Natiijooyinka UEFA Champions League iyo Warar Qubane ah
Published on: 2006-09-27 06:44:23
Mohamed Abdulle Hassan (Siidi)
Match day 2- 26 September 2006
Group E.
Real Madrid vs. Dynamo Kyiv 5-1
20` R.V.Nistelrroy-82`(Rigoore) ,27` Raul-61,45` J.A.Reyes , 47`A.Milevsky(Dyn).
ateaua Bucuesti vs. Lyon 0-3
43`F.C.G.Fred, 55`Tiago, 89K.Benzema.
Group F.
Benfica vs. Mancherter U. 0-1
60` l.Saha .
Celtic vs. FC Copenhagen 1-0
36` K.Miller (Rigoore).
Group G.
CSKA Mosscow vs. Hamburger SV 1-0
59`Dudu.
Arsenal vs. FC Porto 2-0
38` T.Henry, 48`A.Hileb
Group H.
AEK Athens vs. Anderlecht 1-1
28` Julio Cesar,25` Frutos
Lille vs. AC Milan 0-0
FG: Waxaa caawa jira kulamo ka tirsan Horyaalkan Ueafa Champions.L. oo ay yeelanayaan inta kuwada jirta Group-yada A.B.C.D..kala soco Natiijooyinkaasi halkan.
Wasaaradda Isboortiga K/Afrika Oo Ka Kaashanaysa Jarmalka Xagga Farsamo Ee Marti Gelinta Koobka Adduunka 2010 .
Wasaaradda Isboortiga ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegtay inay kala kaashan doonaan xagga farsamada martigelinta koobka Adduunka dalka Jarmalka iyagoo isku diyaarinaya markoodii ugu horeysay marti gelinta koobkaas sanadka 2010-ka . Waxaa ay sheegtay wasaaraddu in ay ka codsatay khabiir u dhashay dalka Jarmalka oo isugu xoghaye guud ka ahaa xiriirka K/Cagta dalkaas inuu kala qeyb aato qaabka marti gelinta koobka Adduunka , Iyadoo khabiirkaas uu ka mid ahaa raggii kaalinta muuqata ku lahaa inuu guuleysto marti gelintii koobka Adduunka ee Jarmalka martigeliyeen bishii Juun ee sanadkan aanu ku jirno.
Waxaa kaloo shaacisay wasaaraddu in khabiirkaas uu la shaqeyn doono guddiga FIFA ee K/Afrika ka saacidi doona martigelinta koobka Adduunka 2010 –ka.
<b>Xaalad Halis ah oo uu ku jiro xiddigii hore ee xulka Uruguay Dario Silva.</b>
Xiddigii hore ee xulka K/cagta ee Uruguay Dario Silva ayaa lagu waramay inuu ku jiro xaalad culus ka dib markii uu shil ku galay magaalada Montevideo ee caasimadda Uruguay . Dario silva oo u ciyaari jiray kooxo ay ka mid yahiin Portsmouth iyo Cagliari oo ka kala tirsan dalalka Ingariiska iyo Talyaaniga ayaa lumiyay Control-kii gaari uu watay taasoo keentay inuu shil culus galo.
“Xaaladda caafimaad ee Silva ma aha mid la xalin karo gebi ahaanba ,waxaan ku wareernay caabuq gaaray meel ka tirsan xubnaha jirkiisa” ayuu yiri dhaqtarka waaweynaya 33 jirkaas. Gaariga uu shilka ku galay Dario Silva ayaa waxaa sidoo kale saarnaa Elbio Pappa iyo Dardo Perreira oo u ciyaaa xulka K/Cagta Uruguay waxaana iyaguna soo gaaray dhaawacyo fudud waxaana dhaqtarka uu sheegay (Dr:Mario Cancela) in dhaawaca ugu xun uu lugta inta jilibka ka hoseysa 10 centimeters (4-Inches) ka soo gaaray oo si xunna u burburtay . Dario Silva ayaa ka mid ahaa xulkii dalka Uruguay ee koobka Adduunka 2002-dii ka qeyb galay wuxuuna xulka dalkiisa u ciyaaray 49 kulan isagoo dhaliyey 15 gool muddadii uu u ciyaaray.
<b>Agaasimihii Guud ee kooxda Juventus Lucaino Moggi oo isku bedelay Qoraa.</b>
Agaasimihii guud ee kooxda Juventus Lucaino Moggi ayaa lagu waramay inuu isku bedelay qoraa wax ku qora jariidadda Libero ee dalka Talyaaniga ka soo baxda isagoo markii ugu horeysay ka soo muuqday saxaafadda tan iyo fadeexaddii Calciopoli ay keentay in looga joojiyo dhaqdhaqaaqa isboortiga.
Moggi ayaa ahaa ninkii ugu horeeyay ee ku soo if baxdo fadeexaddii musuq maasuqa ee hareysay kubadda cagta Talyaaniga taasoo aakhirkii kooxda uu agaasimaha u ahaa ee Juventus lagu ganaaxay in loo celiyo heerka 2-aad (Seria B) .
<b>David Beckham Oo Ka Carooday Kursiga Keydka Kulankiiisii Labaad.</b>
Ciyaaryahanka khadka dhexe uga ciyaara kooxda kubadda cagta Real Madrid ee dalka Spain David Beckham ayaa lagu waramay inuu si weyn uga carooday keydkii labaad ee uu geliyo tababaraha kooxdiisa Fabio Capello. Beckham ayaa bedel ku soo galay ciyaartii ugu danbaysay kooxdiisa la yeelatay kooxda Real Betis isagoo lagu bedelay Jose Antonio Reyes .
Captan-kii hore ee xulka K/Cagta Ingariiska ayaa ahaa mid ku jira kursiga keydka ciyaartii labaad ee isku xigta kooxdiisa yeelatay waana markii ugu horeysay ee ay sidaan dhacdo tan iyo markii u soo wareegay kooxda Real Madrid sanadkii 2003.
David Beckham oo lagu bedelay Jose Reyes daqiiqaddii 67-aad ayay dhacday inuu calaamadda Jaalaha ah uu ka qaato kulankaas, waxaana tani ku soo beegmaysaa xilli la doonayay in loo kordhiyo qandaraaskiisa oo haatan dhamaanaya dabayaada xilli ciyaareedka soo socda .
<b>Adriano oo Laga Dalbay Inuu Dhimo Miisaankiisa.</b>
Tababare ku xigeenka kooxda K/Cagta Inter ee dalka Talyaaniga Sinisa Mihajlovic ayaa rumaysan inuu Adriano uu yahay qofka sida weyn loo la hadal hayo isagoo ciyaaryahanka ugu baaqay inuu xoogaa ka dhimo miisaankiisa . “Adriano waa iska cadahay inuu kooxda ka haray waxana ugu weyn inuu sameeyo waa inuu dhimaa miisaankiisa” ayuu yiri kaaliyaha tababaraha Inter Mihajlovic isagoo sii raaciyey in ciyaaryahanka laga rabo ugu yaraan inuu dhimo miisaankiisa 5kg. Xiddigaas reer Brazil ayaa halgan ugu jira sidii uu uga dhex muuqan lahaa weerarka mid ka mid ah kooxaha ugu caansan dunida isagoo haatan keyd u noqda Zlatan Ibarahamovic iyo Hernan Crespo marka loo eego Line Up-ka kooxdiisa Inter Milan .
<b>Fernando Torres Oo Sheegay Inuu Dhameysanayo Qandaraaskiisa Atletico Mardrid.</b>
Captan-ka koxda K/cagta Atletico Madrid ee dalka Soain Fernando Torres ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu su sii ciyaaro naadigiisa inta uu uga dhamaanayo qandaraaskiisa xilli ay soo kordhayaan naadiyada daneynaya in ay la wareegaan. Torres oo lala xiriirinayo dhowr kooxood oo ay ka mid yihiin Chelsea ,Milan Mancherter unated ayaa saxaafadda salka Spain u sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu u sii ciyaro kooxdiisa .” Waxaan doonayaa anigu inaan dhameystiro qandaraaskeyga Atletico Madrid aad iyo aad baana ugu faraxsan nahay inaan u sii ciyaaro “ ayuu yiri Torres oo sheegay inuu sii joogayo garoonka Vicente Calderon oo ah garoonka naadigiisa Atletico Madris illaa sanadka 2009-ka isagoo da`diisuna haatan tahay 22 jir .
<b>Kooxda Feyenoord Rotterdam Oo Shaacisay Inay Garoonkeeda U Xirayso Dayactir.</b>
Kooxda K/Cagta Feyenoord eedalka Holland ayaa shaacisay in ay xiri doonto garoonkeeda Illaa Khamiista si ay uga fuliso howl dayactir ah . Kooxda Feyenoord Rotterdam oo isku diyaarinaysa kulanka is aragga labaad ee wareegga 1-aad ee koobka UEFA oo ay khamiista la yeelan doonto kooxda Sofia ee dalka Bulgaria ayaa sheegtay inuu garoonkooda u baahan yahay dayactir xagga cowska ah iyadoo godod ka sameysay garoonka . Waxay sheegtay kooxda Feyenoord in garoonka dib loo furayo khamiista oo ay kula ciyaarayso kooxda Sofia , iyadoo sida la og yahay kulankii is aragga hore ee labadaas kooxood ay ku kala baxeen barbaro 2-2.
<|Uefa_Buuna.jpg| |center|>
Back to Category