(SomaliNet) Dowlada federaalka ee Somalia ayaa maanta si rasmi ah shaaca uga qaaday in bandoow lagu soo rogay magaalada Muqdisho maalinta Jimcaha ah ee soo socota.
Gudigooyiha gudiga nabadgelyada qaran Gen, Maxamed Warsame Darwiish ayaa sheegay in gudiga nabadgelyada qaran ay go’aansadeen kulan ay yeesheen gudigaas la isku raacay in laga bilaabo maalinta jimcaha habeenka Sabtiga soo galo ay tahay bandoow, kaasoo bilaaban doonaya 7da fiidnimo ilaa iyo 5 aroorrnimo.
Gen Darwiish ayaa sidoo kale xusay in arintaasi looga dan leeyahay in lagu xakameeyo amaanka magaalada Muqdisho, isagoo shacabka ugu baaqay inay guryahooda ku ekaadaan xilyada uu bandoowgi socdo.
Sidoo kale gudoomiyaha gudiga nabadgelyada qaran, isla markaana ah taliyaha ciidanka nabad sugida ee dowlada federaalka ee Somalia Gen, Darwiish ayaa sheegay in mudo 2 todobaad ah ay socon doonaan qarxinta waxyaabaha ay ciidamada dowlada federaalka Somalia soo qabteen iyaga iyo ciidamada Ethiopia, wuxuuna ugu baaqay shacabka inay sidaasi ogadaan oo aysan u qadan inay yihiin waxyaabo la qarxiyay.
Bandoowgaan ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay ee ay dowlada federaalka Somalia si rasmi ah ugu dhawaaqday tan iyo markii ay dowladu la wareegtay gacan ku heynta Muqdisho, waxaana horey u jirtay in deegaanka heliwaa uu maamulka gobolka Banaadir horey u shaaciyay in degmadaasi bandoow lagu roogay.
Dhanka kale degmooyinka Balcad, Afgooye iyo magaalada Baydhabo ayaa horey bandoow loogu soo rogay, iyadoo lagu macneeyay in amaanka goobahasi lagu xasilinayo.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!