(SomaliNet) Ugu yaraan 10 ruux ayaa looqabqabtay kadib markii lagu eedeeyay inay jabiyeen bandoow lagu soo rogay deeganka Diinsoor ee gobolka Bay, halkaasoo maamulka gobolkaasi uu ku soo rogay bandoow xiliyada habeenkii ah.
Bandoowga lagu soo rogay deegaanka Diinsoor ayaa looga dan leeyahay in amaanka lagu suyo sida ay sheegeen qaar ka mid ah masuuliyiinta maamulka ee Bay oo saxafada la hadlayay, waxayna maamulku cadeyeen in lagu xaqiijinayo amaanka Diinsoor, halkasoo ay ka dhaceeb qaraxyo kale duwan oo lala beegsaday saldhiga ciidamada booliska ee Diinsoor.
Diinsoor ayaa noqoneysa deegaankii 2aad ee ka tirsan gobolka Bay e bandoow lagu soo rogay, iyadoo magaalada baydhabo horey bandoow lagu doonayo in amaanka lagu sugayo lagu soo rogay kadib marki dhowr qarax uu halkaasi ka dhacay.
Dowlada federaalka ee Somalia ayaa u muuqaneysa inay la tacaaleyso amaandarada ku sii baaheysa qeybo badan oo ka tirsan dalka Somalia iyadoo deegaanada ay ka mid yihin Muqdisho, Balcad,Afgooye, Baydhabo iyo Diinsoor bandoow ku soo wada rogtay si amaanka goobahaasi loo sugo, loona yareeyo qaraxyada ka dhaca meelaha qaar.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!