Waa qeybtii labaad ee wareysigii abwaan cabdulle cilmi yarrow ay somalinet kula yeelatay magaalada muqdisho gabaygiisana Wuxuu ku billaabanayaa arar dheer oo ku saabsan awoodda alle iyo sida uu isugu rakibay xubnaheena, sida ibnu aadamku ugu kala duwan yahay xagga nolosha, farsamada, dadaalka iwm haddana ay dhammaantood yihiin kuwo uu allaah abuuray kana yimi hal aabe oo ah Nabi Aadam (cs) iyo in xisaabta qiyaamaha aysan jirin axad ka fakan kara abaalmarinta alle.
Waxuu gabaygu ka hadlayaa in samaantii, runtii, fikirkii saliimka ahaa iyo caddaaladii ay agoontowday dhawr sababood awgood:-
- ruux dambi ku eedaysan oo garsoorkii xaakim ka ah iyo dulmi loogu sii hiiliyo qof xaqiraya inta kale.
- Waxaa la ogyahay in marka guri dhismihiisa la billaabayo marka hore loo sameeyo asaas adag, ka dibna lagu xijiyo tiirarkii, markaa ka dib ayaa loo sameeyaa saqafka ama daboolka sare, marka haddii laga billaabo saqafkii u koreeyey siday noqon karto qof kastaa wuu garan karaa.
- Waxaa jira in ulaha la qaato ay kala fiican yihiin, mid kastana waxaa lagu qiimeeyaa geedkeeda, sidaa si le\'eg qof kasta oo hoggaamiye bulsheed ah wuxuu ummadda la dhex yimaadaa wixii ay hooyadii soo bartay, marka haddii adaygii guriga la yiraah ilmaha hay oo tarbiyee, hooyadiina ay u baxdo soo xasilinta biilka reerka iyo raadinta jago siyaasadeed waa la garan karaa sida wax yihiin.
- Inta gabar reer soo korsaday lagu fuulayo si xaaraan ah misna aan loo arkeyn dambi.
- Inta laba qof ama qoys oo deris ah uu midkood dhereg la daaca-qurmay, hambadiisiina uu qashinka ku darayo, kii kalana uu baahi darted bogga iyo beerku isku dhagey, geerina qarka u saran yahay amaba u uba dhintay, misana Islaamnimo la wada sheeganayo.
- Inta dadka biri ma-gaydada ah sida Culimada, Saraakiisha, Aqoon-yahanka, waayeelka, caruurta, dhaqaatiirta iwm loo dilayo aano qabiil ama dhaqaalo raadis loo qafaalanayo iyadoo loo awood sheeganayo.
Arimahaas iyo kuwo kale dhammaantood waxay u muuqdaan kuwo aan dhalin Karin qarannimo lagu diirsado iyo dawlad caddaalad ah, wuxuu gabaygu kusoo gabagaboobayaa Alle bari in Allaah na siiyo hogaan daacad ah oo nagu hoggaamiya wax alle ka raali yahay sidaana aan ku daba galno.
Allaa amar le ajashana xukuma oo irsaaq bixiye
Isagaa horreeyoo misana baaqi abidkiiye
Ciqaab adag naxariis udgoon cafin idankeed le
Arrin waliba isagey aqbali suu ahow dhaho e
Awood badane isagaa milki le caalamkoo idile
Isagaana loo noqon xisaab yoonka aakhiro e
Afka hadalka urintii sankiyo indho araggooda
Ilko gowso daba yaalla iyo cirrid ammaankiisa
Anfacada qaraar iyo macaan aayar kala sooce
Marinkii irsaaqdiyo midkeer neeftu ku aroorto
Sambab aaryo beerkiyo wadanaha uur ku jirayaasha
Wadne aan istaageyn illaa eebbe amar siiyo
Addimada lugaha iyo gacmaha xubin adeeggoo dhan
Aqli garasho xumo iyo samaan kala ogaantooda
Uumiyuhuba badasho kama maarmo ee irridihii taranka
Khaaliq baa abuuroo iska le idil ahaantoode
Arsaaqdana u kala qeybshoon axad hilmaameyne
Isagaana loo noqon xisaab yoonka aakhiro e
Kan aroorsha saco irmaana iyo ari midkii daaja
Ilaalshaha horweyn geela iyo beer midka abuura
Aar-goosto badahaa iyo midkii berri ka ugaarta
Irrid jooge waardiye guryaha ilaaq mid xaaqaaya
Askari qori le iyo sarkaal siiya amar buuxa
Ganacsade alkuut heysta iyo biyo mid iibkooda
Ujradood ku nool iyo midkii agab xamaalaaba
Ardey jecel inay jahliga eyni quriyo idil ahaantiise
Ku masixid aqoon buuxda iyo barasho loo aayo
Injineer mashiinkii iyo midkeer ababshihii macalim
Isirkooda farac iyo dhankii abtirsiga guudba
Aabe qura ayaa wada dhaloo lagu aroorshaahe
Af iyo dhaqanna kuma kala duwana saanba ku ogaaye
Diintana islaamnimo ayay ku ashahaataane
Ummaddii haddaan nahay intaa eebbe ku manneystay
Aqal nabada oo ay wada degaan ixtiraam deris le
Isku duubni iyo wada jirbaa aadmi noloshii e
Is eed eedka walaalaha dhabtaa sow ibtilo maaha?
Amuurtaa haddaan ararta gabay furo albaabkiisa
Amuur kalena dhaqan aasmay aan oodda ka dul qaado
Ibtilo weeye ruuxii aan aduunyada garanin iintiise
Isna mooda inuu uumiyaha idil dhamidooda
U horreeyo dhinicii aqliga iyo aqoontiie
Arladaa ka gees iyo ka gees xaqu agoontoobay
Asbaab dhowrahaa noogu wacan uubta noo qodane
Eedaysane garsoor maamuliyo eexo bari taari
Is xagxagasho odey wiilashii lagu agmeeraysto
Lana garan ujeedada gurracan eelka wixii keenay
Inuu qaranku taladaa aflixi uba maleynmaa e
Afartaa tusaaleynta guud eelka wixii keenay
Misna layska indho saabayoo iridahaa xeelo
Albaabkoo hagaagsami u furan daaqad la abbaaro
Ayaan ugu akhriyey dhegihii aan samo ka awdneyne
Udub toosan geedkii dhalaa lagu ammaanaaye
Akhlaaq suuban hoggaanshaha lehee ay ummadi raacdo
Waalidkiis ayaa ababin wacan soo asluub baraye
U horeyna aasaas hanuun hooyada u awale
Ilmihii markii haay la yiri arbihii guriga
Soo aruuri biilkana la dhahay hooyadii aqalka
Eryashada saldanadee haween ubad hilmaansiisay
Is xagxagasho oday wiilashii lagu ag meeraysto
Inuu qaranku taladaa aflixi uba maleynmaa e
Dheddig uguba xaaraan markii oodda lagu jiitay
Ummaa hooyo abaalkeed la dhumi cuqubo aruurtay
Oo aanba ceebtiyo fuxshiga aafo loo qabinba
Lana garan ujeedada gurracan eelka wixii keenay
Inuu qaranku taladaa aflixi uba maleynmaa e
Ehel jaara qaarkood intay aawadeed dheregta
Ufuryooni qashinkee hambada urta lala yaabi
Agagaarna deriskood in badan baahi indha beelay
Isla weynna faankoo misana islaamnimo sheegta
Oo aanba cuqubadaa ibtilo aafo loo qabinba
Is eed eedka oday wiilashii lagu ag meeraysto
Inuu qaranku taladaa aflixi uba maleynmaa e
Akhyaar biri ma geydaa intii aano loo dilayo
Culumada wuxuu eebbe yiri dhab u iftoonaaya
In qabiil dartii loo af jigo eexna lagu leexsho
Lana garan ujeedada gurracan eelka wixii keenay
Is xagxagasho oday wiilashii lagu agmeeraysto
Inuu qaranku taladaa aflixi uba maleynmaa e
Ilmo yari markuu qaylo iyo baroor ku abaado
Inay gaajo haysiyo inuu xanuun la ooyaayo
Arkihii maqlaaye misana jooga agihiisa
Haddii uu ku eegtoo dhibkaa uu arxamin taagtii
Ujeedkiisa maan garan wixii aamuska u diiday
Ictidaar haddii loo yiraa waa aqoon laawe
In dhagoole eed loo qabsado sow ibtilo maaha
Dhisme aqal ee lagana rabo cimri adeygiisa
U horeynba aasaas dhabaa unug billowgaa e
Udub tiirar dhexe yaa misana aayar loo mudiye
Israarraac sidaa buu ku socon ilaa la ebyaahe
Ku ahaana mid adagoo hadhow dhaxal awoow gaare
Inta saqafka kore laga soo unkaa aqal yaglelkiisa
Misna aan qiyaas loo ogeyn fadhi asaaskiisa
Lana garan ujeedada gurracan eelka wixii keenay
Is eed eedka oday wiilashii lagu ag meeraysto
Inuu qaranku taladaa aflixi uma maleynaa e
Bukaankii xanuun aawadii howlba ka istaagey
Dhaqaatiir amuurtaa bartoon beenna ku aqoolin
Awalkii markii lagu yiraah xaaladda aloosan
Cudurkaan asaa beerayoo arrinna buun buunshey
Amaseba afduub lagula kaco iyo unuun gooyo
Lana garan ujeedada gurracan eelka wixii keenay
Inuu qaranku taladaa aflixi uma maleynaa e
Waxaa taa agyaalloon misana idin dareensiiyey
Aqli dhuunta gala xoolahaa lagu yiqiin abide
Ayaamahaan xaqiiqada dhabtii leyska indho saabye
Haddii awrka duudkoo bannaan aanba la arkeynin
Agab inuusan hoostiisa qaban arrin qarsoon maaha
Eedeysane garsoor maamuliyo eexo baritaari
Indhoolahana raadkii ambaday lagu dhahaa aawey
Is xagxagsho odey wiilashii lagu agmeeraysto
Inuu qaranku taladaa aflixi uma maleynaa e
Arrin murugtay allaah kaashigii odayo maareeya
Culumada wuxuu eebbee yiri dhabu iftoonaaya
Dhaqaatiir awooddood gurmadoo heegan abidkooda
Guubaabada abwaanada iyo erey mid luuqeeya
Aqoonyahanno ay wada dhibee iihda shacabkoode
Ummaddood badbaadiyo la raba idil walaaloobid
Mar haddii akhyaartii heshiis samo abbaarsiinta
Waa eexday sabab looga dhigo isir faracooda
Oo qabiil dartii loo eryadoo lana af duubtaaho
Anaa kaa itaal roon waliba iilka lagu seexsho
Lana garan ujeedada gurracan eelka wixiii keenay
Inuu qaranku taladaa aflixi uma maleynaae
Is xaggasho oday wiilashii lagu agmeeraysto
Awood laysu faaniyo ibtile waa amuur dhaxale
Allow maalik eebbow nasii imaam caadilahe
Ummadduna hagaag daba kacdoon caasin amarkaaga
Qaadirow islaamkiba dhamman uubta loo qodayo
Imtixaanno waxay ugu jiraan arrinta u sababay
Dhagaraha abaaliista iyo kuwo axsaabtii e
Ayaa kala irdheeyoo ka dhigay aadmi ducufaahe
Arrin quroo badbaadana u ahi sidaad allow sheegtay
Waa amarka diintaa rabbow oo itbaac nabiga (scw)
Adegahaad jeclaatee ku tiri iqra’ billowgii e
Alxamduna faataxul kitaab qowlka awalkiise
Ilaa birrabbi naas aayadaha idil qur’aankaaga
Waa axkaam caqiidada furqaan wadar iftiinkeede
Isku duubni inay uga baxaan ulaha sheydaanka
Aqbal wada midowgaa hoggaan ishfi bedenkoode
Allow maalik eebbow nasii imaam caadilehe
Ummaduna hagaag daba kacdoon caasin amarkaaga
Quluubteenna eebbow ku beer qanac axkaamtaada
DHAMMAAD
Abwaan Cabdalla Cilmi Yarow
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!