Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Aadan Cabdulle Cismaan oo maanta Muqdisho lagu aasay

Published on: 2007-06-11 09:07:24

<|adan_ade_burial_sm.jpg| |left|>(SomaliNet) (sawirada hoos ka fiiri) Waxaa maanta magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka Ceel-Cirfiid lagu aasay madaxweynihi ugu horeeyay ee soo mara dalka Somalia marxuum Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde).

A aska marxuum Aadan Cadde ayaa waxaa ka soo qeybgalay madaxeynaha dowlada federaalka ee Somalia md Cabdulaahi Yuusuf Axmed, ra\'iisulw asaaraha dowlada federaalka Somalai Prof, Cali Maxamed Geedi, madaxweynayashii soo maraya Somalia ee kala ah md Cali Mahdi Maxamed iyo md Cabdiqasim Salaad Xasan, diplumaasiyiin ka kala socotay safaaradaha dalalka Ethiopia iyo Yemen dadweyne aad u fara badan oo kala yimid qeybaha kala duwan ee gobolada dalka Somalia, iyadoo markii marxuum Aadan Cadde meydkiisa la keenay dalka Somalia loo sii gudbiyay masjidka isbaheysiga islaamka halkaasoo salaada jinaasada lagu dukaday meydka marxuumka.

Dr cabdi Xaaji Goob-doon oo ah afhayeenka dowlada federaalka Somalia ayaa ku tilmaamay in goobta lagu aasay meyd marxuum Aadan cadde ay tahay meel taariiq ku leh marxuum, isla markaana ah halkii uu ka soo galay siyaasada Somalia.

Sidoo kale musabadii maanta lagu aasayay meydka marxuum Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde) ayaa waxaa ka soo qeygalay masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowlada federaalka Somalia, maamulka gobolka Banaadir iyo masuuliyiinta ciidamada dowlada Somalia, iyadoo dhamaan wadooyinka la marsiiyay meydka Aadan cadde amaakodoa si weyn loo sugay, waxaana lagu arkayay ciidamo ka tirsan dowlada Somalia oo heegan buuxa la galiyay, kuwaasoo doonayay inay ka hor tagaan qatar kaga timaada kooxaha dowlada ka soo horjeeda.

Intii ay socotay aaska marxuum Aadan Cadde waxaa halakasi laga soo jeediyay taariiqda marxuumka iyo waxyaabaha sida weyn lagu xusuusto, iyadoo marxuum Aadan Cadde lagu tilmaamay inuu yahay nin taariiq weyn ku leh siyaasada Somalia, isla markaana door wacan ka soo qatay halgankii loogu jiray gobanimo-doonka Somalia.

Aadan Cabdulle Cismaan ( Aadan Cadde) waxaa lagu tirayaa inuu yahay si dimuqraadiyada Somalia kaalin weyn ku lahaa, isagoo xilka dalka Somalia isaga degay kadib markii codad yar looga adkaaday sannadihii lixdamaadkii, waxaana marakaa kadib Somalia madaxweyne u noqday marxuum Cabdirashiid Cali Sharma\'arke oo isna wax yar kadib uu nin ka tirsan ciidamada xooga dalka Somalia ku dilay magaalada Laascaano ee gobolka Sanaag oo haatan ay isku hayaan maamulada Somalilandf iyo Puntland.

Sidoo kale Aadan Cadde wuxuu taariiq wacan ku leeyahay wadamada africa, isagoo ka mid noqday xubnihii dhowr ahaa oo aasaasay ururkii midnimada Africa, isagoo xiligaasi Somalia matalayay sida ku cad taariiqda marxuumka.
<|adan_ade_burial.jpg| |center|><|adan_ade_airport.jpg| |center|>

Back to Category