<|ciyaal_dib06051.jpg|Caruurt Dhibaateysan|left|>Markii ay soomaaliya ka curteen dagaalada sokeeye waxaa soo baxay tiro caruur ah oo aan heysan daryeel kadib markii ay waayeen waalidkii dhalay sababo kala duwan.
Carruurtan ayaa kala kulma bulshadda arxan la`aan xooggan, iyagoo qaarkood ay ku biireen, ciyaalka isticmaala muqaadaraadka sida koolada iyo jaadka, halka qaar kalana ay noloshooda ka raadsadaan meelaha lagu iibiyo jaadka iyagoo iibinaya bacaha jaadka, iyo maqaayadaha.
Carruurtani malaha hoy ay ku nastaan iyo waxbarasho, waxaana ay habeenkii marti u noqdaan oo seexdaan derbiyada dhismayaasha waaweyn, iyadoo roobka iyo dabeyshu ay ku dhacaan jirkooda.
<|ciyaal_dib06052.jpg|Caruurt Dhibaateysan|right|>
Waxaa jira dad badan oo qaba in loo naxariisto caruurtan hase ahaatee waxaa ka sii badan inta aaminsan in carruurtani ay yihiin tuugo, iyadoo inta badan la arko, iyadoo lagu eedeeyo falalka tuuganimada oo qof walbaahi uu dhinaciisa ka dillo.
Sidoo kale waxaa jira carruur badan oo ka shaqeeysata howsha casseeyenimada, kuwaasoo ku dabarra noloshooda, hase ahaatee qudhooda ayaa la kulma walaac xooggan oo ku saabsan shaqadooda sida uu somalinet u xaqiijiyay mid ka mid baalashlayaasha,waxaana uu intaa ku sii daray in mararka qaar lacagta ay shaqeeystaan si fudud looga dhaco,waxaana uu yiriâ€Innagu ma oran karno lacagta caseeyaha noo hor mariya,taasi waa dhibaato,laakiin marka aan howsha u dhameeyno ayaa dadka qaarkii yiraahdaan,sida nagu yeesha lacagta.taasina inooma wanaagsana,waayo waxaan markaas u baahanahay qidmadda yar ee aan shaqeysanay’ sidoo kale waxaa uu tilmaamay inay jiraan shaqsiyaad iyaga ixtiraama oo marar qaarkood xittaa wax ugu dara, inta ay ugu caseeyeen,inkastoo aysan sidaa u badneyn.
<|ciyaal_dib06055.jpg|Caruurt Dhibaateysan|left|>Carruurtan oo ay heystaan xadgudubyo badan ayaan illaa iminka waxaan jirin urur si rasmi ah isugu howlay wax u qabashadooda marka laga reebo hadal oo keliya.
Maalinba maalinta ka danbeysa waxaa magaalada muqdisho soo gaara caruur ka soo hayaantay gobolada dalka, gaar ahaan kuwa ku xeerran muqdisho, qaarkood ayaa waxaa ay ku biiraan maliishiyaadka heysta isbaariiyinka, iyagoo u qabta shaqada Birqaadka ee wadada gaadiidku marayo, waxaana biil ahaan loo siiyaa Sigaar iyo Jaad oo kaliya ah sida uu ii sheegay mid ka mid ah oo aan la kulmay.
<|ciyaal_dib06054.jpg|Caruurt Dhibaateysan|right|>Dhinaca kale waxaa jira gobo cayiman oo ay ku jiraan carruur aan sidaa u badneyn, kuwaasi sida la sheego u badan agoon, isla markaasina ay u gurmadeen qaar ka mida ganacsatadda gobolka banaadir.
Si kastaba ha ahaatee dowladda federaalka iyo shacabka intiisa badan ayaan weli ka hadlin wax u qabashada ciyaalkan derbiya jiifta ah, waxaana muuqata in mustaqbalka caruurtani uu mugdi sii gelayo haddaan sida ugu dhaqsiiyaha badan wax looga qabanin.
<|ciyaal_dib06056.jpg|Derbi Jiif|left|>
Hassan Ali Mohamed (Dhaaleey)
SomaliNet, Mogadishu
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!