(SomaliNet) Wararka naga soo gaaraya magaalada xeebta kutaalo ee Kismaayo ayaa sheegaya in xalay magaaladaasi lagu soo rogay bandoow kadib markii ay sii kordheen qalalaasaha ka taagan deegaankaasi.
Ciidamada dowlada federaalka Somalia ayaa xalay lagu arkayay iyaga oo roondo ku sameynayo wadooyinka iyo jid cadayaasha ku yaalo guud ahaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubba hoose, waxayna ciidankaasi qeyb ka yihiin ciidamo dhawaan loo diyaariyay amaan ku soo dabaalida Kismaayo, halkaasoo ay dhawaan ka dhaceen iska hor-imaad dhexmaray beelo wada dega Kismaayo, kuwaasoo isku heystay maamulka magaalada Kismaayo, inkastoo markii dambe ay deegaankaasi gaareen wafdi ka socda dowlada federaalka Somalia oo halkaasi u tagay dhex dhexaadinta beelaha uu dagaalku ku dhexmaray kismaayo.
Maamuladii Gobolka iyo midka Degmada ayaa wali ka biyo-diidan inay dib ugu soo laabtaan magaalada Kismaayo, inta ay magaalada gacanta ugu jirto kooxo hubaysan oo ay ugu yeereen kuwii Dooxada Jubba.
Wasiirka arrimaha Gudaha Mudane Gacmadheere ayaa saxaafada u sheegay in Kooxaha magaalada haysta ay u sheegeen inay dowlada taageersan yihiin, walow uu sheegay haday dowlada taageersan yihiin inay qalad tahay inay xabad u qaataan madaxdii dowlada ee halkaas ku sugnayd, hase yeeshee wuxuu tilmaamay in si kastaba ha ahaatee ay xal waara ka keeni doonaan Kismaayo.
Bandoow lagu soo Kismaayo ayaa wax weyn ka tari doonta amaan ku soo celinta magaalada Kismaayo, halkaasoo maal-mihii tagay ay dhibaatooyin kala duwan ka jireen.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!