<|msn.gif|MSN Chat|left|>Kumanaan dad ah ayaa maalin kasta iyo daqiiqad kasta isticmaala MSN-ka, siyaabo kala duwan. Qaarkood ayaa baraare iyo nolol qurux badan kala kulma, halka qaar kalana ay dhibaato iyo hagardaamo qotodheer ka qaadan isticmaalkiisa, inkastoo ay jiraan danno intaas ka badan oo misna loo isticmaalo.
Sheekadan ay idiin soo gudbineysaa intiina nasiib u yeelata ee ka daalacda warbaahinta somalinet, dhacdo xanuun badan oo jaceyl, waa dhacdo soo socotay dhowr sanadood oo xiriir ah,waxaana ay si toos u ah u wajaheysaa dhaqanka iyo dabeecadaha soomaalida, xilliga ay kala joogaan gudaha iyo dibadaha. Sheekadan ma ahan mid siyaasadda soomaaliya meel ka quseysa, waayo wax waliba ayaa maalmahan loo qaatay inay ku taxaluqaan siyaasadda, sidoo kale sheekadani magacyada loo adeegsday ma ahan kuwo, cid loola jeedo.
Jimco waliba kala soco sheekadan Alla MSN-aaa!!!! Somalinet, waxaana sheekadani ay si toos ah u maquuraneysaa Mowjadaha iyo Xadgudubyada loo geysto jaceylka maanta, waxaana idiin soo gudbinaya qoraayaasha Xasan dhaaleey iyo Sodan qoyste, qeybtii ugu horeysana waxaa ay ku bilaabaneysaa sidan:-
Qeybtii 1aad
Yasiin waxa uu marayay afaafka hore ee NBC da ee wadada loo yaqaano 30 ka ee dhexroorka ku ah magaalada muqdisho,xiligas oo aheyd maalin degan, dhab ahaan tiina ma jirin dareen cadceedeed iyo mid roob, saacaduna waxa ay ahayd 5:00 tii galabnimo, Yasiin si dhibkii iyo daalkii maskaxdiisa soo maratay oo u dajiyo, ayuu gadaashiisa waxa uu ka maqalay cod dumar oo u yeeraya,kuna dhawaaqaya magaciisa, yaasiin!! yaasiin!! waa Sacdiyo oo ay xaafad wadaag ahaayeen kana mid ah qoysaskii dagaalda sokeeya soo dagay xaafada Hodan, isbariidin ka dib, Sacdiyo oo kaftanka u dhalatay ayaa ku bilawday hadalkeedii, galabta waxaaba i heysa, inaan kula jaan qaado, Yasiin oo intaas aamusnaa ayaa Sacdiyo oo hadalkeedii sii wadata ayaa waxaa ay tiri, waxaan rabaa inaad ii raacto Internetka oo santuuqeeyka ii isoo furtid madaama aanan si fiican u baran wali, intaa markii ay afkeeda ka soo baxday, Yasiin waxa uu ku soo baraarugay isagoo yaala bartamaha wadada dheer ee warshadaha ee duleedka magaalada muqdisho, islamarkaasina ay dhabta ku heyso Sacdiyo oo xiiqsan, dadna qaar ayaa ku dhawaaqaya, u baneeya leyrta, markaa kadib tax-si baa lagu soo qaaday, waxaana la keenay aqalkiisa, Sacdiyo waxa ay la yaabtay wax inanka baday miir la`aanta ee orodka xawliga ah ee jiho la`aanta ah ka keenay,mar wax ay istiri armay tahay jiro cusub hada dunida ku soo biirtay? marna wax ay is tiri, amuu qalal qabaa marma wax ay is tiri, amuu xoogaa waalanyahay kadiban intey is dajisay bay wax ay is tari, bal ha degdegine, waydii sababtu waxa ay tahay waxayna si qaboow u tiri, walaal maxaa ku helay?
Markaas buu yiri, Abaayo waxa ay ahayd April 2-2003, isla sanadkaas, waxaa geeriyooday Hooyaday macaan oo aan ifka ugu jeclaa, iyadoo raacdey oo qabuuraha ku wehlisay aabahey, waxaana ay labaduba camireen qubuuraha,marka anigu waxaan go`aan saday inaan is madadaliyo si aan farxad u ahelo,oo aan u hilmaamo jaceylkii la yaabka lahaa ee aan u hayay waalidkii igu abaabiyay dabeecad wanaaga iyo la dhaqanka bulshada, Yaasiin isagoo aad moodo shaqsi markale loo soo sheegay geeri kale oo ku timid labada dhalay ee uu soo aasay marhore ayuu yiri, abaayo Sacdiyo,xilligaas dhalinta hanaqaadka ah ee magaalada ayaa ku kacsanaa internetdka, anigana aad aad baan u xiisanayay inaan barto, barasho kadib, waxaan noqday macalinkii interneka, waxaana aad u jecla inaan habeenkii isku madaddaaliyo, si kastaba ha ahaatee, waxaa uu sxb key Yuusuf ii sheegay in uu jira mid layiraahdo Paltalk, anigana aad baan u jecleystay, lakiin hadaan ogan lahaa inuu noqonayo mid nafsadeyda baab`iya, nolosheydana cariiri geliya, waan iska deyna lah a lakiin wax ay noqotay inaan ku dheeraado,waxaana ku yeeshay Saxiibo badan waxba yaanan hadalka kugu daalinine, Habeen ayaan waxaan galay {qolka wiilasha iyo gabdhaha soomaliyeed} habeenkaasina waxaa ka socotay Dood kulul, Anigane aad baan u jecleystay, su`aalo ayaa laga jawaabaya waxaana la i waydiiyay, laba su`aalood oo kala ah 1-waa maxay jaceyl? iyo maxaa lagu kobciyaa iniinta jaceylka? waxaana ka qeyb qaadanayay Rag iyo Dumar Soomaaliyeed, kuwaas ku gala daadsanaa dunida daafaheeda, waxa ay aheyd, habeen dooddu ay degen tahay, dadkuna wax is ka maqlayay, iga raali ahow abaayo Sacdiyo waxaad moodaa inaan sheekada kaa dhexgalay Misna aan ku dheeraadaye,waxaan ku jawaabay waa su aalihii Paltalk-ga\'e
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!