<|credit_card_prv.gif| |left|>
(SomaliNet) Haddii aad ka adeegatid laxmu xalaalka Chicago/Portland oo ciwaankiisu yahay 1926 Chicago Av. South, Minneapolis, MN waxaa lagula socodsiinayaa in risiidka ay dadka siiyaan uu ku qornaan karo waxyaabo hadii qof tuug ahi helo awood usiin karta inuu isticmaalo credit card-kaada ama kaarka bangiga oo wata calaamada Visa ama Mastercard.
Ma ogin inta uu dukaankani uu risiidka ku daabacayey waxyaabaha loo baahanyahay inay qarsanaadaan laakiin daraad oo taariikhdu ahayd September 23, 2006 risiidka dukaankani wuxuu daabacayey kaarka nambarkiisa oo buuxa oo dowlada dhexe iyo tan gobolkuba mamnuuceen waqti hore. Tusaale ahaan risiidka dukaankaas waxaa ku qoran credit card-ka lamabarkiisa, taariikhda uu dhacayo iyo qorka leh magaciisa oo buuxa.
Haddii aad wax ka gadatay dukaankan oo aad wali haysatid risiidkii waxaa muhiim ah inaad si fiican u jeexjeexdid ama aad meel muhiim ah gelisid. cilada kale waxay tahay risiidka lagu soo siiyey kaliya maahine waxaa kaloo jira koobi ay la hareen iyo kaarboonka u dhexeeya labada risiid oo labadaba laga arkayo waxyaabaha ku qornaa kaarkaada.
Hadii aad ka cabsi qabto inay dhibaato kaasoo gaarto la xiriir dukaanka ama meelahan booqo:
Minnesota Halal Market: (612)-879-5002
<a href=\"http://www.revisor.leg.state.mn.us/bin/bldbill.php?bill=S0506.1&session=ls83\" target=\"_blank\">Minnesota State Legislation</a>
<a href=\"http://www.ftc.gov/opa/2004/06/factaidt.htm\" target=\"_blank\">Federal Fair and Accurate Credit Transactions Act</a>
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!