<|binti_omar_06051.jpg|Binti Cumar|left|>Fanaanaddda caanka ah ee Binti Cumar Gacal, waxaa ay ku dhalatay magaalada galkacyo ee gobolka mudug sanadkii 1960kii,fanaanada ayaa yaraanteedii si weyn u jecleyd fanka, waxaa ayna somalinet u sheegtay in aabaheed iyo hooyadeed ay si adag isugu khilaafeen fankeeda,iyadoo sheegtay in aabaheed uu ahaa booliis, gaarahaan kooxda Bambayda.
Binti cumar ayaa sheegtay in heesteedii ugu horeysay ay la qaaday allaha u naxariistee fanaankii Axmad Inshaar Olol, taasoo Halkudhigeedu uu ahaa “Ina kala gee’oo ka mid aheyd ruwaayad uu alifay Cismaan Yuusuf Black, oo aheyd Qir oo ha qarin jaceylka, waqtigaas ayay fanaanadu dhiganeysay dugsigii Raage Ugaas, waxaana ay ku beegneyd sanadkii 1976dii.
Fanaanadda Binti ayaa fankeedii rasmiga ahaa waxaa uu bilowday sanadkii 1981kii,xilligaasoo ay ka qeybqaadatay tartankii heesaha hirgalay ee lagu dhigi jiray national theatre-kii muqdisho,heeskeedii ugu horeeyay waxaa lagu magacaabi jiray Il-nugeyl, waxaana hal abuuray abwaan Maxamuud C/laahi C iise (sangub) laxankana waxaa saaray cismaan yuusuf black.
Dhinaca kale waxaa ay sheegtay inay fanka uga dayatay fanaaniinta ay ka midka ahaayeen khadiijo C/laahi daleys iyo qaar kale,sidoo kale waxaa ay tilmaantay inay ka soo qeyb qaadatay ruwaayado farabadan oo ay ka mid ahaayeen cilmi iyo caado, 15kii shumay iyo qaar kale oo farabadan,sidoo kale waxaa qeyb muuqata ay ka qaadatay shirkii dib u heshiisiinta Carta ee dalka Jabuuti.
<|binti_omar_06052.jpg|Binti Cumar|right|>Binti oo haatan heysata 4 wiil iyo hal gabar ayaa innoo sheegtay inay ku dhowaatay inay gebi ahaanba nacdo jaceylka, mar hadii bey tiri “aan waayay jaceylkeygii runta ahaa’
Haatan waxaa ay ku nooshahay magaalada muqdisho,waxaana laba sanno ka hor lagu dhaawacay beerta Afisyooni ee degmada Waaberi, taas oo ka dhigtay inay naafo noqoto oo lug ay ka cuuryaanto, fanaanadu waxaa sheegtay inay soo martay dhibaatooyin badan, waxaana ay tiri ‘Waxaan nahay Masaakiin aan heysan cid daryeesha, ma jiraan cid daryeesha fanaaniinta manta, waa nasiib darro nagu dhacday’
Sanadihii dagaalada sokeeye ee Soomaaliya waxaa ay ku luuqeysay heeso door ah,oo ay ka mid tahay, Annagu guud ahaan haween, oo uu hal aburay allaha u naxariistee abwaankii soomaaliyeed ee Maxamuud Tukaale Cusmaan, iyadoo dhinaca kale sheegtay inay dooneyso ambaqaadka fankeeda.
Binti Cumar Gacal oo ay ka muuqato diiftii dowlad la `aanta soomaaliya ayaa sheegtay inay jeclaan laheyd dalkeeda iyo dadkeeda oo nabad ah, kadi markii ay sida ay sheegtay ay dhibaato kala soo kulantay dalka Jabuuti oo ay u baqooshay dhowaan.
Fanaanada ayaa iyadoo ka faa`iideysaneysa fursaddan ay siisay shabakadda wararka ee Somalinet waxa ay salaan hawada u marineysaa dhamaan fanaaniinta soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan iyo weliba shacabka soomaaliyeed, waxaana ay ku boorineysaa in qof kasta oo soomaali ah uu ka shaqeeyo nabadeeynta dalkiisa.
Hassan Ali Mohamed (Dhaaleey)
SomaliNet, Mogadishu
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!