Jaaliyada Soomaalida iyo wasiirada Qaxootiga Sweden oo kulmay
Published on: 2005-09-22 09:30:14
Warbixintii: Ikraam Cali-kaar
Stockholm - Sweden
ikraam@journalist.com
Barbro Holmberg: \"Wixii aan qaladnay waan saxeynaa\"
<|swedrfm.jpg|Ikraam iyo Barbro|left|>Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Stockholm ee caasimada wadanka Sweden ayaa waxaa maalintii shalay aheyd usuuragashay iney kulan gaaban la yeeshaan wasiirada u qaabilsan socdaalka iyo qaxootiga (Immigration Minister) ee Barbro Holmberg. Kulankan oo ahaa mid si weyn loowada sugayey ayaa wasiirada iyo xubnaha jaaliyada isla hadal qaadeen arrimaha la xirriira qaxootiga Soomaaliyeed ee wadankan oo sanadihii ugu dambeeyey ay dhibaatooyin soo wajahday kadib markii laanta socdaalka ay soo saartay go\'aano gebi ahaanba looga mamnuucay in soomaalida la siiyo sharci ku jooga wadanka Sweden.
Ugu horeyn wasiirada oo u muuqatay mid fur furan hadalka iyo kaftankana la qeybsaneysay xubnihii jaaliyada ayaa mudane C/qaadir Makaraane uga waramay aasaasidi Urrurka isbaheysiga ummadda Soomaaliyeed oo iyadu ah jaaliyada keliya ee kulmisa dhamaan jaaliyadaha soomaalida ee dalkan dhaqan. Waxa uu sidoo kale ka hadlay sida dowlada Sweden iyo xisbiga talada haya ee Social
demokrat-ka ay marqura u badaleen wejigii lugu yaqiinay oo ah inuu taakuleeyaan dadka shisheeyaha. Wasiirada oo ka hadleysay kulankaas ayaa sheegtay iney aad ugu faraxsan tahay iney kulan la yeelato jaaliyada Soomaalida oo iyadu fikrado kala duwan ka aaminsaneyd guud ahaan soomaalida iyo dalka Soomaliya, waxaana ay sheegtay iney jiraan qaladaad badan oo laga tirsanayo wasaarada ay madaxda ka tahay. \"Waan saxeynaa wixii qalad ah ee dhacay, qof kasta oo magangalyo doon ahna waxaan codsigiisa qaxootinimo ku tixgelineynaa daruufaha jira ee u diidaya in wadankiisa dib loogu celiyo\" ayey tiri Barbro Holmberg oo hoosta ka xariiqday in wixii ka dambeeya 31 bisha maarso ee sanadka dambe guud ahaan isbadalo lugu sameyn doono laanta socdaalka islamarkaasina aysan qaxootiga dalalkooda dagaalada ka jira aan dib loogu celineyn, taasoo macnaheeda tahay in xaalada dalka Soomaaliya ay tahay mid la isku haleyn karin ,qaxootiga Soomaaliyeed ee tiradooda dhantahay 3000 ay intooda badan heli doonan sharci ku joooga dalkan Sweden.
<|swedrfm2.jpg|Jaaliyada Soomaalida Sweden|left|>Cali Duluxow oo ah wakiilka matalayey sharcilaawayaasha Soomaalida Sweden ee magaalada Stockholm iyo nawaaxigeeda ayaa wasiirada weydiiyey sababta dowlada Sweden ay soomaalida ugu soo rogtay. sharciga kumeel gaarka ah, Wasiirada oo ka jawaabeysay su\'aashaas ayaa sheegtay inuu ahaa go\'aan qaldan oo lugu deg degay arrimahaas iyo kuwo kaloo badan ay kamid yihiin qaladyada dib loo saxayo.
\"Markaanu aragnay soomaali badan oo sharci lasiiyey iyo kuwii horey u heystay dhalashada wadankaan iney Soomaaliya dib ugu laabteen dhibaatana aysan kala kulmin dalkooda, ayaanu go\'aansanay inaan xadidno sharciyada magangalyo doonka ah ee la siinayo soomaalida taasoo ah in meelaha ay ka jiraan maamul goboleedyada ay ka amni wanaagsan tahay koonfurta Soomaaliya\" ayey tiri Barbro oo ka jawaabeysay su\'aal aheyd. Maxey tahay sababta kaliftay inaad sharciga u diidaan soomaalida qaarkoodna aad celisaan? Jawaabta su\'aashan ayey xubnihii jaaliyada u sheegeen wasiirada in Soomaaliya weli amaankeeda xasilooneyn nabada ay xustay ee ka jirta maamulgoboleedyada dalka ay tahay mideey ku aaman yihiin, balse celinta qaxootiga Soomaalida ee waqtigan ay tahay mid u baahan inaan lugu deg degin, maadama dowladii lugu soo dhisay dalka Kenya ay amaan darri darteed cagaha u soo dhigi weysay dalkeedii hooyo taasoo wasiirada lafteeda ay carabka ku dhiftay inaan soomaalida dalkooda loo celin karrin, islamarkaasina ay ka codsatay madaxdii isbaheysiga iney markale kulan iskugu yimaadan si arrimo badan oo qabyo ah looga wadahadlo.
Barbro Holmberg oo ah wasiirada u qaabilsan qaxootiga dalkan ayaa sheegtay in isbadalada durba la sameeyey ay kamid tahay in 30% shisheeyaha magangalyo doonka ah la siiyey sharciga daganaanshaha wadankan soomaalidana ay qeyb ahaan u heleen 3%. Kulankii jaaliyada Soomaalida iyo wasiirada oo arrimo badan la isla soo hadal qaaday, ayaa guud ahaan kulankaasi noqday mid ahmiyad gaar ah la siiyey qaxootiga ku dhibaateysan wadankan oo qaarkood caafimaad darro iyo shaqo la\'aan soo wajahday. \"Waxaan kuu sheegaya inaad toddobaadka dambeba aad raadsan karto shaqo qaxna u leedahay inaad shaqeysato cid sharci la\'aan kuu diidi kartana aysan jirin\" ayey tiri Barbro oo hadalkaas u sheegeysay Cali Dilaxow oo wakiilka sharcilaawayaasha oo mar uga waramayey wasiirada in xitaa aysan shaqeysan karin oo ay yihiin maxbuusayaal ku jira xeryo qaxooti, goobaha caafimaadna aysan ka heli karrin daawooyinka ay doonayaan marba hadaaney sharci laheyn.
Ugu dambteyntii kulankii wasiirada iyo madaxda urrurka isbaheysiga ummada Soomaaliyeed ayaa ku dhamaaday jawi wanaagsan iyadoo wasiiradu ay u balan qaaday in dadka Soomaaliyeed xaqa kaman ay heli doonaan laakin ay u baahan yihiin dulqaad iyo samir. Kulankan ayaa waxaa dhanka soomaalida goob joog ka ahaa C/qaadir Makaraan ah gudoomiyaha Isbaheygsiga, C/qaadir Loonge, Cali Dilaxow, Khadiijo Maxamuud iyo anigoo Ikraam Cali-kaar ah, kana mid ahaa bahda saxaafada Soomaaliyeed ee u suuragashay iney wasiiradaasi kula kulanto xafiiskeeda.
Dhinaca kale markii kulankii wasiirada dhamaaday, ayaa xubnihii jaaliyada isku shubeen xarunta Aqalka Dadka (folked hus-ka) oo ku yiilay xaafada Rinkeby oo ay si aad ah u degen yihiin Soomaalida ku dhaqan caasimada Stockholm, halkaasoo ay diyaar ku ahaayeen dadweyne soomaaliyeed oo rag iyo dumar iskugu jiray intooda badanina ay ahaayeen sharcilaawayaasha Sweden.
Gudoomiyaha iyo xubnihii la socday ayaa uga waramay wixii ay kala soo kulmeen wasiirada qaxootiga, waxaana ay sheegeen dhamaan waxyaabihii kulankaas looga hadlay taasoo ay dadweynaha u riyaaqeen sharciga cusub ee ay wasiiraddu sheegtay inuu dhaqan galayo dabayaaqada bisha maarso ee fooda inugu soo heyso. Isku soowada duuboo guud ahaan kulankii shalay ee lala yeeshay wasiirada ayaa ahaa mid mira dhalay waxaana looga fadhiyaa wasiirada balanqaadkeeda ah iney wax ka badaleyso hanaanka ay wasaaradeeda ku shaqeyso xaqa kamaqan soomaalida Swedena ay soo celin doonto.
Back to Category