Skip to main content
  • President Abdikassim Salad Hassan
    Young Somali? Learn your history!
  • We are building your massive online library...
    Expect exciting new services too. Stay tuned...

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta saddex sano jirsaday

Published on: 2007-08-22 12:34:49

(SomaliNet)Xildhibaanada Baarlamaanka KMG ee Soomaaliya ee fadhigiisu yahay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa maanta u dabaal-degay sanadguuradii saddexaad ee ka soo wareegtay markii barlamaankaasi lagu aas-aasay Nairobi, dalka Kenya, iyadoo xaflada lagu qabtay hoolka barlamaanka ee xarunta ADC-da ee ku taallaa Baydhabo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa munaasibada ka jeediyey hadal dheer ka jeediyey oo ku xusay waxqabadka baarlamaanka mudadii sideed bilood aheyd ee uu xilka hayey.

Waxaa maanta xaflada lagu soo bandhigay barnaajiyo isugu jira Majaajilooyin iyo heeso looga hadlayo waxqabadka baarlamaanka mudadii uu aasaasnaa.

22-kii bishii August ee sanadkii 2004-tii ayaa barlamaanka Federaalka Soomaaliya lagu aas-aasay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ka dib shir halkaasi ka socday mudo laba sano iyo bar ah.

Aasaaskiisa ka dib ayaa xubnaha baarlamaanka waxaa soo kala dhex galay khilaaf sababay inuu laba u kala jabo, kuwaasoo kala degay Muqdisho iyo Jowhar.

Maxamed Qanyare Afrax oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka horeyna u ahaa dagaal ooge ayaa xildhibaano uu ka mid yahay waxa ay sheegeen in muhiim tahay in firfircooni la geliyo howlaha baarlamaanka si wax badan looga qabto marxalada haatan dalka uu ku sugan yahay.

Intii uu soo jiray baarlamaanka oo ka kooban 275 xubnood, laguna qeybsaday qaab beeleed oo ah afar iyo bar, waxaa xilalkooda waayey ilaa 45 xildhibaan oo uu ku jiray gudoomiyahii barlamaanka Shariif Xasan Sheekh ka dib markii lagu edeeyey inay waajibaadkooda gudan waayeen.

Back to Category