Skip to main content
  • President Abdikassim Salad Hassan
    Young Somali? Learn your history!
  • We are building your massive online library...
    Expect exciting new services too. Stay tuned...

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Dameer ka diyo badiyay ninkii lahaa

Published on: 2005-05-31 14:02:42

Markii dagaaladu ay Soomaaliya ka qarxadeen horaantii Sagaashamaadkii kadib waxaa dalka ka dhacay dhacdooyin xanuun badan oo aan sinnaba loo aqbali Karin, hase yeeshee ku qotoma dhacdo run ah, hadaba shabakadda wararka Somalinet waxay idiin heysaa inta badan dhacdooyinkii ugu yaabka badnaa ee Soomaaliya ka dhaca xilliyadii dowlad la`aanta, oo aan idiin soo gudbineyno aqristayaasha bogga warbaahinta somalinet, adinkoo mahadsan, waxaana ka mid ah dhacdooyinkii yaabka badnaa ee Soomaaliya xilliyadii dowlad la`aanta oo welibana dhab ah.

Sida ay inoo sheegeen Goobjoogayaasha dhacdadan, waxaa ay ka dhacday dhowr sanno ka hor, deegaanka Jubbooyinka, iyadoo la sheegay in maalin maalmaha ka mida la toogtay nin iyo dameer uu watay, waxaa la sheegay dhimashadiisii kadib ayaa waxaa gogol isugu yimid, Qabiilka ninka la dilay iyo kii dilay, gar ayaa la galay, tolkii ka socday gacan ku dhiiglaha ayaa gogoshii soo saaray bac madoow oo ay ku jirto lacag gaareysa ilaa Hal million iyo Shan boqol oo kun, waxayna yiraahdeen lacagtani waa diyadii ninkii aanu idinka dilnay, qabiilkii ninka la dilay ayaa ka codsaday in lacagta loo kala cadeeyo, waxayna yiraahdeen, ma ninka ayaad diyadiisa bixineysaan oo keliya?, sow ma ogidiin in Dameerka uu ciyaalka agoonta ah korin lahaa, haddu nool yahay, kolkaas ayaa labada dhinac ku faataxeysteen in diyada Dameerka ay tahay Hal million, halka ninkiisiina laga bixiyay Shan boqol oo kun.

Dadkii deegaanka ayaa la sheegay inay yaab iyo amakaag ku noqotay diyada Dameerka oo ka badatay tii Ninka iska lahaa, waxaana hase yeeshee la isku raacay in sababtaasi ay abuurtay sharci laanta Soomaaliya hareysay.

xasan dhaaleey
dheel10@hotmail.com
mogadishu, somalia

Back to Category