Skip to main content
  • President Abdikassim Salad Hassan
    Young Somali? Learn your history!
  • We are building your massive online library...
    Expect exciting new services too. Stay tuned...

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

GABAY: DHAMBAAL ABWAAN

Published on: 2005-07-29 20:35:20

Abwaanka Cabdulle Cilmi Yarrow oo ku sugan magaalada muqdisho ayaa qoraal dheer soo gaarsiiyay xafiiska Somalinet ee Muqdisho, waxaa uu ku soo bandhigay suugaan uu u ugu magacdaray Dhambaal, taasi uu ku doonayo in suugaanleyda soomaaliyeed ee caalamka ku farirsani ay iyaguna aragtidooda ku cabiri karaan.

Waxaa uu abwaanku mar hore ku bilaabayaa arar dheer, taasi oo uu sida muuqata sharaxaad uga bixinayo muuqaalka guud ee gabaygiisa ku socda abwaanada soomaaliyeed, waxaana uu hordhiciisa ku
bilaabayaa sidan:-

Waxaa wadankeenna ka dhacay masiibooyin jahawareer ku riday dadka, taasina waxay sababtay in maalinba maalinta ka dambaysa aad arki karto in laba markii hore heshiis ahaa sax iyo qalad kii ay ahaataba ay iska hor imaanayaan oo iyagu iska sii necbaanayaan kuwii ay wada jirka markii hore uga soo horjeedeen.

Dhibaatadaas ma jiraan qaybaha bulshada wax ka nabad galay Abwaaniinta qaarkood badan mooyee, in kastoo iyaga laftooda laga heli karo qaar mar mar simbiriirixday oo suugaantooda laga dhadhansan karo dhan u leexasho.

Hadaba maansadaan waxaan ugu talo galay inay sidii lagu yiqiin bahda Fanka Soomaaliyeed inay bal iyagu wada hadlaan, kulmiyaana dadaalkooda Nabad raadineed, waxaanna hubaa haddii taasi dhacdo inay noqon karaan dhaqaatiirtii iyagoo Eebbe kaashanaya sabab u noqon lahaa badbaadinta shacabkaan bukaanka ah.

Bismillaahi baan dhihi
Mahad baan u daba dhigi
Amuuraha dhammaantood
Dhab allaa u maamula
Dhabbe kii la raacee
Badbaadadu dhexdii tahay
Waa dhawrsane rasuulkii (scw)
Kuu addeec dhammaystee
War hoy yaan la dhinac marin

Intaa waanadii dhigay
Arartana waxaan dhihi
Dhagaysataha abwaanow
Haddii aad dhambaalkani
Dhexdiisii ka maqashaan
Xogaa erayo kala dheer
Amaba aad dhadhamisaan
Miisaanka kala dhimman
Amababa is dhaafsanoo
Ku wacnayd si kale dhihid
Dhaliishaasi sababtii
Waa dhawaan galkaygii
Dhismaheeda maansee
Abwaanow dhaleeciyo
Yaan la iiga dhigin ceeb

Markaan dhabanka taabtaba


Xasuustaa waxay dhihi
Dhurwaaguba godkiisii
Dheelmashada habeen iyo
Dharaar weerar caadadii
Jaararkiisa dhinacyada
Markuu xoolahood dhaco
Ogow waa dhibkiisoo
Hadduu mowdku dhafoo
Aan hooto lala dhicin
Hoygiisii dhadhaab culus
Afka lagaga dhaabiyo
Cabsi aan dhammanbuu
Dhawr geeddi cararaa

Ummad dhaqan hallowdana
Caqligaa ka dhuma oo
Dhiilada colaad baas
Kibirkuna u dheer yahay
Dhimashada in badan iyo
Dhabbaqaan wax lala harin
Kuwii ay dhibaysoo
War hooy dhaafa garan iyo
Darisnimo ma dhawraan

Dhidarkiyo shabeelkiyo
Libaax micidu dhilan tahay
Dhuuggiyo kaneecada
Marba loo dhawaadaa
Deris laga dhigtaayoo
Iyaga laysu dhiibaa

Macnihii dhib baa jira
Xagga dhogorta waa siman
Dhanka aragga waa subag
Afku dhay macaan badan
Bushimaha ma dhaafsana
Wayna midab dhalaalaan
Dhuuntana sun baa horan
wadnahoodu waa dhagax
Dhegahaan samaha maqal
Gacmahoodu waa dhiig
Waa madow dharkooduna
Af iyo uurku kala dheer
Diinta waa ku dhaartaan
Dhaqankeedna ma ogola.

Haddii ay dad dhogortiyo
Kula dhalasho sheegtaa
Dawacoy xin dhagarey
Dhaandhaan u muuqleey
Sideedii dhadhaab culus
Dhexda hoygii noloshaa
Afka kaga dhejaan oo

Neefsigu dhib kugu yahay
Misna ay sallaan dheer
Dhabarkaaga saartaan
Danna uma dhammaatoo
Markay soo dhawaataba
Usoo dhici billowgii
Qaylo dhaan dhibkaagana
Iyaga waa u dheefoo
Dhuubay cayaar tuman
Arartii halkaa dhibic
Usoo dhuro ujeedada

Dhaadane waxaan ahay
Dhaxalkii aqoontiyo
Horumarin dhulkiisii
Dhiin madow la saaroo
Jaahil laga dhigaan ahay
Dhibkaygana ma tirin karo.

Dheecaanadii jirkaygiyo
Dhiiggaa I kala xiran
Dhimbilaha korkaygiyo
Dambaaburrada dhamacii
Maskaxdaa I dhalan rogan
Waxaan ahay dhibbane qalan
Wixii dhacay ma qarin karo
Dhego nugulna maan arag

Dhinacaa markaan dayo
Waa dhafoor caruureed
Waalidkood dhammaadoo
Afar xarar la hoos dhigay
Ama dhaawac halisoo
Kala dhimay lixaadkaa
Iska dhaaf wax bariddee
Dhuni aan u heli Karin
Saa darteed dhaqaaqoo
Darbiyada dhakooloo
Ku dhuuqaaya koollee
Yaa dhibkaa masuul ka ah

Haddaan eego dhinac kale
Waa hooyo dhidid badan
Dhabankeeda qooyoo
Dhaqaalayntii gurigiyo
Asluub barid dhallaankiyo
Dhaqankii haweennimo
Dhaashigii hilmaantoo
Dhibab ay xamili Karin
Subaxdii u dheelmada
Laga dhowro biilkana
Dhaqaaleeye odaygii
Dhulka hoose lagu aas
Haddii uusan dhimanina
Caruurtuu dhex jiifaa
Ama wuuba dhuuntoo
Dhawr sanoba lama arag
Ama dhaqan xumaaniyo
Waxaan hore la dhihi jirin
Yay ku kala dhaqaaqeen
Waa dhaxal gaddoomee
Dhibkaa yaa mas’uul ka ah

Dhinac kale markaan dayey
Dhuniga la cuno iyo
Medishiine wada dhacay
Waa ganacsi dhuunkaal
Misna aan la dhigin meel
Dhowridooda ku habboon
Ogow dhiibe gaduhuna
Dheef waxay daweysiyo
Ma yaqaan dhibkeedoo
Waa dhuro macaashoo
Inta dhimanna yeelkeed
Dhabaqsiga sharci la’aan
Dhibkeed yaa mas’uul ka ah

Markaan eegay dhinac kale
Waa dhabar dad wada raran
Dhimbilaha dagaalada
Iyo dhaqan qabali jaan

Dhakafaar muraal xumo
Ogaal li’i dhaqaaqoo
Dhalandhool tahriibkii
Dharaar wali is biimayn
Saxaraha dhexdiisiyo
Bad ku wada dhammaadoo
Dhimashadu xaq weeyee
Maydkoodii dhurwaa cunay
Dhabbayaal halaagaa
Dhaayuhu ma quustaan
Dheguhuna ma maqal la’a
Misna weli ma dhaafaan
Kusii dheelmashada halis
Sabab yaa la dhihi sheeg
Oo dhibkaa masuul ka ah
Markaan eegay dhinac kale
Kii wax noo dhimaayoo
Dhakafaar la meermeer
Naga dhigay waxaan jirin
Dhug-rugtii wadnaha iyo
Cabsi dhabano haynteen
Foos wareerka nagu dhacay
Dhiilada hoggaan xumo
Dhambaal wadaha ka ahaa
Dhaansade dantii qura
Inta kale ha dhimatoo
Xabaalaha halagu dhuro
Dhabcaal nabadda ka ahaa
Dhiig sokeeye wada qabay
Dhiiladu ha socotoo
Marna yaan la dhimin yiri
Caqligii ka dheelmaday
Dhinac maray xuquuq idil
Dhagaraha u jeel qabay
Dhuumashow ciyaartii
Inta yare kolkaa dhimman
Haddaan dhaafayaa ee
Yeelo dhabar adaygey
Dhihi madax salaaxii

Murti hore xasuus dhigan
Bulac dhabarka laga xiro
Kolba dhinac u jiidjiid
Ilmo waa ku dheeshood
Isna waaba dhimashadii
Sidoo kalena dhiciskii
Gacma dhowra soo mara
Dhiidhiibka meerteey
Nafta kala dhaqaaqaan

Abwaanadii dhulkaygow
Dhambaalkayga imminkana
Aan dhawaaqo cabashee
Dhoodaan erayadiisiyo
Halgankiisii dheeraa
Dhoohnaan dadkiisii
Guubaabada u dhigi jiray
Dhawaanahaan maxaa helay
Ma dhulkuu ka hoos maray
Mise waa la dhalan rogay

Ina xaashi dhamaciyo
Xasan ganey dhankoodii
Dhawaaqoodii sabenkaan
Guubaabadu ku dheehnayd
Ma maqale maxaa dhacay
Nabad miyaa u dhalatoo
Xornimay dhadhamiyeen
Dhibtu waygu kalideey

Ina Xaashi dhamacow
Adigiyo dhiggaaguba
In kastoo dhurwaagii
Taliskiisii dhiiladu
Uu wax wayn idiin dhimay
Dadkaan dhalasho diin iyo
Dhaqan kalama maarmee
Dhabbaqooyinkii hore
Adinkoo wax dhayi kara
Isusoo dhaweyn kara
Sidaan dhaafa oran kara
Inay kala dhaqaaqaan
Miyaad dhiirrinaysaan
Cabdi Qaysna ii dhiib
Cinwaankiisa oo dheer
Xiriir dhinaca laga helo

Dhumucdii abwaankiyo
Yam-yamow dhankaagii
Kuwaad wada dhurwaayiyo
Ku tilmaantay wada dhiig
Adaa ugu dhawaadoo
Baarlamaan lasoo dhuray
Isimkaaga lagu dhigay
Dhexdoodii istaagee
Sama dhowrihiiyow
Caadadeedii dhaqan xumo
Ma markay dhanqalantee
Dhismihii qabiiladu
Foolkaano qarax dhalay
Faafreeb wixii dhacay
ayaa fiiro dheeh kale
uu dhawaq saldano jerin
Dhadhanshaa ku waalane
Murtidaad dhuraysiyo
Dhaaf hadalka kugu tiri
Ee siyaasi dhaba noqo

Midkii dhaayo nuurkii
Rabbigiisu dhaafshee
Sabirkii dhibkaa helay
Badelkii dhix-xayrkii
Dhugmo badan ilaahay
Sadrigii ku dhaanshee
Murti dhihidda guuroow
Dhegihii maqlaabiba
Dhaqsihii gartaanow
Dhurow Max’ed gacalow

Cabdi dhuux abwaankii
Murti fiiro dheeroo
Dhaqaajiday dad xaadii
Dhaqaalihii burburay iyo
Dhismo nabade la harsado
Yaa dhabar dul adagoo
Xilkaa dhawri yiri iyo

Saaxiibka igu dheer
Naftu noo dhaxaysiyo
Guurow dhankaagana
Tobankaad dhawaaq tiri
Dhawr shalay la yaabtee
Isma dhaanto taladii
Dhulka wada xukumi rabay
Toban laab inbaa dheer
Dhacdo sababta kororkana
Dhabar taabashaa badan
Dhibka jirana saburkiyo
Tanaasulid la dhiiriyo
Loo dhaad si wada jira
Qol dhexaana lagu xiray
Furihiina wuu dhumay

Dhowrka wada abwaanee
Dhawaqaygu gaaraan
Haye cali dagaal dhihi
Mustafow dhiraandhiri
Xarawana ka dhaadhici
Xasan jacayl adigu dhugo
Bacadlana u sii dhiib
Hala dhaafin qaba ruug

Abwaaniinta dhowrkee
Xamar dhinacyadiisiyo
Fiyooraha dhex joogow
Dhawaaqii tabliiqyada
Dhaqdhaqaaqa nabadeey
Kolba dhinac magaalada
Suugaan lasoo dhuray
Dadka lala dhex mari jiray
Hubka dhiga la oran jiray
Xaggeebaad ku dhaafteen

Ina sugule dhuubane
Dhiraandhirinta suugaan
Bulsho dhaxal u qaataan
Inqabiil dhudhumintii
Uu qaran dhantaal yahay
Tusaalaynna uga dhigay
Isku dhaca dab iyo dhagax
Dhawaanahaan codkiisii
Ma maqale maxaa dhacay

Abwaankii kor dhawree
Xiddigaha dhexdoodii
Hadba dhinac u jiiree
Iyadoy dhanaan tahay
Maadeys iyo xorriyo dhahay
Dhaqan xumo qurbaha taal
Dhudhun taako saaroo
Qabyo kow iyo laba dhahay
Sangub iyo dhiggiisow

Abwaankii dhugmada badan
Qalbigiisa lagu dhigay
Hanoo dhaafo Eebbee
Hadraawiba dhaliil qura
Uma hayo dhankiisee
Suu u dhabar adaygee
U dhibsanayey qoloqolo
Muxuu dhimay hadduu yiri
Afrikaba dhammaanteed
Xaafad qura halaga dhigo
Taa waxaa usii dheer
Bulshadiisa dhiilada
Iyadoo dhadhaab culus
Lagu kala dhantaaloo
Dhabbe furanna lagu arag
Dhul shishuu kasoo kacay
Daacadnimo dhaqaaqoo
U dhex maray dadkoo idil
Inuu erayo dhumuc wayn
Dhagaraha qarsooniyo
Dhibta guud tilmaamee
Wixii dhacay ku sheegee
Haddaan dhagaha laga xiran
Dhabta wixii dawayn iyo
Ducadana u daba dhigay

Abwaaniinta dhowrkee
Dibedaha u dhoofow
Sideedaba xornimo dhabi
Dhulka hooyo inay taal
Kolleytaba dhadhamisee
Murtidiinii dhimirkiyo
Kuwa dhegaha laga xiray
Dhiiladu halkay tahay
Dhaqso faham u tusi jiray
Dhagarow tilmaantana
Ku ahayd dhadhaab culus
Dhibkii aad ka cararteen
Kuwa wali dhex joogaa
Dhurwaayada hamuumkaa
Wada mici ku dhiiglaha
Moorooyin kala dhigay
Hadba qayb usoo dhaca
Yur inaad dhahdaan baa
Dhaqso celin kuwii qaxay
Intii dhimatay xusi kara
Dhaawacana baxnaaniyo
Dhayitaan u noqon kara
Dabadeed ma dhaafaan
Dhulkii wada midoobaa
Dadkiisuna dhudhumintii
Dhaqashiyo wax tacabkii
Ayaa dhogor qurxooniyo
Dhaqaaluhu u sare kici

*Abwaanadii dhulkaygeen
Halkaan aan ku magac dhabay
Iyo waliba dhowr kale
Iga garasho dheeroo
Dhiraandhirinta maansada
Waxba iima dhaafinoo
Miisaan isuma dhawin
Dhallaan baan agtood ahay

Saa darteed dhambaalkaan
Aad dhaliishid kama wado
Sharaftooda dhawrsoon
Wax u dhimid igama aha
Dadaalkii dhankoodana
Wada dhaafe kama wado
Ha dhugtaan warkaagoo
Waa abwaan halagu dhaho
Dhinacaana kama wado

Ha yeeshee dhawaaqani
Wuxuu dhiirinayaa
Dhaqdhaqaaq abwaanoo
Qabaliga dhufaanoo
Naca oo yur wada dhaha
Dhahe ee mar kale dhaha
Ka dheeraada qayb qayb
U dhawaada qarannimo
Dhabbe qurana wada mara
Midka baahan hoo dhaha
La dulmaha ka daa dhaha
Ruuxay samo ka dheegtaan
Gurmad buuran hoo dhaha
Maan gaabka dhoohane
Aan fiiro dheer qabin
Tusaalooyin lala dhaco
Doqonyahow dhan kale arag
Jiifkana ka toos dhaha

Danaystaha dhulkiisiyo
Dadkiisii dhammaantood
Qaaruu dhuunta gooyee
Xabaalaha ku dhuray iyo
Qaarna dhaawac jiistii
Uu lixaadkii dhaqan tiray
Qaarna dhamac colaadaha
Hugunkeeda dhaantada
Dhalandhoolkii dibedaha
Ugu dhace kasii daran
Dhaqan xumana kaydkii
Dhuuxeedii caqiidada
Badh isaga dhaqaaqoo
Dhalanteedkii raacdada
Dhanna uma fayooboo
Masiibay dhex jiifaan

Abwaanadii dhulkaygow
Dhambaalkayga gebagabo
Intaasoo dhib wada culus
Kuwii dhigay ayaa wali
Baaqiga intii dhimman
Kawaan lagu dhammaystiro
Anaa dhisay anaa dhisi
Halgan dheer ku wada jira
Dhibku saami buux dhaaf
Saburkiina wuu dhumay
Shibna lagama dhihi karo
Maxaa laga dhur sugayaa
Su’aashuna dhawaaqaa
Waa dhexroor jawaabtii


Kala xiriir abwaanka Emailkan yarow333@yahoo.com

Back to Category