Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Bandoow Caawa lagu soo rogey Magaalada Kismaayo

Published on: 2007-06-18 15:45:08

(SomaliNet) Wararka laga helayo magaalada Kismaayo oo ah xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in caawa halkaasi Bandoow lagu soo rogey.

Wararka ayaa sheegaya in Bandoowga uu yimid kadib markii caawa halkaasi lagu diley nin ganacsade ahaa, kaasi oo goobtiisa ganacsi ay ku dileen kooxo dableey ah.

Kooxahan dableyda ah ayaa baxsadey markii falka dilka ah ay geysteen, lamana oga sababta dableydan ay u dileen ninkan.

Wararka waxa ay leeyihiin markii falkan dilka ah uu dhacay xaalada magaalada ayaa aad u kacdey, iyada oo dadka siyaabooyin kala duwan ay uga hadlayeen dilkan.

Ciidamada dowlada federaalka eek u sugan magaalada Kismaayo ayaa Bandoow ku soo rogey Magaalada, si loo sugo amaanka magaalada.

Back to Category