Inta aynaan bilaabin qormadeenna bal aynu kahormarino in yar oo gogaldhig ah.
Waxaawaayadaan dambe soo if baxay cudurro tiro badan oo aad u halis ah oo lagu arkay dadkasomalida, hadaba cudurkaan ay soomaalidu u taqaan kaadimacaantaayaa ah midka ugu weyn ee ay la il-daran yihiin soomaali badan oo dalkagudihiisa iyo dibaddiisaba ku nool, waxuuna noqday mid ka mid ahmasiibooyinka dalkeena iyo dadkeena ku habsadey.
hadaynuu soo daadegno qormadeena ayaa sidaad cinwaanka kore ka aragtaanba waxaa isweeydiin leh waa maxay cudurkaani? cudurkaan waxaa afka qalaad loogu yeeraa Diabetesoo macnihiisu yahay marka qofka sonkorta jirkiisa ku jirtaa ay saaid noqotooo ka badato intii uu jirku u baahnaa,waana sababta loo siiyey magacaas. Balsemarka ay sonkortaasi nusqaanto oo ay jirka bini-aadamka ku yaraato waxayisu bedeshaa cudur kale oo waxay qaadataa magac kii hore ka duwan oo la yiraahdoHypoglycemia, waxaana inta badan sababa marka qofka sonkortiisuintay kor u kacdo uu qaato Insulin si ay hoos ugu dhacdo oo uyaraato, hoos u dhacaasi markii uu gaaro heer aad u xun ayeey isu bedeshaanoocaan.
hadabamarkaaynu rabno in aynu wax ka ogaano cudurkaan waxa uu yahay ayaa markahore waxaa qasab ah in aynu fahamno habka uu jirku u isticmaallo cuntada aynucunno, waayo sonkorta laguu sheegayaa waxay jirka ku gaadhaa iyadoo raashin ah,ka dibna wuxuu jirku u bedelaa Tamar ama energy ahaan, taasoo ah waxa ugu weynee uu jirku isticmaalo. marka aynu qaadanno raashinka oo ay soo gaadho afka ilaa ay tagto caloosha waxaa lagu sii daayaa dheecaano dheefshiida raashinkaas,kuwaasoo loo yaqaan Hormons, sonkortaasna waxaa loo yaqaan Glucose,dheecamaadaas ayaana glucose-kii u bedela qaybo yaryar oo burburiya, waxaynanoqdaan sonkor ka fudud tii hore (Simple Sugar). Waxaa jirahadaba qanjir loo yaqaan Pancreas oo hawshaas isagu ka mas-uul ahoo soo daaya dheecaamada ugu badan oo la yiraahdo Insulin. Ogownainsulin-tu waa dheecaan burburiya sonkortii si uu uga dhigo mid uu jirka intiisakale qaadan karo, wixii ka soo hara jirkana waxaa lagu kaydiyaa Beerka iyoMuruqyada si loo isticmaalo waqti dambe hadii loo baahdo.
sikastaba hawshaas weyni ha u dhacdee waxuu jirku isku dayaa in uu dheelitir kusameeyo sonkorta soo gashay si aysan sonkortu xad-dhaaf u noqon una yaraan. Siay arintaasi suurta gal u noqotana waxuu Pancreas-kudheecaanka Insulin-ta soo daayaa qaybta ugu badan waqtiga cuntada uu cunayoqofku (mealtime), waxaana ay habkaa culimada medicine-ku kumagacaabeen isku dheelitirka jirka (Balance of Body Metabolism).
waxaabadanaa dhacda labo xaaladood midkood si uu qofkaasi u noqdo mid qaba cudurkaassonkoroowga;
1)In uusan Pancreas-ku (jirku) soo deeyn Insulin kufilan burburinta cuntadii jirka soo gashay, ama
2) Insulin-tii uu jirku soo daayey ooaan u shaqeeyn sidii la doonaayey ama la rabey. labadaas xaaladood midkoodmarkay ku timaado qofka ayaa la oran karaa waxuu qabaa cudurkaan Sonkorta.
runahaantii xaaladaha dhabta ah ee keena cudurkaan sonkoroowga lama yaqaan. Haseahaatee waxaa loo maleeynayaa iney jiraan waxyaabo loo yaqaan SUBSTANCESoo jirka bini-aadamka gudihiisa ku jira kuwaasoo la dagaalama ama burburiya amaka dhiga wax aan shaqeeyneyn(inactive) Insulin-tii laftigeeda kahor inteysan gaarin shaqo biloowgeeda, sidaasna loo waayo wax burburiyasonkortii jirka soo gashay ilaah baase xaqiiqda og.
hadaba waxaa la xaqiijiyey in uucudurkaani dadka ugu yimaado ama ugu dhoco siyaabo kala duwan waxaana ka mid ah;
BUURNAANTA (obesity)
HAB DHAXALTOOYO (heredity)
ISKU BUUQ (strees)
QALLINKA (surgery)
Sidookale waxaa keena isna daawooyinka la qaato qaarkood sida; Coritisone-ka-kaBirth-Control Pills-ka oo ah daawada loo cuno si ilmaha laysaga ilaaliyo ama lookala dheereeysiiyo, Blood Pressure Pills-ka oo ah daawada dhiig karka loocuno oo marmar sababta cudurkaan. Isku soo duuboo waxaa jira laba nooc oowaaweyn oo uu u jiri karo cudurkaani, inkastoo la arkay nooc sadexaad oo kudhaca dumarka inteey uurka leeyihiin. hadaba waxay soo mareen labadaan noocimarxalado iyo magacyo kala duwanba, waxaana la yiraahdaa;
1-juvenile-onsetdiabetes mellitus (JODM)
2-adult-onset diabetes mellitus (AODM).balse waayadii dambe magacyadaasi waxayisku bedeleen sidatan;
kanhare -insulin-dependent diabetes mellitus (IDDM ama TYPE 1),
kanlabaadna -non-insulin-dependent diabetes mellitus (NIDDM ama TYPE 2),waaana magacyada ilaa hadda loo yaqaano. Haddaba waxay culimada caafimaadkusheegeen in aan cudurkaan la baabi-in karin gebi ahaantiisba, hase ahaatee uuleeyahay kaalmaati hadii uu qofku raaco talooyinka dhaqaatiirta .
waxaylabadaan nooc ku kala duwan yahiin dadka ay ku kala dhacaan marka loo eegoda,dooda; hadaba nooca koowaad oo ah; IDDM ama TYPE 1 waxaa inta badan laguarkaa ilmahu markuu dhasho,markuu yaryahay iyo xilliyada hore eeqaangaarnimadiisa. Calaamadaha lagu gartaa way fara badan yihiin, wayna dhaqsobadan yihiin, waxaase ka mid ah; ilmaha qaba oo lagu arko kaadi fara badan,gaajo xad dhaaf ah, haraad badan oo mar kasta haya, indhahoo daciif noqda, jirkaama oogada oo engega, infakshanno lagu arko, iyo weliba miisaanka ilmahaas oohoos u dhaca isagoo qaadanaya cunto badan.
Siloo yareeyo dhibaatadisa cudurkaan waa in la sameeyo sadex waxyaabood;
a. cunto dheelitiran oo ilmaha la siiyo taasoo micnaheedu yahayin uu cuno ilmahaasi cunto waxyaabo badan ka kooban ama isugu jirta.
b.cirbadda Insulin-ta ah oo lagu duro maalintii labo jeer ama wax ka badanilmahaas.
c. jir dhis ama jimicsi.
Waxaasemuhiim ah in lala xiriiro dhaqtarka had iyo goorba si uu kuu siiyo macluumaaddheeraad ah.
TYPE2, oo ah nooca labaad waxaa lagu arkaa badanaa dadka dadoodu ay ka wayn tahay35. Boqolkiiba sideetan (80%) dadka qaba cudurkaani waa dad uu miisaankoodu aadu sareeyo (Overweight). Waxaana lagu gartaa astaamo u dhow ama lamid ah kii hore sida afka oo qalala ama engaga qofka, kaadida oo farabadata ooay noq-noqoshadeedu isku dhow dahay, aragtida indhaha oo xumaada iyo astaamokale oo badan. Hadii uu muddo sidaas ku jiro qofku wuxuu u gudbaa xaalad aydhaawac u geysato qaybaha kale ee jirka sida beerka, kelyaha iwm.
Noocaaniwaa ka sahlan yahay kii hore, waxaana dhibaatadiisa loo yareyn karaa qofka oodhima miisaankiisa, isagoo cunto dheelli tiran cuna oo ay ku yartahaysonkortu (weight-reduction diets mall amount of carbonhydrate, vegetrian,fruit, less protein), sameeya jimicsi(exercises), waxaana muhuum ah in uu qofkuhad iyo jeer dhaqtarkiisa la xiriiro, sidoo kalena lixdii biloodba halmar (check-up)sameeynayaa.
Waxaamuhiim ah in uusan qofku qaadan hal mar cunto farabadan, waayo jirku wuxuu ubaahan yahay Insulin farabadan oo u dhiganta cuntadaas mana helli karo jirkuinsulintaas. Sidoo kale culeeyskaaga ama miisaanka jirkaaga oo yaraada waxuusahlayaa in ay yaraato saliidii jirkaaga ku jirtey(fat cells) ooxayiri lahayd insulin-ta, wuxuuna jirku helayaa insulin badan oo u badeshameelihii ay saliidu ku jiri lahayd.
Ugudambeeyntii waxaan maqaalkaygaan ku soo gunaanadayaa talo ku wajahan ummadasoomaaliyeed si ay uga gaashaantaan ugana hortagaan cudurkaan taladaasoo ah inay la xiriiraan oo ay kala tashadaan cudurkaan dhaqaatiirta aqoonta u leh gaarah kuwa Soomaalida ah oo garanaya siyaabaha looga daweeyo dadkaSoomalida ah ee isku meesha ka soo wada jeedaan ama ka yimaadeen.