Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Afhayeenka Madaxtooyada oo lagu daweynayo Isbitaalka ciidamada Amisom

Published on: 2007-06-18 15:45:59

(SomaliNet) Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuub-sireed), Afhayeenka xafiiska madaxweynaha dowlada federaalka kmg-ka SOomaaliyeed ayaa iminka lagu wadeynayaa isbitaalka ciidamada yugandha ee Amisom.

Mas\'uul u Hadley madaxtooyada dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay baaris wadaan, isla mar ahaantaasina aaney bixin Karin wax faah faahin ah oo ku saabsan cida geysatay weerarka Afhayeenka iyo waxa uu salka ku hayo.

Afhayeenka ayaa markii uu dhawaca soo gaarey la geeyay isbitaalka Madiina,inkastoo markii dambe laga wareejiyay, loona bedelay isbitaalka ciidamada Yugandha ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya xaalada caafimaad ee Afhayeenka, hase yeeshee mas\'uuliyiinta madaxtooyada ayaa sheegay in xaalad daran uusan ku jirin Xuub Sireed, inkastoo warar aan la xaqiijin oo la isla dhex marayo ay sheegeen in dhawac culus uu soo gaarey, isbitaalka Madiina-na wax looga qaban waayay.

Afhayeenka ayaa lagu weeraray manta isgoyska Howl wadaan ee Magaalada Muqdisho isaga oo xilligaasi watay gaari ay la saarnaayeen qaar ka mid ah ilaaladiisa gaarka ah, waxaana soo baxayay warar is khilaafsan oo ku saabsan weerarka iyo sida uu ku dhacay.

Wararka qaar waxa ay leeyihiin falkan weerarka ah ayaa dhacay, kadib markii ay kala shakiyeen ilaalada xuub Sireed iyo koox ka tirsan ciidamada booliiska oo halkaasi ku sugneyd, mase jiraan warar si rasmi ah dowlada uga soo baxay oo arrintaasi xaqiijinaya.

Back to Category