Skip to main content
  • President Abdikassim Salad Hassan
    Young Somali? Learn your history!
  • We are building your massive online library...
    Expect exciting new services too. Stay tuned...

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Xaaladda Waxbarashada Soomaaliya

Published on: 2005-07-28 05:25:19

<|wehliye_070528.jpg|Maxamad Xasan Wehliye (Ilkacase)|left|>Markii dhibaatadu ay ka dhacday Soomaaliya horaantii Sagaashamaadkii waxaa inta badan la waayay Waxbarshadii Aasaasiga aheyd, hase ahaatee, isla xilligaa ayaa waxaa soo baxay waxbarasho lacag ah, taasoo inta badan aan Shacabka Soomaaliyeed awood u laheyn, iyadoo Dugsiyada qaarkood ay maalgelin ku sameeyeen qaar ka mida Hay`ado shisheeye.

Dugsiyadan ayaa u qeybsama kuwo isugu jira heerarka h/dh/ iyo weliba Sare, iyo kuwo luuqadaha lagu barto.

Maamulaha guud ee dugdiga gaheyr ee magaalada Muqdisho Maxamad Xasan Wehliye (Ilkacase) oo Somalinet ay wareysi ka qaaday ayaa sheegay haatan inay jiraan arday gaareysa illaa 1600 oo qaarkood haatan ay ku socoto diiwaangelin, kuwaasoo isugu jira heerarka h/dh/iyo weliba sare, waxaana uu inoo sheegay inay dhamaantood yihiin kuwa aan lacag laga qaadan, waxaana uu sheegay inay taageerayaan ardayda soomaaliyeed ee aan waxba heysan islamarkaasina u baahan tacliinta.

Sidoo kale Maamulaha ayaa Somalinet u sheegay inay jiraan arday gaareysa illaa 1400, kuwaasi oo dhigta Luuqadaha sida, Ingiriiska, Talyaaniga, Faransiiska, Jarmalka, Carabiga iyo Farabarshadda dhalaanka yar yar.

Waxaa kale oo uu sheegay in tacliintan uu soo bilaabay xilligii dowladii hore ee Siyaad Barre, waxaana uu sheegay in haatan qaar ka mida ardaydii ka aflaxday dugsigiisa ay yihiin raga ugu cad cad siyaasadda iyo dhaqallaha soomaaliya, iyagoo buu sheegay horay u sii waday tacliintoodii.

Dhinaca kale maamulaha dugsiga Gaheyr ayaa xusay inaanay jirin cid ama hay`ad ka kaalmeysa tashiilaadkooda waxbarasho, waxaana uu intaa raaciyay inay mararka qaarkood la kulmaan hanjabaado uga yimaada ardayda iyo waalidiinta dhashay, hase ahaatee ma badna oo waa dhif dhif ayuu sii raaciyay.

Markii dowladdii dhexe ee soomaaliya ay burburtay kadib dugsigaani waxaa uu noqonayaa kii ugu horeeyay ee lacag la`aan ardayda wax ku bara, iyadoo sida muuqatana uu waxweyn ka qabtay tacliinta manta ee dalka, waxaan la oran karaa waxaa ay muujiyeen dhabar adeyg maamulka dugiga gaheyr, iyadoo sidoo kalena la filayo inay ku daysdaan dugsiyada kale hanaan samafal ee loogu adeegayo shacabka aan awoodin bixinta lacagaha waxbarshada lagu qaado.

Back to Category