Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Amaanka Shabeelada hoose aad looga deyrinayo

Published on: 2007-05-09 08:07:23

(SomaliNet) Wararka naga soo garaya gobolka Shabeelada hoose ayaa sheegaya in xaalada amaanka ee gobolkaasi ay ka siidareyso maalinba maalinta ka dambeysa, iyadoo ay soo kordhayaan dhaca loo geysta dadka ku safra wadooyinak mara gobolkaasi

Dadweynaha ku nool Degmooyinka Shabeellada Hoose ayaa waxay si weyn uga cabanayaan kooxo burcad ah oo dhac, kufsi iyo dil u geysta, waxayna sheegeen in burcaddaas ay yihiin kuwo kaga yimid dhanka Magaalada Muqdisho.

Degmooyinka Shalaanbood, Jannaanle, Marko iyo Degmooyinka kale ee Gobolkaas ayaa waxaa laga soo sheegayaa in burcaddu ay raxan-raxan u socdaan waddooyinka, iyadoo ay dhacdo mararka qaarkood inay iyagu is dilaan, taasoo cabsi weyn ku dhalisay shacabka Gobolkaas.

Dadka ku dhaqan degmooyinka gobolka Shabelada hoose ayaa ka codsanaya dowlada federaalka ee Somalia iyo maamulka gobolkaasi inay talaabo adag ka qabtaan kooxaha burcada ah ee ku soo badanaya gobolkaasi, xili ay sii badanaayan waxyeelada ay dadka shacabka ah u geystaan, iyadoo ay talaabooyinkaan burcad ay dadka u geysanaayan ay ku soo aadeyso waqti ay halkaasi ku sugan yihiin ciidamo fara badan oo ka tirsan dowlada federaalka Somalia.

Back to Category