Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Bandoow lagu soo rogay Baladweyne

Published on: 2007-03-24 07:37:16

(SomaliNet) Maamulka ka dhisay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa lagu soo waramayaa inay bandowo ku soo rogeen magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Bandoowga lagu soo rogay magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa la sheegay in looga hor tagao kulamo iyo shirar ay ku yeelanayan gudaha magaalada Baladweyne masuuliyiin ka tirsan midawga maxkamadaha islaamka ee laga awood roonaaday, kuwaasoo ay maamulka ka arimiya gobolkka Hiiraan ay sheegeen inay la socdaan dhaq dhaqaaqa ay wadaan.

Kulan looga hadlayay arimaha nabadgelyada ee gobolka Hiiraan oo maanta ka dhacay xarunta gobolkaasi ayaa laga soo saaray go\'aanka bandoowga lagu soo rogayo magaalada Baladweyne, kaasoo sida ay sheegeen maamulka gobolkasi ka taliya inuu dhaqan galayo caawo saacadu marka ay tahay 10 fiidnimo ee waqtiga Baladweyne.

Shalay ayay aheyd markii waraaqo loogu baaqayo in dadka deegaankaasi ku dhaqan ay joojiyaan la shaqeynta ay dowlada federaalka ee Somalia ay la shaqeeyanayaan, iyadoo maal-mihii tagay uu halkaasi ka jiray nabadgelyo daro ka taagan magaalada Baladweyne.

Waa markii ugu horeeysay ee bandoow ay ku soo rogaan maamulka halkaasi ka arimiya tan iyo markii meesha laga saaray awoodii midawga maxkamadaha islaamka ee ka talin jiray Baladweyne.

Back to Category