Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Amaandaro ka taagan wadooyinka gobolada

Published on: 2007-05-23 08:03:54

(SomaliNet) Kooxo hubeysan ayaa ku soo badanayo wadada isku xirta Baydhabo iyo deegaanka Qansaxdheere ee gobolka Bay.

Wararka naga soo gaaraya wadada isku xirta Qansaxdheere iyo Baydhabo ayaa tilmaamaya inay sii xumaaneyso amaanka wadadaasi, isla markaana ay ku soo badanayaan kooxaha burcad ah ee dhaca iyo dilkaba u geysta dadka ku safra wadadaasi.

Sida ay xaqiijinayaan ganacsatada ku dhaqan deegaanadaasi, isla markaana inta badan ku safra wadadaasi ayaa sheeegay in maal-mahan dambe ay wadadaasi ku soo badanayaan kooxo burcad ah oo dhaca musaafurka isaga kala goosha magaalooyinka qaar sida Baydhabo iyo Qansaxdheere, waxayna dadkaasi ka codsadeen mamaulad aka jira Baydhabo iyo Qansax dheere inay iska kashadan sidii wax looga qaban lahaa kooxahaasi ku sii badanaya wadadaasi

Dhibaatooyin kala duwan ayaa ka soo gaara gacansatada kusafarta wadada isku xirta Baydhabo iyo Qansaxdheere sida ay tilmaamayan dadka qaarkiis, iyadoo marar badan la dhacay ganacsato ku safreysay wadadaasi, isla markana aysan jirin cid wali isku dayday inay la tacaasho kooxaha burcad ah ee dhaca iyo dilkaba u geysta gacansatada qaar.

Dhanka kale wadada iayana isku xirta Muqdisho iyo Baladweyne ayaa qayla dhaan xoogan ay ka imaaneysaa maal-mahan dambe, iyadoo maleeyshiyad hubeysan ay ku sii badanayaan wadadaasi, kuwaasoo furta dadka musaafurka ah ee isaga kala goosha Muqdisho iyo gobolada dhexe ee Somalia.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa dhowr jeer isku dayay inay wax ka qabtaan kooxaha burcad ah, hase yeeshee wali ma suuragalin inay xitaa soo qabtaan qaar kooxaha burcad ah ee deegaanadaasi ku sugan, kuwaasoo la tilamaamay inay yihiin dadka xoolo dhaqatada ah ee deegaanadaasi ku sugan.

Back to Category