Ummad waliba waxay leedahay Taariikh xumaan iyo samaan midkay ahaataba, taasoo ka hadlaysa Dad, Degaan, Xuduud Iwm, lehna xasuus u gooniya oo dhalisay Horumar ama dib u dhac. Faa’iidada ku jirtaahina waa in ay ogaadaan jiilasha aan markaa goob joogga ahayn si ay u xasuustaan shaqsigii ama kooxdii horumarkaa sababta u ahayd, looguna daydo wadadoodii, taa badelkeedana in lagu Haaraamo qofkii ama kooxdii sababta dib u dhac loogana digtoonaado jidkoodii. Haddaba maansadaan waxaa tiriyay abwaanka caanka ah ee Cabdulle Cilmi Yarrow oo haatan ku sugan Muqdisho, halkudhigeeduna waa Diiwaan Ha Lagu Qoro, waxaana uu tiriyay Suugaan farabadan oo hadda aad looga yaqaano Soomaaliya, waxaana wareysaty Xafiiska Somalinet ee Muqdisho.
Gabaygaan ayaa ka hadlaya inta badan waxyaabihii ama dunuubtii la galay sanadihii burburka iyo dagaalada sokeeye, iyo waxyaabo badan oo sabab u ah jiritaanka ummadeed.
Da’da labiyo toban sano
Ka horow dalkaygaan
Ilaa maanta duhurtii
Degenida wanaagiyo
Wixii dumiyay samihii
Dad ma wada dhintaanoo
Waa lakala dambaynee
Da’da soo koraysiyo
Duud oday kuwii jira
Si ay dabagal buuxiyo
U helaan digniin saxa
Kuwii galay dakanaduna
U dafirin dhankoodii
In taariikhda lagu daro
Diiwaan adagna lagu qoro
Deelayda maansada
Dabuubtay waxaan iri
Burburkii dalkaygii
Anigu ciidan maan dirin
Hala duulo maan dhihin
Dabkii baxayay maan shidin
Walaalkayna maan dilin
Isku dire kan iyo kaas
Laba dubbe u kala dhiib
Beenaan daahba lagu qarin
Dambaaburo dhexdoodii
Wali daaji maan oran
Waxaan dooni ruux kale
Dirqi qaado maan dhihin
Maamul jiray ma aan dumin
Si aan derajo ugu helo
Saqda dhexe dad jiifkood
Nabad ugu dangiigsaday
Durbaana colaad jaan
Madfac daaqa maan dhihin
Qofaan ruux isagu dilin
Diyo kama qaadan wali
Dambi weeye zinaduye
Haween dumar jid xaaraan
Xoog kama dan qudanoo
Maan badin darxumo wali
Dulmi raali kama noqon
Ruux dilay kas ruux kale
Dambigeed asoon galin
Dib wixii ka iman iyo
Dayr hore wixii dhacay
Dayn ku qora ma aan dhihin
Diyo ama qisaas taal
Oo uu daayinkeen yiri
Nolol baa ku duugane
Ha loo qaato duuduub
Hala daayo taas oo
Bac madwna xeer daris
Iyo baadil daba yaal
Dastuurkaasi maan qoran
Duufaantii colaadaha
Dayaankii rasaastiyo
La dalawgi baahida
Dibadaha hayaankii
Ujro kama daldalanoo
Xaasidnimo daraadeed
Intaan huuri daabulay
Sida shabaqi dabatada
Kuma daadin biyahoo
Dul-sabbaynta meydkood
Dugaag bada ku nool ihi
Ha dilqadeen ma aan dhihin.
Dawac neefu iga cunay
Ma dul saraan gorayoo
Inay qirato dambigana
Ciddiyaha kamaan dubin
Isheed daamur kuma shubin
Durruq aanaduu galay
Dameer uma xirxiranoo
Intaan dubbe ku arax dhabay
Dhegta dhiigga uma darin
Dawladaha shisheeyaha
Cadowgii dalkaygiyo
Wali daafi qurunleey
Damacooda bahalnimo
Dullaal fuliya maan noqon
Darbi anigu maan jebin
Intaan qodayna maan degin
Dad lahaana kama bixin
Dukaan xiranna maan gelin
Maan derderin milkiilihii
Garba duu intaan xiray
Maan daldalan wixiisii.
Ma af duuban wali ruux
Sida ari dubaaxii
Dulaal beeci maan oran
Dabadeed ma aan gadan
Bilicdii dalxiiskiyo
Kheyraadyada dalkaygii
Sharci darro intaan guray
Dibedaha u dhoofiyay
Dal shisheeye kuma dhisin
Anna kaygii maan dumin
Misna darajo kama rabo
Degdegsiimo taajirid
Inta kalena daad-xoor
Sideedii daciifnimo
Sacabaha ha doogtaan
Dalab lacago faalsaa
Daraasiin waraaqaa
Ma daabulin bakhaaroo
Sicir-barar ma doorbidin
Xanta kuma durraantoo
Mayd walaalkay duhurtii
Kuma daaqin ceeriin
Deequu haysto ruux kale
Xaasidnimo umaan deyin
Sida dacayo weyntiyo
Diin-laawaha cawaankaa
Deriskayga oo qaday
Intaan dhereg dilqaday wali
Mana duugin baaqigii.
Intaan soo daliilshee
Kusoo sheegay diidmada
Iyo qaar kaloo dedan
Taag darriyi imay hayn
Dadna igama reebine
Daayinkii makhluuq idil
Daalacul quluubkaa
Wixii daahir muuqdiyo
Allihii intii dedan
Aan dabool ka qarinaa
Cabsidii I dabartoo
Aan dartii u dhaafee
Ha yeeshee dadbaa jira
Diinta iyo dhaqankiyo
Dalkaan kula wadaagnaa
Had iyo jeer la daakira
Misna aan digniin badan
Dunuubtay galaayeen
Dadab iyo si toosaba
War hooy daaya aan iri
Dabuubtayda waanada
Laab ay ku dagi iyo
Dheg daloosha uma laha
Ilaa dawanka mowdkii
Iilka dubuq la siiyana
Xumaantay dabaasheen
Dunuub uma maleeyaan
Intaas oo dalkii rogay
Duuduub kuwii galay
Darajana waliba raba
Dalka way ka buuxaan
Dibedana kuwaa jira
Waxay daba ordaayaan
Danqashaa murtiyi tiri
Ileyn madax dadeed iyo
Mindi tii af daysaba
Dawna lagama quustoo
Naga daaya lama dhaho
Wax u dirashadoodee
Kama daalo aniguna
Qatar uga digaalkiyo
Dareenkayga qaylada
War ka jooga duulyahow
Dariiqaad ku socotaan
Dawaaraha ciyaartaa
Dab iyo qarax ayaa xigi
Igamana dul qaadaan
Iminkana daliil kale
Bal su’aalahaan daya
Inay daawo keenaan
Dalku calan ma leeyahay
Dul babada xornima oo
Damaaciga gumaystaha
Ciidan daafac dhabahoo
Ku danaysi qoloqolo
Qaranimo ka doortiyo
Darbi adag ma leeyahay
Ummad kala dambaysoo
Isu wada damqada oo
Daryeelkooda maatida
U daacada ma leeyahay
Diiratada abaartiyo
Colaadaha is daba yaal
Kolley waa la doogiye
Nabad baa dambaysee
War hooy yaan la dacaroon
Dulqaad badan ma leeyahay
Culumada dariiq alle
U duwaaya shacabkoo
Halisahana uga diga
Furuuc hoose diintana
Aan ku kala durkaynoo
Wada daafac asalkiyo
Isu duman ma leeyahay
Aqoon-yahan la doortiyo
Waayo-arag ku daba gala
Diirad wacan ma leeyahay
Diinta iyo ku dhaqankeed
Beel- daaje raaciyo
Duq iyo oday ma leeyahay
Dawgii wax-barashada
Dhalinyaro u duubtoo
Aan akhlaaqda daba marin
Barri daafac qarannimo
U darbaday ma leeyahay
Maal-qabeen dadkiisii
Diihaal abaartiyo
Duruufaha adygaa
Aan macaash dulsaariyo
Ku danaysan ribadoo
U damqada ma leeyahay
Qaybahaa dareenkay
Inay qaran dantii tahay
Daah igama saarnee
Kuwii dumiyay ee liqay
Darajana waliba raba
Diiwaan adag halagu qoro
Ruuxii uurka kuu daba
Dibindabyo kula raba
Cafis dalab dhankaagii
Dambigana hortaa qiran
Allaa kaga dambeeyoo
Arkaayoo dul-joogee
Mar haddaadse dooxada
Dabinada laguu dhigay
Adigu doonanaysoo
Mar kastaaba dalaq dhihi
Ogow doqon inaad tahay
Badbaadada dalkaygiyo
Sii daawo noo noqon
Allaah baan u daayee
Darajaale eebbow
Idilkeedba dunidaan
Duudkeeda waxa jira
Adaa daa’in uumoo
Caqabado ku daahshiyo
Misna aan ku daal mudan
Darajaale eebbow
Duul adi ku caasiyay
Deg-deg aarsigaagii
Adaa dawlad ku ahoo
Misna dibu dhiggiisii
Bal inuu dulmiguu galay
Kusii daadeggiisii
Towbaddii ka door bido
Adigaa dulqaad badan
Adaa labada daarood
Dul iyo hoosba maamula
Ciddii kugula doodana
Calaamado digniinaha
Iyo ciqaabo daba yaal
Caqli duul aad siisana
Uu dareenka garan karo
Adaa dawlad ku ahee
Darajaale eebbow
Siduu doono yeelow
Dhib waxaa na daashaday
Dariiqii badbaadiyo
Dawadii halkay tahay
Sidii kheyr leh noo door
Gabaygaan waxaa tiriyay abwaanka Cabdulle Cilmi Yarrow
Kala xiriir aiy2005@hotmail.com
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!