(SomaliNet) Wareegto ka soo baxday maamulka degmada Balcad ee gobolka Shabeelada dhexe ayaa maanta lagu sheegay in laga bilaabo 6da maqribnimo ay tahay bandoow, kaasoo ku eg ilaa iyo 6ada aroornimo.
Wareegtada ka soo baxday maamulka lagu xusin inta uu bandoowgasi socon doono, laakiin wuxuu maamulka sheegay in dhinaca amaanka wax looga qabanayo.
Dhanka kale waxaa isla dwegmadaasi maanta laga bilaabay hub ururin baahsan oo ka socota dhamaanba 74ka tuulo ee ay ka kooban tahay degmada Balcad sida uu sheegay afhayeenka maamulka ee degmada Balcad md Maxamed Kabo-Qori oosaxaafada la hadlayay maanta.
Hub ururinta ka socota deegamada kala gedisan ee Balcad ayaa looga dan leeyahay in amaanka wax looga qabto sidaa waxaa yirir Maxamed Kaba-Qore afhayeenka maamulka Balcad, wuxuuna intaasi ku siid aray inay doonayaan inay ka hor- tagaan wax kasta oo amaanka wax u dhimaya.
Degmada Balcad waxay kamid ah tahay degmooyinka ku teedsan Muqdisho isla markaana ood wadaagta la ah Muqdisho, waxaana haatan ka jira kooxo burcad ah oo dadka dhaca sida ay sheegeen dadka deegaankaasi ku dhaqan.
Waa degmadii 2aad ee hub ururin lagu sameeyo marka laga reebo Muqdisho, iyadood egmada Afgooye ay tahay degmadii ka horeysay Balcad.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!