Wararka ka imaanaya magaalada London ayaa sheegaya in Soomaalida dalkaasi ku dhaqan ay Maalinka beri ah yeelanayaan kulan xasaasi ah kadib markii ay soo baxeen warar la xiriira shaki dhinaca Argagixisada ah oo kaga yimid Xukuumadda dalkaasi.
Wararka ayaa intaa ku daraya in shakigga haatan yimid uu abuuray isku duubnaan dhexmarta Soomaalida halkaasi ku dhaqan, waxaana la sheegayaa in maalinka beri ah ay kulankooda uga hadli doonaan argatida ku saabsan Argagaxisada iyo doorka ay wax uga qaban karaan, waxaana sidoo kale ay doonayaan inay xiriir la sameeyaan Booliiska iyo ururada Muslimiinta ee dalkaasi, si ay go`aan mideysan uga qaadan lahaayeen arimaha la xiriira argagixisada.
Soomaalida halkaasi ku nool ayaa la sheegayaa in qaarkood ay la kulmeen Cabsi iyo Naceyb uga yimid Bulshada dalkaasi qaarkood, waxaana la sheegayaa in qaarkood xittaa lagu shubay Biyo iyo Wasaq, halka qaarkana Aflagaado loo geystay.
Dhowaan ayaa dowladda Britain waxaa ay sheegtay in ruux Soomaali ah uu ka mid yahay dadka looga shakiyay qaraxii dhicisoobay ee habka Gaadiidka magaalada London, inkastoo booliiska talyaanigu ay sheegeen in ninka loo qaatay Soomaaliga uu yahay Ethiopian, laguna magacaabo Xamdi Isaaq, haatanna uu ku jiro xabsigga Talyaaniga si loo weydiiyo su`aalo dhowr ah.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!