(SomaliNet) Ciidamada dowlada federaalka Somalia iyo kuwa Ethiopia ayaa maanta mar kale baaritano ka bilaabay deegaanada ay ka kooban tahay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada hoose.
Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Somalia ayaa guri guri u baaraya degmada Afgooye maalintii 2aad sida ay xaqiijiyeen dadka deegaankaasi, waxayna ciidamadu doonayaan inay gacanta ku soo dhigaan hub ay ku tuhmayan inuu yaalo deegaankaasi.
Maamulka degmada Afgooye ayaa sheegay in baaritaanada ka socda degmadaasi Afgooye looga gol leeyahay in lagu xaqiijiyo amaanka degmada Afgooye, halkasoo ay maal-mihii tagay ay ku soo badanayeen kooxo burcad ah oo dhac u geysta dadka deegaankaasi ku dhaqan.
Ciidamada dowlada federaalka Somalia ayaa sida la sheegay dib ugu celiyay hub ay ka soo qaadeen shirkadaha isgarsiinta iyo xawaaladaha ee ka jira degmada Afgooye, iyadoo hubkaasi la sheegay inuu yahay mid sharciyeysan oo ay dowladu ka warqabto.
Dadka ku dhaqan deegaanka Afgooye ayaa ku tilmaamay baaritaanada ka socda maalintii 2aad degmadaasi inay wax weyn ka tareysa xagga amaanka ee Afgooye.
Dhanka kale waxaa xalay bandoow lagu soo rogay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada hoose, waxaana la arkayay ciidamada dowlada Somalia iyo kuwa Ethiopia oo gaaf wareegaya gudaha degmada, kuwaasoo dadka u sheegay inay xaroodaan habeenkii, iyadoo gabi ahaanba albaabada loo looban goobaha ganacsi, mana jirto xili cayiman oo bandoowgaasi uu dhaqan galayo.
Qeybo badan oo ka tirsan gobolka Shabeelada hoose ayaa waxaa ka jira amaandaro sii baaheysa, waxayan dowlada federaalka Somalia oo kaashaneysa ciidamada Ethiopia ee Somalia ku sugan ayaa wali la tacaalaya dib u soo celinta amaanka qeybo ka tirsan gobolkaasi.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!