JANUARY 2001
- January 9
- Labo kooxood oo qol yar isku haysta ayaa mid ka mid ahi dab qabadsiiyeen suuqa weyn ee Bakaaraha ee Xamar, halkaas oo xoolo farabadani ku gubteen.
- January 13
- Cali Khaliif Galeyr oo ka hadlay shir lagu qabtay New York ayaa Ethiopia ku eedeeyay in ay soo weerartay gobollo Soomaaliya ka tirsan, ayna taageereyso dowlad goboleed cusub oo halkaas laga dhisayo. Laakiin Seyoun Mesfin , wasiirka arimaha dibada ee Ethiopia ayaa arrintaas ku gacansayray.
- January 18
- Ciidamo Ethiopian ah ayaa soo galay gobolka Gedo.
- January 22
- Waxa magaalad Baydhabo ka dhacay shir loogu googol-xaarayo dowlad goboleed loo sameynayo gobolada Bakool, Baay, Gedo , Shabeelada Hoose mida dhexe iyo Jubada Hoose.
- January 26
- Mohamed Ibrahim Cigaal ayaa u sheegay wafdi IGAD ka socda in Somaliland aysan weligeed dib ugu biiri doonin Somalia. Hamigii Somali weyn ayuu sheegay in uu dhintay.
- January 27
- Ururka reer yurub ee EU ayaa sheegay in ay ka fulinayaan mashruuc jidad lagu marinayo magaalada Boosaaso iyo weliba meelo qashinka lagu qubo.
- January 28
- Shirkii Baydhabo ee la doonayay in lagu sameeyo dowlad goboleed cusub ayaa bur-buray.
FEBRUARY 2001
- February 8
- Suuqyada magaalad muqdisho ayaa irdaha loo laabay kadib markii taageerayaaasha dowladda ku meelgaarka ahi ay lacag ciiddaas leeg suuqyada ku soo fataheen.
MARCH 2001
- March 2
- Madax-kooxeedyada Muse Suudi, Xuseen Caydiid iyo Caato ayaa ku heshiiyay in ay si wada jir ah uga hortagaan dowladda ku meel-gaarka ah, mar ay isugu tageen magaalada Nairobi
- March 15
- Xildhibaan ka tirsan dowlada ku meel-gaarka ah oo la yiraahdo Maxamed Dheere iyo ciidamo uu wato ayaa ka cararay, kuna baaqay dagaal.
- 22 March
- Dhowr hoggaamiye kooxeed oo isugu tegey dalka Ethiopia ayaa sameystay urur ay ku bahoobeen una bixiyeen SRRC.
APRIL 2001
- April 4
- Dowlada Jabuuti ayaa xirtay xadka ay la leedahay Somliland, kadib markii Sigaar ay lahaayeen baayac mushtar reer Jabuuti ah lagu gubay Somliland.
- Laba nin oo Ingiriis ah oo u shaqaynayay UNICEF ayaa la sii daayay iyaga oo mudo lahystayaal ahaa.
- April 22
- Kooxaha ku bahooay SRRC oo ku shiray baydhabo ayaa ka wada hadlay in ay ciidamadooda isku biiriyaan.
- April 26
- Qaar ka mid ah dowladda iyo barlamaanka Puntland ayaa soo jeediyey in dib loo dhigo waqtigii doorashada
MAY 2001
- May 19
- ilaa 86 ruux ayaa geeriyooday ka dib markii kabtankii iyo naakhuudayaashii Markab wayn oo u socday dalka Yaman ay rakaabkii ku khasbeen in ay badda ku daataan.
- May 28
- Kooxaha ku bahoobay SRRC ayaa waxaa marti-qaad dib u heshiisiin ah u fidiyay Madaxwaynaha dalka Kenya Daniel Arab Moi
- May 31
- Afti gooni isu taag ah ayaa laga qaaday dadka Somliland iyadoo Gobollada Sool iyo Sanaagba laga qaadacay.
JUNE 2001
- June 8
- Dowladda ku meel-gaarka ah ayaa ku eedeysay dowladda Ethiopia in ay ciidamo fara badan ay u soo dirtay Somalia.
- June 14
- Kabtankii dadka Soomaalida ah badda ku laayay iyo mid shaqaalihiisa ka mid ah ayaa lagu qabtay magaalada Boosaaso.
- June 15
- Ismaciil Hurre Buubaa oo ah wasiirka arimaha dibada ee dowlada ku meel gaarka ah oo jooga Ethiopia ayaa sheegay in Somalia ay ku khaldaneyd in Ethiopia soo faragashatay ama ay ciidamo u soo dirtay.
- June 19
- Ugaas Maxamed Siyaji Ugas Farah Ugas Abdulle ayaa lagu dilay magaalada Caabudwaaq ee bartamaha Somalia.
JULY 2001
- July 2
- Yuusuf Xaji Nuur oo ah Gudoomihii maxkamada sare ee Puntland ayaa ku dhawaaqay in uu isagu madaxweynaha ku mee-lgaarka ah uu haatan yahay.
- July 25
- Isimada Puntland ayaa baaq ay soo saareen ku cadeeyay in waqtiga maamulkii hore uu ku ekaa 30-kii June, ayna muddo bil ah xukunkii gobolka gacanta ka saareen Guddoomiyaha maxkamadda sare, si uu isugu yeero isimada gobolka oo dabeeto loo doorto dowlad cusub.
- July 26
- Hogaamiyahii hore ee Puntland Col.Cabdullhi Yuusuf ayaa xilka laga xayuubiyay laguna bedelay sida sharcigu dhigayay Guddoomiyihii maxkamadda sare Mr. Yuusuf Xaaji Nuur.
- July 29
- Hayadaha gar-gaarka ayaa ka baxay Puntland, iyaga oo ka baqaya xasilooni darri.
- July 30
- Dekedda , Madaarka diyaaradaha iyo koontroolada ayaa waxa la wareegay ciidamo taabacsan madaxweynaha ku meel-gaarka ah ee Puntland.
- Kenya ayaa joojisay baayacmushtarkii Somalia
- July 31
- Magaalada Boosaaso ayaa shacabkii deganaa isu diyaariyeen weerar kaga yimaada hogaamiyahii la riday.
AUGUST 2001
- August 5
- Abbaaraha 10-kii subaxnimo ayaa waxaa magaalada Boosaaso weerar dhuumaaleysi ah ku qaaday hogaamiyahii la riday .
- August 6
- Cabdullahi Yusuf iyo ciidamo beeleedyo uu wato ayaa laga saaray magaalada Boosaaso. Dagaalkaas waxa ku naf waayay 20 qof , 30 kalena way ku dhaawacmeen.
- August 26
- Waxa magaaalada garoowe ee magaala madaxda u ah Puntland ka furmay shir la doonayay in lagu doorto hogaamiye cusub.
SEPTEMBER 2001
- September 6
- Wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan xaquuqul insaanka ayaa sheegay in uu talo ku soo jeedin doono in la baaro dembiyadii dagaal ee Somalia kadhacayay.
- September 24
- Shaqaalaha Qaramada midoobay ayaa isaga baxay Somalia markii qolooyin taageersan Osama Bin Laden ay banaanbaxyo ka sameeyeen magaalada Muqdisho.
- September 26
- Mareykanka ayaa ururka Al-Itaxad ku daray liiska ururada ay khadka madow ku xariiqdeen.
OCTOBER 2001
- October 16
- Ciidamo daacad u ah General Mohamed Siciid Morgan ayaa qabsaday magaalada Buaale. Waxay uga sii gudbeen magaalada Kismaayo oo isla markiiba laga saaray.
- October 22
- Dowladda Jabuuti iyo Maamulka Somalialand ayaa dib u heshiiyay.
October 29
- - Baarlamaanka dowlada ku meel-gaarka ah ayaa kalsoonidii kala noqday dowladdii Cali Khaliif Galeyr.
NOVEMBER 2001
- November 1
- Madaxweynaha Kenya ayaa isugu yeeray shir dib u heshiisiin ah dhammaan kooxaha ku herdamaya siyaasadda Somalia, shirkan oo weli lagu gudajiro.
- November 7
- Waxaa la xayiray lacagihii Xawaaladda Al-Barakaat
- November 20
- Madaxweynaha cusub ee Puntland Jaamac Cali Jaamac ayaa si rasmi ah xilkii ula wareegay.
- November 21
- Cabdullaahi Yuusuf ayaa weerar ku qaaday magaala madaxda Puntland ee Garoowe. Dagaalakan ayaa bara kiciyay shacabkii magaalada , dhimasho iyo dhaawac badana geystay.
DECEMBER 2001
- December 18
- Shirkii dib u heshiisiinta ayaa ka bilowday dalka Kenya.
- Hogaamiyaha cusub ee Puntland ayaa magacaabay shanttii wasiir ee ugu horeysay dowladiisa.
- December 25
- shirkii Kenya ayaa waxaa heshiis usoo kala saxiixday dowlada ku meel gaarka ah iyo dhowr hogaamiye kooxeed.