(SomaliNet) Kadib dagaalo socday 4 maalin waxaa maanta magaalada Muqdisho laga dareemayaa nabad iyo xasiloono, inkastoo mararka qaar saakay xili hore la maqlayay rasaas goos goos ah oo ka dhaceysay aagga Xamar Bile, halkaasoo ay isaga horyimaadeen ciidamo Ethioian- ah oo wadada marayay iyo maleeyshiyooyin hubeysay oo iyaga aka soo horjeeda.
Ciidamada labada dhinac ee iska soo horjeeda ayaa wali isku horfadhiga goobihii uu dagaalka ku dhexmaray sida Xamar Bile, Staduim Muqdisho iyo Suuq Bacaad, waxaana mar kale dib u bilaawday isku socodka gaadiidka iyo dadka iyadoo la dareemayo saxansaxo nabadeed.
Dadka ku go\'doonsanaa halka dirirtu ka dhacday ayaa fursad u helay inay isaga soo baxaan kadib markii uu dagaalku istaagay, iyadoo goobaha qaar aan wali war ah laga helikarin sababo la xiriira ciidamadii oo wali isku horfadhiga taasoo ay macquul tahay inaad naftaada ku weysid hadii aad aado.
Gaadiidka B.L-ka qaar ayaa ka shaqo bilaabay qeybo ka mid ah magaalada, iyadoo ay taasi dhiirigalisay in muraalka shacabka uu ku aadanadaa helida nabadgelyada ay dib u soo laabato.
Xasiloonida laga dareemayo magaalada Muqdisho ayaa ka dambeeysay kadib markii uu shalay soo baxay bayaan ka turjumaya beelaha Hawiye ee dagaalkada ku lugta leh, kuwaasoo sheegay inay heleen fariin kaga timid madaxda dalka Ethiopia, isla markaana ku baaqaya in xabada la joojiyo.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!