<|fanan_cabd06051.jpg||left|>Waxaa xaafiiska Somalinet ee magaalada muqdisho la soo gaarsiiyay suugaan muujineysa sababihii dagaalada sokeeye iyo sidii loo kala miistay hurintii dhibaatada soomaaliya.
Gabaygan ayaa lagu magacaabaa Tujaarul-xarbi oo macanaheedu yahay raggii ka maaleystay dagaalada iyo dhibaatadii shacabka soomaaliyeed, waxaana halabuuray abwaan C/dulle Cilmi Yarrow oo haatan ku sugan magaalada muqdisho waxaana marka hore uu ku bilaabaya arar kooban oo u dhaceysa sidan:-
Markii uu wadan ka dhaco dagaallo sokeeye waxaa soo baxa dad iyagu ku farxa waxa dhacaya, waxay lasoo baxaan ficillo ay iyagu is leeyihiin faa’iido ayaa idinkugu jirta, hasa yeeshee markii la fiiriyo ciribta dambe laga qoomameeyo. Bur burkii wadankeena ka dhacay wuxuu dhalay dad la baxay magaca maansadaan, aanna is leeyahay iyaga ayaa leh masuuliyada ugu wayn ee manta ummadeena haysata.
Dhibtu ma aha midda hadda laga qeylinayo ee waa mid soo bixi doonta oo ay la imaanayaa dadka lagu dhalay hantida ka timid dariiqyada maansadaani ka hadleyso.
Waa xakiim magacaaga
Xardhiddii murtidayda
Xarafkaan ku billaabay
Xamiidna waa kaligaa
Xushmad dheer nabigaagii
Xuliddii rusushaada
Xarigaaga badbaadiyo
Baadilkoon ka xorowno
U xilqaaday sidiisii
Xilkii way u guteene
Salligaan u xambaarnee
Xafiidow nabad yeeloo
Rabbibiyow xigmadaada
Xalaashoon dalabnaa iyo
Na xiriiri jid toosan
Xarafkayga kaleeto
Xardhiddii murtidayda
Xogta aan bal tilmaamo
Xayul khaaliq macbuud
Xikmadiisa makhluuquu
Qaarba xeer u jideeyey
Xayaatuu in ku beeray
Kuwaa xawli ku duula
Xabad qaar ku gurguurta
Xuduntii badaheer iyo
Xoonsanan berri qaybo
Idilkoodba xaq weeyee
Xamdi daa’im allow
Xarafkayga higgaadda
Ruuxa xeesha u haysta
Xamaalihii agabkiisu
Suu u xooro rarkiisa
Xarigii debcinaayoo
Xaaliyeyna kaxeeyoo
Xusul duub la dhaqaaji
Xukunkaa ku ridaaya
Waa xanuun ma huroo
Xakaar buu ka mutaa
Xarafkayga tilmaantaa
Xayawaan aqli laawe
Xaruntuu qatarteeda
Xiire-xiire ogaado
Xero uu ku badbaado
Yuu xaggeed u didaaye
Xamaaratadaa luquntiina
Xawl mariidka jaqaysa
Xumbo dhiig aburtiina
Xabaalmeen indhihiinaa
Xanuunkii idin saaqay
Inta uu xubnihiina
Xaynba gooni u aasi
Garaadkiina xiskii iyo
Xasuustii ka dhammaatoo
Xoolahaa idin dhaamee
Xaabo tuuran ahaada
Xarafkayga kaleetana
Qoom tujaarul xaraabaa
Xeero soora habkeedii
Xaashi faalsada keenay
Xigtii ay ku dalbeeni
Xaggii ay asalkeedii
Xisaabtaa ka heleenaa
Xaaraan booli ahaydoo
Waa xaqiiqo middaasi
Xarafkayga marqaati
Xarkihii korontaadiyo
Dhuumo xoogleh siyaado
Xambaaraaya dareere
Yay xabaalo qufeeyeen
Xoonsanaanta dhirteeneey
U jareen si xariiroo
Warshadaad wada xiimiyo
Xeyndaabkeena ugaadhii
Sidii xayndho u buuxday
Xeraday ka baxsheenoo
Xalwadii macdanteenay
Xaalufsheen quruxdeedii
Kaaliyaal is xilqaamay
Xoogaagey dadka baahan
Xuduudahaa uga keeneen
Iska yeelid xamaal iyo
Xeeladayn si qiyaaniyo
Xoogba way la wareegeen
Xaraash waanu naqaane
Xandhadeenii dhaqaale
Qiimahay xilli joogeen
Xig yar oon u dhaweynbay
Xeer la’aan badesheenoo
Xisaabtay ka heleenna
Si aan xaakim caddaalo
Xumaantay falkiyeen
Xudunteeda u baarin
Sharci xoogba u yeelan
Mar labaad xaq darray
Xabbad zuu intay keeneen
Shacabkii ku xasuuqeen
Tub xabaal wadareedkii
Xoogaagii ka badbaadana
Xogxoggii guntigoodu
Suu xaggooda u meero
Xeel waxay u arkeen
Sida xeero bariisa
Ama xirmooyin hudhaya
Beesaan xeerar heshiis iyo
Loo xeraynin dammaanad
Xaashi faalso ah Keene
Xarbi aafo dagaallo
Xeraduu ka kacaaba
Mid kaloo xasilloon baa
Xagaafkeed la helaaye
Ddhaqaali xaddigiisiyo
Xididkii bushiyooboo
Xigba ay xig ku leefto
Xagna looma badbaadee
Xanuunkii dhacdadaasi
Si dhaqsaa xummadeedii
Xoog yartii u dareeme
Xamaaligii dhididkiisu
Xabbad rooti ma gooyo
Masaakiinta xaqoodii
Xabaal bay ka dhigeen
Xannaanaynta agoonta
Xeerkoodaa kuma yaalo
Yabooh eebbe xisaabtii
Xag kaley ka mareen oo
Xukunkii sharcigiina
Xarbi bay la galeen
Xoolihii duruqdaasiyo
Qaar kaloo xusidoodii
Afkaygii ka xishooday
Ay ahayd xuduntoodu
Xuural-ceynta habloodee
Guurka loo xulanaayo
Sooryadii xigtadeeda
Xaaraantaa lagu dhiibo
Xersigay dhali doonto
Xigmadaan ka sugeyno
Bal xiskiina ka baara
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!