<|daawo_06201.jpg|Dukaanka Aadan|left|>Markii ay burburtay dowladdii dhexe ee soomaaliya horaantii sagaashamaadkii waxaa isbedel weyn uu ku yimid nolosha soomaalida gudaha oo dhan, waxaana bilowday in shaqsi kastaahi uu bilaabo sidii uu noloshiisa u maareyn lahaa.
Daawada ayaa ka mid ah meelaha laga dareemay dowlad la`aanta, waxaana soo baxay dhaqaatiir cusub, kuwaasi oo sida muuqata laga helay faa`iido iyo qasaarooyin kala duwan.
<|daawo_06202.jpg|Harag Shabeel|right|>Waxaa dalka ku soo xooggeysay ganacsiga daawada,hase yeeshee dadka qaarkood ayaa qaba iyo weliba dhaqaatiirta in dawooyinka la keeno soomaaliya ay yihiin ku waqtigoodii uu dhacay islamarkaasina laga keeno wadamada dunida sedaxaad.
Dawooyinka magaalada muqdisho ku soo maaxday waxaa ka mid ah dawada loo yaqaano dawo dhaqameedka, kuwaasoo xilligan saameyn toos ah ku yeeshay daweynta shacabka, inkastoo dhaqaatiirta casriga ah ay ku dhaliilaan dawo dhaqameedka, <|daawo_06204.jpg|Aadan|left|>inay waxyeelo baaxad leh gaarsiiyaan dadka isticmaala, waxaana ay sheegaan inaysan miisaaneyn,
Aadan Xasan(Suudaani) oo ka mid ah raga daawo dhaqameedka oo maanta ay Somalinet kula kulantay xaruntiisa ayaa sheegay in maalinb waliba ay u yimaadaan Dadweyne aad u farabadan oo uu siiyo dawooyin, waxaana uu sidoo kale tilmaamay inuu xittaa daaweeyo cudurada loo caalwaayay sida Aids-ka,isagoo sheegay inuu dawadiisa la kaashado, maqaarka ama haragga xayawanaadka sida Gerriga, Shabeelka, Saangurta ,Dameer farowga, Sagaarada iyo qaar kale oo farabadan.
Dad badan ayaa rumeysan in raga daawada dhirta at yihiin kuwa wax weyn ka qabtay caafimaadka dad badan oo la ildaraa, xanuuno kala duwan,halka qaar kalana ay sheegeen inay weli la il daran yihiin xanuunadii ka soo gaaray isticmaalka daawo dhireeda soomaaliya laga isticmaalo.
<|daawo_06203.jpg|daawo dhaqameed|right|>Xal u helista halista dawooyinka ayaa qeyb ka ah, waxyaabaha looga fadhiyo dowladda federaalka KMG Soomaaliya oo dhowaan lagu dhidbay wadanka Kenya kagadaal markii halkaasi loo fadhiyay shir soconayay wax ka badan laba sanadood.
hassan cali maxamed (dhaaleey)
dheel10@hotmail.com
mogadishu somalia
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!