Skip to main content
  • President Abdikassim Salad Hassan
    Young Somali? Learn your history!
  • We are building your massive online library...
    Expect exciting new services too. Stay tuned...

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Sheeko : Xubigii karfantiisa xirtay

Published on: 2005-05-31 14:26:41

XUBIGII KARFANTIISA XIRTAY


Waxay aheyd maalin aad u kuleyl badan, waxaan sugaayey baabuur waxa baabuurka sugaayey keligey ma aanan aheyn ee dad badan ayaa ila sugaayey, waxaana jirtey baabuur yari, kuleelkuna xad dhaaf ayuu ahaa, waqti dambe ayaa la gaarey waxaana la go’aansadey in la isku lug darsado, socodkeenii ayaan Waxaan ku bartey gabar ayaduna ka mid aheyd kuwa baabuurka sugaayey, waxaanu isku baraney kaftan, sidii loo kaftamaayey ayaa meeshii la is ku bartey, waxay aheyd gabar bashaash ah oo soo jiidasho leh, joog iyo jamaalba ilaahey ugu deeqey.

Socodkii anagoo sii wadana ayaa hal-hal loo kala haraayey, qof walbo markii xaafadiisa la soo gaaraba wuu haraayey, ugu dambeyn Waxaan isku soo harney aniga iyo ayada iyo nin wadaad ah, labo talaabo ka dibba wadaadkii luuq halkaasi ahaa ayuu ku leexdey labadeenii ayaa halkaasi isku soo harney, markaasaan wareysi ku bilaabey, wixii hore kaftan bey ahaayeen balse hadda waxaa la taagan yahay xaqiiqdii.

Waxaan su’aaley “xageed degan tahay abaayo?” waxay igu jawaabtey “Waxaan deganahay xaafadda x/jajab” markaasaan ku iri aniguna sidoo kale hore ayaanu isku weheshaneynaa, waxay aheyd hal saac fiidnimo markaan xaafadii imaaney ayey igu tiri gurigaasi ayaan deganahay, guri fillo ah oo qurux badan bey kor dheer iga tustey, dabadeed ayey iska key bartey “magaceyga waa Amaal, adna kaaga iisoo baas” waxaan la soo boodey Aadan.

Waxaa la soo gaarey waqtiga la kala hari lahaa, waxay igu tiri “waxaan jeclaan lahaa in uu noqdo kulankeenu mid la xusuusto” hadalkeedii ayey sii wadatey “weliba mid xiriir ku dhamaada in uu noqdo ayaan rajeynayaa” waan amakaagey waxaana la amakaagey xiriirka ay sheegeyso waxaana weydiiyey “xiriirka aad sheegeyso ii magacaaw” waxayna hadalkeeda igu soo koobtey “hadeer lama magacaabi karo” waan is macasalaameyney.

Waan ka soo dhaqaaqey si toos ayaan waxaan soo abaarey guriga, reerkii oo dhan wey wada dhan yihiin qof maqan ma uusan jirin aniga mooyee, telefishin ayey fiirsanaayaan, balse aniga telefishin iigama cadeen weli ereygii xiriirka ahaa ayaan doonayaa in aan maskaxdeyda ka shaqeysiiyo oo aan weliba soo saaro waxa ay ka wado, fikir badan kadib wax jawaab ah qalbigeyga ma uusan isiinin, waan iska seexday.

Suxibii markaan hurdada ka soo toosey ayaa waxaa guriga igu yimid saaxiibkeyga Muxudiin oo loo yaqiiney (Diinow) kaasoo ahaa Saaxiibkeyga midka aan isku ruuxa nahay, markaasaan arrintii u bandhigey iyo weliba ereygii aan la amakaagsanaa (xiriir) wuxuu igu yiri “war waa fursad ee ka faa’ideyso, gabadhu wey ku jeceshahay sida ay ila tahay”.

Markaasuu wuxuu bilaabey in uu ii su’aalo sidii F.P.I. oo kale wuxuuna su’aashiisii ku bilaabey “adiga gabadha hore ma u taqiiney?” markaasaan intaan ku qosley ayaan ku iri “maya weligey il xitaa ma aanan saarin” markaasuu igu yiri sida ay ila tahay gabadhaani hore ayey kuu kasi jirtey oo waxay rabtey in ay xiriir kula sameyso, weliba wey iskakaa qarin jirtey.

Amuurahaasi oo dhan kama aanan aaminin saaxiibkeyga diinow, waxaana ku iri “war waad waalan tahay ee iga tag” wuxuu igu yiri saaxiibkeyga diinow isa soo diyaari waan is raaceynaayee meel ayaan u socdaayee, kadib markii aan is diyaariyey ayaan is raacney saaxiibkeyga Diinow.

Saaxiibkeyga diinow hal mid ayuu ku ba’an yahay mar walbo wuxuu iiga sheekeyn jirey gabar uu aad u jecel yahay, markaan la taliyeyna oo aan ku iri jaceylkaaga u sheego, ma uusan u sheegan, maantana wuxuu ii wadaa in uu isoo tuso gabadhii uu maalmahaani oo dhan warkeeda igu wareerinaayey, anna niyadeyda waxaan iska iri haddii uu ku tuso isla markiiba anaa u sheegayo in uu saaxiibkeyga ayada uu jecelyahay.

Markaan tegney meeshii uu mar walbo ku arki jirey taasoo ah Iskuul, nasiib daro ma aysan joogin ayadu, waan ka soo wada tagney oo waxaan soo wajahney dhankii xaafadeena, anigoo daalan ayaan guriga imid waxaan soo qabsadey buug jaceyl ee uu qorey Abwaanka weynka ah ee (Boodhari) sheekooyinkiisa ayaan aqrisanaayey, markaasaan is weydiin jirey jaceylku ma wax jiraa?

Maalin maalmaha ka mid ah Aadan oo u socda Garoonka Kubadda Cagta ee ku yiiley Xaafadda X/jajab (Ayuub Stadium) ayuu si kedis ah la kulmey Amaal, isaga ma uusan garan markuu arkeyba wuxuu is yiri: “tollow gabadhaani xageed ku aragtey? Mar uun waad aragtayee xagey aheyd?” isagoo arintaasi ku wareersan ayey salaan ku boobsiisey oo ay ku tiri “Aadan waan ku salaamey, Ma i xusuusataa?” Aadan iskadaa inuu su’aasha ka jawaabee, salaanta xitaa wuu qaadi kari waayey, weli niyadiisa waxay is oraneysey gabadhaani xageed ku aragtey? Goor dambe ayuu gartey oo ku yiri “waan kaa qaadey Amaal” isagoo fajac ka muuqda.

Amaal ayadoo isla hadleysey waxay is tiri “tani waa fursad ee maka faa’ideystaa”

markaasey waxay Aadan ku tiri:-
Raadiskaaga Aadan aboowe
Rafaad baan u maroo
Ragoo dhan kaa dhex raadshey
Raadkaadana ka dhex waayey
Runtii damac baa igu beermoo
Ruuxeygaa kuu buko baryahaani
Reysan weydey awgaa
Raxmad igu galad aboowe
Riyo waxaan ku arkaa
Reer aan isla dhaqaniyo
Ra’yi aan isla wadaagno
Rabitaankeyga bil-kheyr
Rabi ha iiga dhigee
Ra’yigaaga iga sii macaanoow

Aadan markuu intaasi maqley wax uu ku hadlo ayuu garan waayey oo fajac iyo layaab ayey ku noqotey, ayaduna wey taagan tahay oo jawaab bey ka sugeysaa, isna wuu ku kor fikirayaa ugu dambeyn Aadan waxaa afkiisa ka soo baxay “abaayo hadda garoonka ayaan ka daahsanahay ee mar kale inooga dhig”.

Intaasi ma aysan aga harin ee wey sii wadatey oo waxay tiri “xageen kaa heli karaa, aragaaga ayaa macduun ah ee waxaad yeeshaa taleefoonkaani iga soo wac” waxay ii qortey taleefoonkeeda waxay ii sii raacisey “hadii aad isoo wici weydey waxaan u qaadanayaa in aadan dan iga laheyn” intaan “OK” ku dhahay baan iska dhaqaajiyey oo garoonkii baan tagay.

Cayaarihii markey dhamaadeen oo aan guriga ku laabtey baan ugu horeyn waxaan taleefoonka ka wacay saaxiibkeyga Diinow markaasaan haddana hadalkii oo dhan u taano-taaneeyey markaan runta farta u daray buu igu yiri “hadda ayaan kuu imaanayaa ee isug” waayahay baan ku iri.

Daqiiqado kadib Diinow oo ikor taagan baan arkey markaasuu wuxuu igu yiri isagoo hadalkiisa ku bilaabey:-

La yaab weeye Aduunyadu
Lilaahi gabar kuu ah
Lama seexiyo meel duuriyo
Laamiyada baabuurta mara
Laabteedii wixii ku jiro
Lafdi ahaan hadey kuu bayaanisey
La’aantaadana aysan ahaan Karin
Lur miyaad ugu bedeli laheyd
Lafdigeyga hadaan kuu bayaansho
Waxa laab kiciyey Waa jaceyl

Aadan xoogaa waxaa soo galay naxariis iyo calool jileec, markaasuu wuxuu isku dayey in uu lambarkeedii uu raadiyo, siduu u raadinaayey ayuu waayey wuxuu is yiri “wuu kaa dhacay hadda maxaa xal ah” xal labaad ayuu heley waayo maalintii waxay tustey gurigeedii.

Aadan si toos ah wuxuu soo abaarey gurigooda, markuu albaabka garaacey ayaa waxaa ka furtey gabar kale wuxuu weydiiyey “abaayo gabar Amaal la yiraahdo miyaa halkaani degan” gabadhii waxay ugu radisey “haa balse hadda ma joogto ee maxaad akhbaar igu fareysaa oo aan u sheegaa?” wuxuu ku yiri “anaa soo wici lahaa oo akhbaartana u sheegi lahaa balse taleefoonkeeda ayaa iga lumey hadii aad igu caawin kartid” gabadhii wax hadal ah ma igu soo celin lambarka ayey ii qortey waxayna igu tiri waqtigaasi soo wac.

Waan soo baxay waxaan si toos ah usoo aadey guriga cabaar ayaan fikiraayey, waxaana ka fikiraayey hadii aan waco waxa aan kula hadli lahaa? Waxaan is iri horta iska wac oo salaan koley wixii hadal ah markaasi ayey dhalan doonaanee, markaan wacay waxaa iga qabatey gabar waxaana weydiiyey muno aawey waxay igu jawaabtey “isug waan kugu soo wacayaa”.

Markey taleefoonka iga qabatey ayey waxay la soo boodey “Aadan miyaa” hadalkaasi ayaa cajiib igu noqdey waxaana weydiiyey sideed igu garatey? Waxay igu jawaabtey tixdaani:

Aadan macaanoow
Qalbigeygaa ku raacey
Qaabkaaga wacan baa
Qaboojiyey wadnaheyga
Quwada jaceylkaagaa
Qarsan kari waayey
Qisadaanina iga keeney
Quudkiina ka go’ayee
Qasab bey igu noqotey
Qiyaas la’aanta jaceylkaaga
Qaxarkiisa kuu bandhigey
Qeybtaada ka qaado

Markaasaan waxaan garwaaqsadey hadalkii Saaxiibkeyga Diinow inuu Run ahaa oo ay Amaal i jeceshahay, oo weliba jaceylkeeda dhab uu ka yahay, anna afkeyga wax hadal ah ma soo marin, waaba awoodi kari waayey in aan hadlo, daanka intaan qabsadey ayaan cabaar oo dhan fikiraayey.

Ugu dambeyn waxay igu tiri “aboowe in aan kula kulmo ayaan rabaa ee xageen ka dhiganaa” warba igama suginee hadalkeedii ayey sii wadatey “bal ka waran hadaanu ka dhigano iskuulka raage ugaas” afkeyga waxaa ka soo baxay “waa yahay” hadal kale waa soo mari waayey, taleefoonka ayaan isa saarey isla markiiba fikir ayaa igu dhashey.

Waxaan go’aansadey in aan soo raadiyo saaxiibkeyga Diinow oo aan kala tashto arrintaani i heysta, waxaan soo abaarey guriga diinow albaabkii ayaan garaacey waxaa iga furey Aamiin oo ah Diinow walaalkiisa ka yar waxaana weydiiyey “Diinow aaway” wuxuu farta igu fiiqey qolka uu ku jiro, markaan u soo dhowaadey qolka uu ku jiro waxaan maqley tixdaani:-

Dhanka wadnaha baa
Dhaawac iga gaarey
Damac baa igu beermey
Dusha iga wareershey
Dhuuxiyo lafaha baa
Damac kulul ku beertey
Dhibaatadaani i heysato
Da’yarta aan gacloodey
Daraadeeda buu ii gaarey
Dhulka baa ila wareegoo
Dhinacyadaan u liicey
Dhaliil baa igu cadaatey
Dhibkeygana u sheegan kari waayey
Dunida taan u saxariirey

Dib baan u gurtey waxaana u laabtey Aamiin waxaana weydiiyey “Diinow yaa qolka kula jira?” Aamiin inuu hadlo ayuu dhibsanaayey qoorka ayuu ii luxey isagoo ula jeeda cidna, markaasaan qolka soo abaarey albaabka ayaan si tartiib ah u furey si qarsoodi ahna u fiirshey waaba keligii wax la jira ma lahan.

Waa la yaab, aniga jaceyl baa igu soo bilaabmey saaxiibkeyga Diinowna wuu ku sii balaarmey oo meel halis ah bey ka mareysaa, qolkii ayaan soo galay waana salaamey salaantii maba uusan iga qaadin oo wuxuu la soo boodey “haye maxaa cusub oo aad ii heysaa?” hadalkii iyo balantii la ii dhigey baan u sheegey.

Diinow wuxuu igula taliyey in aan u tago oo weliba balanta aan oofiyo anna waayahay baan ku iri balse waad i raaceysaa baan shuruud uga dhigey diinow miimka ayuu cugsadey oo maku raacaayi ayuu ku adkeystey ee waa ku keligaa ayuu igu yiri wuxuuna igula dardaarmey in aan ka soo hubiyo jaceylkeeda in uu dhab yahay iyo in kale.

Waan soo baxay oo xaafadeyda ayaan soo aadey, markaasaan is diyaaris bilaabey oo waxaa soo dhow xiligii balanta la ii qabtey, markaan is diyaarshey kadib ayaan waxaan abaarey meeshii la igu balmiyey, kor dheer ayaan ka arkey iney meesha iiga horeyso markaasaan is iri “walee gabadhaani dhab ayey ka tahay jaceylkeeda” si toos ah ayaan u soo wajahey anigoon cabsi is dareensiineynin.

Markaan agteeda imid ayaan salaamey oo weliba gacanta ayaan u taagey ilbiriqsi ayey salaantii iiga qaadey anigoo dhan waan isku yar-yaraadey oo xishood ayaa i galay markaasaan isku dayay in aan hadal ku tuuro balse intaan ku tuurin bey igu boobsiisey geeraartaani:-

Silacii jaceylkaagaa
Sahal ha u moodinee
Sadrigeyga waxaa ku dhigan
Si fudud inaanan kaa harin
Samaan badanoo aboowe
Seedka wadnaheygaad tahay
Saan rabo oo keliya
Sameyntiisa igu kaalmee
Sumcadeyda iyo sharafteyda
Silsilad baan kaaga dhigey
Shaki kuguma qabee
Samaan iigu dhaq iyo
Sidii aan raali ku ahay
Si xunna ha iila maagin

Hadaladaasi ayaa qalbigeyga duleeliyey oo waanba qaboobey, hadaladaasi macaan oo Amaal ka soo yeerey ayaan la qaboobey markaasaan ku iri “walaaley ma dhab bey kaa tahay mise dheel?” intey dhoola cadeysey bey ugu radisey “waqti la cayaaro miyaa la joogaa?” waxaan soo dedejiyey Amaal macasalaameenteeda waxaana ku iri “waa yahay waa inoo mar kale” waanu soo kala tagney.

Aadan wuxuu si toos ah soo abaarey Saaxiibkiisa diinoow wixii dhacayna wuu u sheegey wuxuuna ku yiri “Saaxiib maanta Sidaan ayaa i qabsatey ee xal keen” diinow wuxuu saaxiibkiisa kula taliyey in uu la fakto gabadhaani oo uu la baxsado.

Diinow isagoo u sabab yeelaya siyaabooyin fara badan wuxuu saaxiibkiisa Aadan ku yiri: “adiga gabadhaani sow ma jeclid, ayaduna sow kuma jecla ee taladeyda qaado, hadii aad dhahdo waan guursanayaa qarash aad u fara badan ayaa loo baahanaya adiguna ma heysid, wadada kuu furan waa midaani ee hadda wixii aad sameyn laheyd adigey ku quseysaa”

Aadan waxaa ka dhex baxdey taladii uu saaxiibkiisa Diinow soo siiyey wuxuuna yiri “walee waa sax” isla markiiba ayadii ayuu taleefoon ku wacay oo wuxuu ku yiri “walaaley dhibka jira waad la socotaa, anna dhaqaalo sidaa u badan inaanan heysan waad la socotaa ee sideed u aragtaa hadii aynu isla baxsano”

Amaal arintaasi wey ka biyo diidey, Aadanna inuu ka dhaadhacsiiyo ayuu isku dayey ugu dambeyn Amaal waxaa la soo hordhigey hadalkaani oo ah “jaceylkaaga been ayuu ahaa oo maba i jeclid” ayadoo arintaasi ka shaki bixineysey ayey taladii ku raacdey.

Aadan iyo Amaal wey isla baxsadeed oo waxay iskula baxsadeed Wanlaweyn, Aadan markuu Amaal mehersadey wuxuu isla markiiba dejiyey meel uu diinow hore uu u sheegey oo ku yiri “guriga adeerkeyga ayaa halkaasi ah ee meesha deg, anna taleefoon ayaan kula sii hadlayaa.

Diinow isna wuxuu go’aansadey inuu gabadhii uu jeclaa uu jaceylkiisa u soo bandhigto si walbaba ha ahaatee, markuu xaafadoodii tagay mid ka mid ah saaxiibadiisa wuxuu ka dhaadhacsiiyey in gabadhuu jeclaa la dafey oo lala cararey, diinow arintaasi wuu aamini kari waayey markaasuu weydiiyey “horta gabadha la dafey magaceeda ii sheeg” kii ayaa ugu jawaabey “Amaal” argagax iyo anfariir ayaa diinow wejigiisa ka muuqdey.

Markaasuu wuxuu bilaabey inuu kiiska sitoos ah uu u baaro “markaasaa waxaa loo sheegey in mid Aadan ay yiraahdaan inuu u imaan jirey oo ay sheekeysan jireen” diinow markuu intaa maqley wuxuu ku yiri “bes iga dheh inta kale anaa dhameysanaayo” markaasuu isaga soo dhaqaaqey wuxuuna soo aadey gurigooda.

Intuu jidka soo socdey wax uusan ku fikirin ma lahan, si walbo ayuu u fikirey indhihiisana waxaa durbadiisa soo buuxisey ilin oo waxaad moodaa inuu habeeno fara badan uu dhafrey wey barareen, murugo badan baa la soo gudboonaatey wax uu sameeyo ayuu garan waayey.

Markuu xaafadii tagay ayaa wuxuu tiriyey tixdaani isagoo ay ka muuqatey murugo fara badan:-

Tacabkaan jaceylkeyga imarsiiyey
Tirsami maayee cadadkiisa
Tacbaan buu iga dhigey
Tan jaceylkeyga culeyskiisa
Todobaadkaan ku tiimbadey
Taariikhdeydii wey tirantey
Taladeyda ma i toosin
Tacdi ayey i marsiisey taladeydii
Tixraac anoon ku sameynin
Tunka saartey tiiraanyadiisa
Togtii ay nafteydu ku nooleyd
Taraq ayaa lagu shidey
Takhtar maa wax ii taraa
Taaymkaani la joogo
Tusaale weeye la tilmaamee
Tabarlaawe ayaan noqdey
Tiiradiina iga dhamaatey
Tawaabow waxaan sugayaa
Taakuleyntaada inaad igu caawiso

Diinow intuu ilinta iska tirtirey ayuu wuxuu go’aansadey inuu xaafadii uu ka musaafuro oo uu xaafad kale u guuro inkastoo uu Karfantiisa Gacantiisa ku toshey. Dhanka kale Aadan iyo Amaal noloshooda sidii la rabey ayey ku soo afjarantey.

Saadaq Cali
saadaqcade@yahoo.com

Back to Category