- Boostada: Boostada cilladdeedu waa iyada oo aad u daahda siina socota maalmo. Markaad isticmaalaysid boostada waraaqdaa qortid dhakhseheedu wuxuu ku xiran yahay hadba qofka aad u qoraysid meeshuu joogo. Waxaa laga yaabaa in qof aad isku waddan joogtaan warqaddaad u dirto ay qaadato maalin ama labo halka qof qaarad kale joogaana ay qaadanayso maalmo badan ama usbuucyo.
- Teleefonka: Teleefonku aad ayuu qaali u yahay gaar ahaan markaad la hadlayso qof ku nool waddan kale. Cilladaha kale ee teleefonka ayaa waxaa ka mid ah iyada oo ay khasab tahay labada qof oo isla hadlayaa inay markaas waqti hayaan. Waxaa laga yaabaa adiga oo hurda in qof aduunka dhinaciisa kale joogaa uu ku toosiyo isaga oo aan ka warqabin xaaladda aad ku sugan tahay. Marna ma lagu yiri waa ka xumahay inaan hurdada kaa kiciyee hebel ama heblaayo ii dhiib. Sidoo kale teleefonku waa buuq ama hadal oo qofka kula hadlaya waxaa laga yaabaa inay dadka ag joogaa dhibsanayaan ama sir uu kuu sheegi lahaa la dhegeysanayaan. Arinka ugu weyn ee teleefonka looga cabto ayaa ah iyada oo aan dib loo soo saari Karin wixii lagu wada hadlay. Maahmaah Carabi ah ayaa oranaysa Kalaamu Leel maa yamshi nahaar oo micnaheedu yahay hadalka habeynkii maalintii ma socdo. Maahmaahdan ayaa teleefonka loo isticmaali karaa sababtoo ah hadalkaad teleefonka ku tiri markhaati kuuma geli karo haddii aan la duubin.
- Faxka: Isgaarsiintan kale oo e-mailka ka hor baayac mushtarku aad u isticmaali jirey ayaa iyaduna xagga kharashkana kala mid ah teleefonka isla markaana aan loo adeegsan karaynin war-isgaarsiinta u dhexeysa shirkadaha iyo dadka wax ka gata sababtoo ah dadku Fax- machine guryahooda ma dhigtaan badanaa.
Suaashu waxay tahay war-isgaarsintan cajiibka ah sidaasna u fudud wixii hore oo dhanna ka xoogga badan sidee ayey aduunka kutimid?
Boqolkii sano ee la soo dhaafay war isgaarsiinta waxaa soo maray saddex kacaan oo bedelay siday dadku isulaxiriiraan:
- May 24, 1844: Samuel B. Morse oo lagu magacaabo aabaha telegaraamka ayaa diray telegaraamkii u horeeyey taas oo keentay in dad aan isu muuqan ama aan codkoodu is gaarin ay farriimo isu diri karaan.
- March 10, 1876: Alexander Graham Bell oo ah ninka allifay war-isgaarsiinta teleefonka ayaa teleefon u diray kalkaaliyahiisa.
- 1895: Guglielmo Marconi ayaa ku guuleystey in uu war isgaarsiinta ku soo daro hab cusub. Marconi wuxuu si habsami leh ugu guuleystey inuu farriin uu hawada u marsiiyo dad ka fog.
Soo saaridda emailku aduunka ugama yaabin sida ay saddexdii helitaan ee ka horeeyey uga yaabiyeen. Sababtu waxay tahay soo saaridda emailku ma ahayn mid lagu hawllanaa markii la helay. Qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa midba waxaa lagu yaqaan astaamo u gaar ah. Dadka cilmiga injineernimada iyo sayniska ku takhasusa ayaa waxay caan ku yihin inay howl fududeystaan. Tusaale ahaan baabuurta diyaaradaha, warshadaha, mashiinnada wax lagu sameysto iyo dhamaan waxyaabaha kale ee dadka u howl fududeeya ayaa ah shaqooyin ay qabteen ingineero iyo saynis yahano.
Taariikhdu markay ahayd sanadkii 1971-dii ayaa Ray Tomlinson oo u shaqeynayey shirkadda Bolt Beranek and Newman (BBN) oo kunturaad xagga teknoologiga ka heshay ciidamada Maraykanka ayaa isaga oo aan cidina u dirsan waxa uu isku dayay in uu helo qaabka ug fudud ee uu kula xiriiri karo dadka kala shaqeeya shirkadda.
Shirkada BBN ayaa waxay ku xirneyd network (kumbuyuutaro isku xiran), 15 kumbuyuuter (nodes) oo kala yaaley meelo kala duwan ee Maraykanka sida California, Oregon, iwm. 15-ka qaybood fariimo (e-mail) isuma diri karin xataa haddii ay is dhinac yaalaan. Intii isku kumbiyuuter isticmaashaba waxay awood u lahaayeen in ay farriimo is dhaafsadaan. Qof walba wuxuu lahaa fayl farriimaha loogu dhaafo laakiin aan dadka kale akhrin Karin farriimaha ku jira. Kumbuyuutarada markaas jirey waxay ahaayeen kuwo aad u waaweyn oo aan la qaadi Karin. Mr. Tomlinson waxaa dhibtay sida uu fariin ugu diri Karin dadka la shaqeeya oo isticmaalaya kumbuyuutarada kale in kastoo ay dhamaantood isku xirnaayeen (network). Ayadoo aanay ka mid ahayn shaqadii uu shirkadda u hayey ayuu program-kii loo isticmaali jirey farriimaha wuxuu ku sameeyey daraasaad uuna ka dhigay mid farriimo qoraal ah u kala qaadi kara dhamaan kumbuyuutada shirkada.
Imaatinkii calaamadda @: Si loo kala garto fariimaha ay isu dirayaan dadka isku kumbuyuutarka isticmaala iyo kuwa dibadda u socda, Mr. Tomlinson wuxuu maskaxdiisa ka keenay calaamadda @ at oo lagu garto farriimaha dibadda u socda. Tusaale ahaan kumbuyuutarka fariimaha qaybiya markay soo gaarto fariin ay la socoto calaamada @ wuxuu garanayaa inay dibadda u socoto. Tusaale ahaan farriinta cali@geesi wuxuu u dirayaa kumbuyuuterka lagu magacaabo geesi tan ay ku qorantahay cali kaliyana wuxuu u gudbinayaa santuukha ninka lagu magacaabo Cali oo isticmaala isla kumbuyuuterkaas. Kumbuyuutarka Farriintii cali@geesi markii ay u tagto kumbuyuuterka lagu magacaabo geesi wuxuu u sii gudbinayaa santuukha nin kale oo isna lagu magacaabo Cali laakiin ka shaqeeya xafiiska uu yaal kumbuyuuterka lagu magacaabo Geesi. Ray markuu qoray programka wuxuu isu diray farriimo tijaabo ah isaga oo isticmaalaya laba kumbuyuuter oo isku xafiis yaaley laakiin ka mid ahaa 15-ka qaybood oo isku xiran laba kamida. Tijaabadaas kadib, wuxuu arinkii u bandhigay dadka la shaqeeya isaga oo u arkayey inay tahay howl fududeyn dhexdooda ah isla markaana aan niyadda ku hayn siday adduunka oo dhan u saameyn doonto farriimahan la isu diro iyadoo la isticmaalayo kumbuyuutarada iyo calaaamda caanka ah ee @.
Waqtigaas kadib, culumada kumbuyuutarada ayaa bilaabay inay aad u daraaseeyaan habkan cusub ee aduunka ku soo biiray. Figraddii waa la aqbalay laakiin waxaa dhibaato noqotay sidii ay laba qof oo isticmaalaya kumbiyuutaro kala nooc ahi ay farriimo noocaan ah isugu diri lahaayeen. Shirkadaha waaweyn iyo hayadaha dowladaha hore u maray waxay sameysteen hab ay e-mail dhexdooda ah u isticmaalaan. Markii danbe waxaa soo baxay wax lagu magacaabo standardization oo u fududaynaya dadka isticmaala kumbuyuutaro kala duwan sidii ay farriimo isugu diri lahaayeen.
Sida uu u yaraa lambarka dadka isticmaala e-mailka ayaa iyaguna waxaa u yaraa dadka isticmala kumbuyuuterada, gaar ahaan si aan shaqo ama baayacmushtar ahayn. Sannadihii sideetameeyahii dhexdooda ayaa waxaa soo batay kumbiyuutarada yar yar oo guryaha la dhigan karo in kasta oo ay kuwa hadda jira aad uga cuslaayeen aadna uga tabar yaraayeen. Taariikhda kumbuyuutarada ayaan uga hadli doonaa cadadyada soo socda laakiin waxay helida kumbuyuutarada guryaha la dhigto ayaa aad u sii fududaysay bilaabida war-isgaarsiintan cusub.
1989-kii ayaa shirkadaha MCI iyo Compuserve waxay bilabeen inay dadka e-mail u soo daayaan iyaga oo isticmaalaya Inetrnetka, kana kala isticmaalaya Corporation for the National Research Initiative (CNRI) iyo jaamacadda Ohio. Waqtigan ka hor way jireen shirkado dadka u soo daaya hab war-isgaarsiineed laakiin cilladdu waxay aheyd qofku wuxuu la xiriiri karay dadkay isku shirkada yihiin oo kaliya. Waxay ahayd sida ay teleefonadii Soomaaliya isu badaleen sanadihii sagaashameeyadii oo qof waliba uu wici karay dadkay isku shirkadda yihiin oo kaliya. Shirkadahaas lagu khasbanaa ayaa waxaa ka mid ahaa America Online (AOL) iyo Delphi.
1993-dii ayaa labada shirkadood ee AOL iyo Delphi waxay goaansadeen inay dadka isticmaala ay Internetka ku xiraan taasoo keentay in dhammaan dadkii ku xirnaa labadaan shirkadood iyo kuwii kale oo hore u bilaabay ay e-mail isu diri karaan. Kadib waxaa bilowday shirkadaha lacag laaanta dadka e-mailka ugu soo daaya oo ay ugu weyn tahay Hotmail.
Hadda waxaa lagu jiraa xilliuu e-mailku noqday mid aad loo aqbalay kadib markii la ogaaday awoodeeda. Tusaale ahaan, qoraalkaan aad hadda akhrisanayso waxaan wargayska ku soo gaarsiiyey hab e-mail ah.