Skip to main content
  • President Abdikassim Salad Hassan
    Young Somali? Learn your history!
  • We are building your massive online library...
    Expect exciting new services too. Stay tuned...

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Xaflad balaaran ooabaaraha soomaaliya lacag loogu uruuriyey

Published on: 2006-04-04 10:31:43

<|canada_oxfam_06.jpg|Xafladii Canada|left|>Xaflad si aad u heersaraysa loo soo agaasimay ayaa ka dhacday caasimada dalka Canada, xafladaasi oo lagu qabtay Dhismaha City Hall ee magaaladaasi Ottawa.

Ulajeedada Xafladaan oo ahay in Dhaqaale loogu uruuriyo dadka Soomaaliyeed ee ay waxyeeladu ka soo gaadhan abaaraha ba\'n ee ka jira Geeska Afrika.

Xafladaan oo ay soo abaabuleen sadexda urur ee kala ah Canadian Friends of Somalia, Somali Graduate Network iyo Oxfam-Canada.

Xafladaan waxaa ka soo qayb galay dad lagu qiyaasay ilaa 300 oo qof oo isugu jira Soomaali, Afrikaan, iyo Dad Canadiyaan ahba. Waxaa goobtaasi ka hadlay dad aad u fara badan oo ay ka mid ahaayeen siyaasiyiin ka socda baarlamanka Canada, sida David McGuenty oo laga soo doorto xaafada South-ka, ama koonfurta Ottawa oo ah meel ay Soomaalidu aad ugu badan yihiin, David Kilgour oo ah nin ku jiray Baarlamanka Canada ahna nin aad u daneeya arimaha iyo duruufaha Afrika, isagoo ka soo noqday Geeska afrika Warbixin dheer iyo siiyaasada guracan oo dowlada Canada ee ku wajahan Afrikana goobtaasi ka jeediyay.

<B><a href=\"/news/canada_06.htm\" target=\"_blank\">sii akhri daawana sawirada</a></B>

Back to Category