Xamarow Qayaarkaa: Laba Goodloow Ashahaado
Published on: 2006-11-08 16:35:07
Nasteexada Dabeysha Kacdoonkii Bulsho ee Faransiiska
Free-Lancer: Hanqaaaaasta Al-axmed - al_axmed@yahoo.com
Q 1aad.
(SomaliNet) Dabcan Xataa Hanqaastu waa ambad tiiyoo yacni looqaateenkeedu yahay mid dib u qooraansaneysa maqaaladii uu feegaaray Qoraa aan heybtiisa la garaneynin oo cinwaan ka dhiganaya \"SOOMAALIYA MAXAA LAGA IIBINAYAA? MAXAASE KA GADMI KARA?\"
Oo muhiimada ayaa ah mid ka jawaabeysa \"SIYAASADA SOOMAALIYA MAXAY JIIBTA IYO JAANTA ISULA HELI LA\'DAHAY? HALKEESE NABADA IYO DIB U HESHIISIINTA KA BILAABANEYSAA\"
Oo dabcan markaa miyeysan aheyn biyo dhacu in hab dhaqanka Siyaasadeed ee soomaalida salkiisa iyo seysaarkiisaba heykal ahaan ay soo tufayaan wax walba oo laga iibiyo ama loo baahdo in loo tababaro si ay ula saanqaado haba laga soo waarido ama halaga soo xawilo dal aan ku joqoraafi aheyn duruuf ahaan, bulsho ahaan iyo hab dhaqankiisa dhaqaale oo waxaan soo aragnay \"XUKUUMADII DAAQILIYADDA\" oo aheyd nidaam xurnimo gaarsiin ah oo ay Qaramada Midoobey inoo tababareysay balse Suáasha ayaa ah falsafad mab da\'ahaan ku qotonta \" NINKA RABA INUU YURUB KA TALIYO MARKA HORE WAA INUU AFRIKA KA SOO TALIYAA\" oo markaa Dimoqraadiyad xadoof ah oo aan loo bisleyn ayaa la inoo tababaray iyadiina waa ay shaqeyn weyday tiiyoo la dhihi karo in shacbiga xuriyad helo waa loo baahnaa.
Dabcan gadoodkii milateriga ee loo baxshay \"Kacaankii caweysnaa ee aan dhiiga ku daadan\" tiiyo heestu aheyd \"XOOGII BAA DADAALAY XUKUNKA DALKA HEYSTA, SHACABKANA WAA KU RAACAY\" oo markaa naaneysta ayaa ah \"shuuciyadii ayaa u dhalatay danta shacabka iyadiina waa la liqi waayay oo 21 sano kadib waa la soo tufay, sidoo kale mab da\' buuga cagaaran ee laga soo waariday cariga Libiya isagiina miiska ayuu saaran yahay, oo wax garoorkaaga meeqa waaye tiraahda waa la waayay oo badeecada fiican waa tii gadanta suuqna hesha.
Dabcan sidoo kale dhaq dhaqaaqyada diineed waxay u kala baxeen 2 calan ee kala ah calanka ahlu-dariiqa iyo cusbooneysiiyeyaasha ururka Aqwaanul Muslimiin, Al-itixaad, Takthiir, Al-islaax, Waahabiya firqa jihaad iyo kuwa kale, balse shacabaka iyagoo kala doorbido ayaa hadane Xukuumadihii soo maray waxey dacaayad ahaan shacbiga ugu jiheeyeen eray ah \"WADAAD XUMAYAAL\", hadaba waxaan isku dayi doonaa inagoo tixraac ku sameyn doonaa maqaaladaasi aheyd \"soomaaliya maxaa laga iibinayaa, maxaase ka gadmi kara?\" oo markaa waxaa dhuunta qalinka ka soo dhici doona nasteexooyin ku aadan dabeylihii Kacdoonadii bulsho ee caalamka soo maray iyo hadii ay shaqeeyeen waxa u suurta geliyay iyo hadii ay shaqeyn waayeen waxaa ka qaldamay siiba si gaar ah waxaanu ku eegi doonaa mowduuceena falanqeynta ah.
--Kacaankii Bulsho ee Islaamiga ahaa ee Iiraan ka hana qaaday—
--Kacaankii Bulsho ee Islaamiga ahaa ee Al-jeeriya—
--Kacaankii Bulsho ee Islaamiga ahaa ee Turkiga—
--Kacaanka Bulsho ee Islaamiga ah ee K/soomaaliya inteeda badan ka hanaqaaday.
Dabcan saami u ridishada awood qeybsiga doolshada qaranka ee geedi socodkeeda nabadeed Al-khartoum wajigiisi 3aad lagu kala soo huleelay waa mid u baahan bacaad celin dib ula tacaalid ah oo waqti looma qaban karo inaan qaranimadeenii luntay dib u hanano oo waa taariikh qormeysay in xaaladu sidan u dhacdo oo cid celin karta ma jirin waxaase laaska u dumay heyáddihii federaalk ahaa oo ku yimid hab doorasho 4.5 ah iyo heyáddihii kale ee dowliga ahaa sida tii garsoorka,tii sharci dejinta axdi qarameedka iyo tii fulintaba oo doorasho baarlamaani ku timid tiiyoo aheyd deegaanka ay juqraafi ahaan sheegato in ay isku balaariso kuna soo celiso nidaamkii iyo kala dambeyntii balse qoraa aan heybtiisa la garaneynin ayaa tibaaxaya maqaalado ah kan hore \"MARKA UU CALI MAXAMED GEEDDI UU ARMAAJADA GADAASHIISA AHI KU XASEYSTO WASIIRO IYO WASAARADO QALFOOF AH WAA LOO BAQAA\" iyo kan 2aad oo ah \"XILDHIBAANADA BAARLAMAANKA LOOMA HAADIN SIDA XERTA SHEEKH MAXAMED FAARAX\"
Waa socotaa...
Back to Category