Skip to main content
  • President Abdikassim Salad Hassan
    Young Somali? Learn your history!
  • We are building your massive online library...
    Expect exciting new services too. Stay tuned...

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Soomaali la masaafuriyey oo dib loo soo celiyey

Published on: 2005-04-24 13:14:50

<|jama.jpg|Keyse Jaamac|left|> (Minneapolis) Keyse Jama oo laga masaafiyey dalka Maraykanka ayaa diyaaradii dib ugu soo celisay gobolka Minnesota kadib markii maamulka Puntland ee Soomaaliya ay diideen inay aqbalaan Keyse.

Arinka Keyse ayaa wuxuu socday sanado badan wuxuuna gaaray ilaa iyo maxkamada ugu sareysa ee Maraykanka. Markii hore waxaa 1999-kii lagu xukumay xabsi hal sano ah kadib markuu dagaal uu mindi adeegsaday uu galay. Markuu waqtigii u dhamaaday ayaa shaqaalaha immigration-ka maraykanku damceen inay waddanka ka saaraan sababtoo ah qofkii aan dhalashada maraykanka haysan oo danbi gala sharciyan waa la masaafirin karaa.

Ilaa iyo intii dacwadiisa in waddanka laga saaro iyo in kale ay socotay Keyse wuxuu ku jirey xabsi ku yaala gobolka Minnesota. Markay aakhirkii ay immigrationku ku guuleysteen inay waddanka ka saaraana waxaa diiday Soomaaliya. Xaakin jooga Minneapolis ayaa qolada wax masaafinayey ku amray inaanay qorshaha habka loo masaafirinayo waxba ka badalin ilaa uu isagu soo aqbalo.

Back to Category