aadamigu nasiib u yeeshey baa arrintanna ka qadday, sababtuna waxay tahay loollanka siyaasadeed ee qabiilka ku dhisan iyo mucaaradada hubeysan oo in muddo ah ka jirey dalkeena, taas oo ku saleysan u adeegga danta gaarka ah. Haddiise fursad la siin lahaa, waxaan shaki ku jirin in ay xiisad gaar ah u yeelan laheyd adduun-weynaha. Steven A. Brandt oo macallin ka ah jaamacadda Florida University ee dalka Maraykanka oo arrintaas ka markhaati kacaya ayaa yiri"In wax laga ogaado Soomaaliya sidey ahaan jirtey taariikhda ka hor, waxay faaiido u tahay dunida oo idil".

Soomaaliya waxaa baaritaan ku saabsan taariikhda horteed laga bilaabey qarnigii 20-aad bilowgiisii. Laakiin taasi baaritaan xooggan maahayn, balse in badan oo Soomaaliya ka midah weli wax baaritaan ah laguma sameyn. Culimadii ugu horeysey ee xilligaas diraasaadka wadey wexey ahaayeen niman ajaanib ah, wexeyna u adeegayeen dowladohoodii gumeystayaasha ahaa. Sidaas darteed ayaa shaqadoodii waxay dhaawacantey markii ay noqotey mid cadaaladda ka fog oo ay ugu adeegaan masaalixdii nadaamkii gumeysiga oo qura. Baaritaankii ay culimadaasi xilligaas hore sameeyeen wuxuu ahaa mid ku eg hal masalad oo qura, taas oo ah : qaabkii uu isu soo beddelayey dhaqankii dadyowgii soomaaliya degganaa taariikhda horteed .Ujeeddaduna waxay aheyd in jahwareer lagu rido bulshada soomaaliyeed si loo gumeysto. Waxaa jirtey arrin labaad oo hakineysey howlaha culimadaas, wexyna aheyd qalabka ay adeegsanayeen oo ahaa mid qadiim ah. Waxaa xaqiiq ah, baaritaan casri ah oo loo adeegsado maaddada Radiometric in ayan Soomaaliya welihelin.

Nin la yiraahdo Clark J. K. oo macallin ka ahaa jaamacadda Combridge ee dalka Ingiriiska, buug uu qorey sanadkii 1952-dii oo la yiraahdo "Prehistoric cultures of the horn of Africa ", wuxuu ku sheegey in reerkii ugu horeeyey ee geeska Afrika dega ay yimaadeen xilliga loo yaqaan Upper pleistocene, waana waqti haatan laga joogo 100,000 oo sano in ka badan. Waxaa kale oo jira in geeska Afrika laga heley lafo daanyeer "Chimpanzee". Daayeerkaas dhererkiisu wuxuu ahaa 1.5 m. Cimriga lafahaasi, 1.5 malyuun oo sano ayey ka weyn yihiin. Lafahaasi oo ah inta noocoodaas laga hayo kuwa ugu dada weyn waxaa laga heley dhulka Cafartu degto, meel u jirta 200 km. xuduuda Jabuuti iyo gobolka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya. Lafahaasi waxaa la heley sanadkii 1979-kii, waxeyna ka mid yihiin noocyada abuurka ah ee aadanaha ka horeeyey ee dabargoey oo ey culimadu u bixiyeen Homonidis. Helitaankaasi wuxuu ka dambeeyey baaritaan sanooyinkii dambe lagu hayey dalalka deriska laah Soomaaliya sida Itoobiya iyo Keenya. Bariga Itoobiya, gaarahaan daamanka webiga Oomo ee ku yaal bariga magaalada Harar iyo bariga balliga Turkaana ee ku yaal bariga dalka Keenya, dhulkaasi kooxihii wax baarayey wexey ka heleen calaamado muujinaya in ey halkaasi nolol ka jirtey muddo labo malyuun oo sanadood horteed ah. Noolaha halkaa ku noolaa xilligaas, waxey qalab ahaan u adeegsan jireen dhagxan la qorey wexeyna cuni jireen hilibka, shaqaduna waa ay u qeybsaneed, raashinkuna waa ay wada cuni jireen. Waxaa kale oo qalabkii la heley laga ogaadey sida uu noolahaasi qaraabo ahaan isu xigey. Dhagxantaas kuwo la mid ah waxaa laga heley dhulka buuraleyda ah ee ku yaal konfurta Itoobiya (dhulka Soomaalidu degaan). Buuraha laga dul heley dhagxantii Homonidis-yadu dhererkoodu waxay gaaraan 2,500 m. Taasina waxay markhaati u tahay in Homonidis-syadu ay kol-hore bilaabeen in ay ku noolaadaan buuraha dushooda. Arrimahaasi waxay tilmaamayaan in Soomaaliya ay fursad fiican taal si wax looga ogaado noloshii Homonidis-yada. Aqoonyahannada howlahan u kuur-gala waxay tilmaameen in saddex meelood oo Soomaaliya ka mid ah ay haboonaan laheyd in laga howl galo si loo helo wax raad ah oo la xiriira noloshii Homonidis-yadii hore. Meelaha ay tilmaameen waxay kala yihiin :

  1. Xuduudda u dhexeysa Itoobiya, Jabuuti iyo gobolka Waqooyi-galbeed ee Soomaaliya.
  2. Degaanka ku aaddan koonfurta iyo koonfur-galbeed magaalada Berbera.
  3. Dhulka buuraleyda ah ee gobolka waqooyi-bari ee Soomaaliya (Cal madoow).

Waxaa la qiyaasayaa warshad weyn in bariga Afrika laga dhisey muddo haatan laga joogo 1.5 malyuun oo sano. Warshaddaasi dhagxanta ayey qori jirtey oo ka sameyn jirtey mindiyo iyo weelal la isticmaalo. Halkaas waxaa ka muuqata dadaalkii ay sameeyeen Homonidis-yadii ku noolaa geeska Afrika. Qoladii Homonidis-ka ka dambeeyey, magaca loo yaqaan waa Homorectus. Reerkan waxay yihiin qolyihii ugu horreeyey ee raadkooda lagu arkey dhulka xeebaha ah, waxaana ey isticmaali jireen dabka. Reerahaasi Soomaaliya ayey degganaayeen, gaar ahaan gobollada waqooyi iyo waqooyi-bari. Waxaanse weli dhicin in ay Soomaalidu isu xilsaarto si loo raadiyo in wax intaas dhaafsiisan laga ogaado. Raadka keliya ee laga hayo waa dhagxan ka harey kuwii ay qori jireen oo leysu ururiyey, kuwaas oo dadooda lagu qiyaasey in ay ka weyntahay 100,000 oo sano. Waxaa iyaduna jirta in Jabuuti laga heley dhagxan la adeegsan jirey 20,000 oo sanadood horteed. Magaalooyinka Hargeysa, Shiikh iyo Berbera ayaa waxay ka mid yihiin degaamada la rumeysanyahay in laga heli-lahaa raad fiican oo la xiriira noloshii reerihii Homorectus-yada ahaa, gaar ahaan qaabka ay ugu safri jireen badaha. 

Waxaa la ogsoon yahay in Soomaaliya ay ku taal xeebta Afrika ugu dheer, waxaana dalka Soomaaliya ka baxa dhir waaweyn oo alwaaxda doonyaha laga sameyn karo. Haddii cimriga dhirtaasi la ogaado in ey la da yihiin lafaha iyo dhagxanta la heley, iyo heerka kacdoon oo ay biyaha baddu sameeyaan iyo isbeddelka ku dhacay isotops-yada unugyada oks oxygen-ka ah, waxay arrintaasi culimada ka kaalmeyneysaa in ay qiimeeyaan cimiladii xilligaas tiil geeska Afrika iyo sida ay ugu habooneyd in degaankaasi noloshu ku tarantey goor hore. Waxaa kale oo arrin xiiso badan ah togga mara dooxada Nugaal oo ah mid qadiim ah, wuxuuna ka mid yahay meelaha lagu tuhmayo in ay noloshu goor hore ka bilaabatey daamankiisa. Togga nugaaleed, dhererkiisu yahay 200 km. wuxuu leeyahay meelo badan oo uu ka jeexmo. Waa arrin laga gaabiyey fursadda halkaas taal in qiimaheeda la siiyo. Afka togga Nugaal ee mara meel magaalada Eyl agteeda ah waxaa laga heley saldhigyo ey fadhiyi jireen reeraha la yiraado Acheulian oo ah farac ka mid ah Homorectus. Qolyahaasi wax degaan ah oo ay ku lahaayeen bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya weli lama helin. waa laga yaabaa in ay taasi sabab u tahay iyada oo aanan wali si wanaagsan loo baarin.

Waxaa la maleynayaa in bartamihii casrigii dhagaxa ey bilaabatey ilbaxnimo la xiriirta in badda lagala soo baxo raashin (kalluumeysi), in badda si xoog leh loo adeegsado iyo in la horumariyo qalab kasta oo ay nolosha u adeegsanayeen. Waxaa kale oo xilligaas bilowdey nadaamka goboleysiga ah. Meelaha ey ilbaxnimadaasi ka soo if baxdey waxaa ugu horreeyey qaaradda Afrika, gaar ahaan koonfurta iyo bariga. Soomaaliya waxay ka mid ahaan laheyd meelaha laga heli lahaa kaalmo xoog badan oo ku saabsan raadadkii ay ka tageen ummadahaas. Dabayaaqadii xilli-dhagaxeedkii oo ku aaddan muddo laga joogo 12,000 oo sano ayaa waxaa bilowdey farsamooyin cusub iyo nadaam-bulshadeed ee ku saleysan dhaqamo la heystey. Arrintaasi si guud ayayy qaaradda Afrika u saameysey. Mid ka mid ah waxyaabaha qiimeynta leh waxaa weeye horumarka laga gaarey xagga dabka iyo haragga wax lagu qoro, arrintaasina waxay ka soo daahirtey meelo Afrika kamid ah muddo 25,000 oo sano horteed ah. Waxaa la tuhmayaa in Somaliya ay ka mid tahay 

In muddo ahba waxaa la ogaa in ay aheyd warshadii ugu horeysey ee hargaha ee laga dhiso qaaradda Afrika, gaar ahaan degaamada koonfurta saxaraha, waxay aheyd mid laga heley magaalada Hargeysa meel agteeda ah. Waxaa nasiib darro ah in dhaqanka waagaas jirey waxa laga ogyahay uu yahay dhagxanta qoran ee laheley oo keliya. Waxba lagalama socdo xilligey noolaayeen ummadahaasi, inta ay noloshoodu soo gaartey, qaab-nololeedkoodii i.w.m. Si wax badan looga ogaaado warshadihii ku yiil dalka Soomaaliya, dabayaaqadii xiili-dhagexeedkii, waxaa muhiim ah in wax fiican laga ogaado duullaamadii geeska Afrika uga iman jirey waqooyiga Africa.

Back to Category