(SomaliNet) Baarlamaanka KMG ee Soomaaliya ee fadhigiisu yahay magaalad Baydhabo oo 250km koonfur-galbeed kaga toosan caasimada ayaa maanta ka dooday mooshin ku saabsan turxaan-bixinta howlaha baarlamaanka iyo la xisaabtanka dowlada.
Nuqulo ka mida qoraalka ku saabsan ajendaha ayaa loo qeybiyey xildhibaanada.
Afhayeenka baarlamaanka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo shir gudoominayey fadhigii maanta ee baarlamaanka ayaa ka codsaday mudanayaasha inay soo eegaan mooshinka la soo hordhigay oo deetana ay Khamiis la isugu soo laabto in laga dodo.
Waxaa maanta hoolka baarlamaanka xaadir ahaa in ka badan 140 xildhibaan. Qaar ka mida xubnaha baarlamaanka ayaa ku eedeeyey dowlada KMG inay ku xadgudubtay sharciyada qaar ee baarlamaanka uu horey u ansixiyey.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!