(SomaliNet) Saddex askari oo ka tirsan dowlada KMG ee Soomaaliya ayaa la xaqiijiyey inay ku dhaawacmeen weerar bambaano oo caawa lagu qaaday saldhiga booliska ee degmada Waaberi ee koonfurta Muqdishu ka dib laba habeen oo laga nastay weerarada.
Rag hubeysan oo aan la aqoon ayaa bam gacmeed laba ah ku tuuray saldhiga booliska abaarahii 7:28 fiidnimo ee caawa, sida uu sheegay qof deegaanka ah.
Wax yar ka dib weerarada bambaano, booliska ayaa furay rasaas laakiin kuma aysan guuleysan inay soo helaan raga weerarka geystay.
Aaga qaraxa uu ka dhacay ayaa la xiray, iyadoo booliska ay bilaabeen baaritaano xili bandow lagu jiro.
Cidina looma xirin weeraradan ugu dambeeyey ilaa hadda.
Daqiiqado ka dib, qaraxyo kale iyo rasaas la is dhaafsaday ayaa laga maqlayey jidka wadnaha ee degmada Howlwadag ee koonfurta Muqdishu, laakiin ma cadda ilaa hadda cida dagaalamaysa.
Muqdishu ayaa deganeyd labadii maalmood ee la soo dhaafay.
Qaraxyadan ugu dambeeyey oo qeyb ka ah falalka looga soo horjeedo dowlada KMG iyo joogitaanka ciidamada Ethiopia, ayaa yimid waqti maanta la howlgeliyey ilaa saddex kun oo boolis ah oo lagu soo daray kuwii horey u joogay Muqdishu si ay amaanka u sugaan.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!