Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Bandoow lagu soo rogay Baydhabo

Published on: 2007-04-19 07:19:39

(SomaliNet) Wararka naga soo gaaraya Baydhabo ayaa sheegaya inuu si rasmi ah u dhaqan galay bandoow lagu soo rogay magaalada Baydhaboi oo xarun ku meel gaar ah u ah dowlada federaalka ee Somalia.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in xalay la arkayay ciidamada dowlada federaalka ee Somalia oo xalay gaaf wareegayay wadooyinka iyo gudaha xaafadaha Baydhabo, kuwassoo sugayay amaanka magaalada Baydhabo.

Bandoowgaasi ayaa la sheegay in lagu sugayo amaanka magaalada Baydhabo sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka booliska, kuwaasoo cadeeyay inay fulinayaan amarka ka soo baxay maamulka magaalada Baydhabo oo gabi ahaanba mabnuucay in hub sharci daro ah lagu qaato gudaha magaalada Baydhabo.

Sidoo kale masuuliyiinta maamulka hay-adaha gar gaarka ayaa loogu digay inay iso soo diiwaangaliyaan tirada hubka ay heystaan iyo ciidamada ilaallada u ah si loola socdo.

Ma ahan markii ugu horeeysay ee bandoow lagu soo rogo magaalada Baydhabo ee xarunta K.M.G. ah ee dowlada Somalia.

Back to Category